Dahabshiil
Golis

Diyaaradaha NATO oo si khalad u duqeeyey Ciidamada Dowlada Afghanistan

Ugu yaraan 4 ka tirsan ciidamada dowlada Afghaanistan ayaa ku dhintay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Ciidamada NATO ee ku sugan dalkaasi Afghaanistaan.

Duqeyntan ayaa maalinimadii shalay ka dhacday gobalka Wardak ee dalkaasi Afghaanistan, kadib markii iska horimaadka isfahan-waa ah uu dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Afghaanistaan iyo ciidamo Maraykan ah.

Iska horimaadkan ka dhacay degmada Sayed Abad ee gobalkaasi Wardak ayaa keenay in ciidamada Maraykanka codsadaan in diyaaradaha dagaalka ee NATO gacan kasiiyaan dagaalka, diyaaradaha halkaasi gaaray ayaa Duqeeyey xarun ay dhufeys uga jireen ciidamada Dowlada Afghaanistaan.

Dhacdadan ayaa waxaa si weyn uga carooday dowlada Afghaanistaan, Qoraal laga soo saaray Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumada Karsay ayaa loogu baaqay Taliyayaasha NATO inay si deg deg ah u ciqaabaan cidii ka danbeysay duqeyntan.

Dhanka NATO ciidamada ka socda ayaa sheegay in iska horimaadkan uu ahaa mid ku yimid shaki soo kala dhexgalay labada ciidan, ayagoo markaasi sheegay inaysan ogeyn in ciidamada la duqeeyey ay ahaayeen kuwa dowlada Afghanistan.

Duqeyntan ayaa imaaneysa saacado kadib markii nin Tarjumaan reer afghaanistaan ah uu isla gobalkaasi Wardak uu ku dilay 2 askari oo Maraykan ah.

Tarjumaankan la shaqeyn jiray Ciidamada Maraykanka ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay qaar kamid ah ciidamadii uu la joogay habeenimadii Jimcihii, ayadoo kadibna ciidamada Maraykanka ay toogteen ninkaasi dilay labada askari ee Maraykanka ah.

Dhacdooyinkan ayaa imaanaya xili ay soo baxayeen baaqyo ah in lasii xoojiyo wadashaqeynta ka dhaxeysa NATO iyo dowlada Afghaanistaan ee dhanka la dagaalanka kooxda Talibanka.

Horseed Media

RELATED STORIES

Comments are closed.