Dahabshiil
Golis

Murran ka dhashay Dhaawaca laga soo daabulayo dalka Haiti ee la keeno Maraykanka

Qoraal uu shalay soo saaray Governorka gobalka Florida ee dalka Maraykanka Charlie Crist ayaa lagu sheegay in Gobalkiisa uu qarka u saaran yahay cadaadis dhanka adeega Caafimaadka ah kadib markii gobalkiisa la keenay Dhaawac badan oo laga soo qaaday dalka Haiti.

Qoraalkan oo loo diray Xoghayaha Caafimaad ee Dowlada Maraykanka Mrs.Kathleen Sebelius ayuu Governorka Florida uga cawday in qorshaha ay Dowlada Maraykanka ku dooneyso in maalin walba 30 illaa 50 dhaawac ah laga soo qaado dalka Haiti oo la keeno gobalkiisa ay tahay mid hada culeys weyn oo dhanka adeega caafimaadka ah keentay.

Wuxuuna hogaamiyaha Florida ka codsaday Xukuumada Maraykanka in Gobalada kale ee Maraykanka ay kaalintooda ka qaataan daaweynta dadka ku dhaawacmay dhulgariirkii ka dhacay dalka Haiti.

Maamulka gobalka Florida ayaa sidoo kale su’ aalo ka weydiiyey xukuumada Federaalka Maraykanka cida bixin doonta lacagta caafimaadka ee lagu daaweeyo dadkan.

Cabashada gobalka Florida ayaa keentay in dowlada Maraykanka ay gebi ahaanba joojiso dadka dhaawaca ah ee laga soo qaadayey dalka Haiti, tilaabadan oo ka careysiisay hay’ adaha gargaarka iyo Dhakhaatiirta fadhigoodu yahay Maraykanka.

Hay’ adaha gargaarka ayaa sheegay in maalin walba ay tirada dhimashada ee dalkaasi Haiti ay sii kordheyso maadaama in badan oo kamid ah dadkii ku dhaawacmay dhulgariirka aysan heli karin adeeg caafimaad oo ku filan.

Dadka dhaawacyada culus soo gaareen ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay loo dhoofinayey dalka Maraykanka gaar ahaan gobalka Florida halkaasi oo laga jiifinayey isbitaalo.

Horseed Media

RELATED STORIES

Comments are closed.