Dahabshiil
Golis

AMISOM oo soo bandhigay Dagaalyahan ka tirsanaa Al Shabaab

Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho (AMISOM), ayaa maanta saxaafadda usoo bandhigay wiil dhalinyaro ah oo ay sheegeen inuu kamid ahaa koox ka tirsan Al Shabaab oo weerar kusoo qaaday 3 bilood kahor.

Afhayeenka AMISOM ee Muqdisho Major Bridgye Bahuko ayaa saxaafadda u sheegay wiilkan inuu kamid ahaa koox weerar kusoo qaaday fariinsin ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin jidka Makkah Al Mukkaramah, asagoo sheegay in sadex kamid ah raggan soo weeray uu ku jiray wiilkan oo lagu magacaabo Ismaaciil Xussen Isaaq.

Ismaaciil ayey ciidamada AMISOM gacanta ku dhigeen xiligii uu dhacay weerarkaasi oo ahayd bishii Oktoober ee sanadkii lasoo dhaafay, Ismaaciil ayaa wuxuu si culus ugu dhaawacmay dagaalkaasi.

Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in sadex bilood ay Ismaaciil ku hayeen isbitaal ay leeyihiin Ciidamada AMISOM, asagoo sheegay inuusan wiilkaasi xiligaasi ahayn maxbuus balse ay dabiibinayeen oo uu daawooyin ku qaadanayey isbitaalka ciidamada AMISOM.

“…Wuxuu kamid ahaa dadka aan maalin walba daaweyno oo isbitaalkeena ku heyno, mana ahayn nin maxbuus ah…” ayuu yiri Major Bahuko oo maanta saxaafada usoo bandhigay wiilkan Soomaaliga ah oo ay ciidamada AMISOM ku wareejiyeen ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Major Bahuko ayaa sheegay in hada uu caafimaadkiisa fiican yahay wiilkan marka laga reebo lug laga gooyey kadib dhaawac culus ee kasoo gaaray dagaalkii Muqdisho ka dhacay bishii Oktoober.

Bahuko ayaa sheegay in hada ay Dowlada Soomaaliya wiilka ku wareejinayaan sida uu qorayo sharciga si markaasi loogu wareejiyo waalidiintiisa wiilkan.

Ismaaciil oo asagu muuqaalkiisu ahaa nin aan wax dhib ah ka muuqan, ayaa ka gaabsaday inuu saxaafadda la hadlo.

Arrintan ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo ay Ciidamada AMISOM soo bandhigaan nin kamid ah kooxaha la dagaalama oo ay gargaar u fidiyeen ayadoo ciidamada AMISOM marar badan ku cel celiyeen inay gargaar caafimaad u fidiyaan dadka rayidka ah ee wax ku noqda dagaalada Muqdisho.

Xarakada Al Shabaab Mujaahidiin ayaan ayadu weli wax  jawaab ah arrintan ka bixin.

Maxamed Kaafi
Horseed Media
Muqdisho, Somaliya

RELATED STORIES

Comments are closed.