Dahabshiil
Golis

Shirka Midowga Afrika qodobada ugu muhiimsan ee Sanadkan (Somaliya iyo Guddoonka Midowga Afrika)

Waxaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka furmo shirweynihii 14aad ee Midowga Afrika, oo sanadkan si gaar ah diirada loogu saari doono xaalada dalka Soomaaliya iyo Wadankii qaban lahaa Guddoonka Midowga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed ayaa shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ahna xarunta Midowga Afrika, halkaasi oo uu si weyn ugu soo dhaweeyey Raysalwasaaraha Itoobiya Atto Meles Zenawi.

Kahor imaanshaha Shiikh Shariif Axmed oo shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Addis Ababa, waxaa kasoo horeeyey shalay subax Wafdi kale oo uu hogaaminayo Shariif Xassan Shiikh Adan Raysalwasaare kuxigeenka DFKMG ahna Wasiirka Maaliyadda iyo xubno kale oo ayaguna ka yimid dibada kuwaasi oo si gaar ah loogu soo dhaweeyey Addis Ababa una yimid inay Madaxweynaha Soomaaliya kala qeyb qaataan kulanka Midowga Afrika.

Mas’ uuliyiinta Dowlada Federaalka Kumeel Gaarka Soomaaliya, ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa ka qeyb geli doonaan shirweynaha, balse sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan hogaamiyaasha halkaasi isugu imaanaya.

Informationka iyo Teknolojiyada

Shirka sanadkan ee Midowga Afrika ayaa loogu magac daray Informationka iyo Teknolojiyada, oo si gaar ah ay wadamada Afrika uga wada hadli doonaan balse waxaa jira qodobo muhiim ah oo sidoo kale shirkan lagu falan qeyn doono.

Soomaaliya iyo Suudaan

Arrimahan sida gaarka ah looga hadli doono ayaa ah xaalada ka taagan dalka Soomaaliya iyo amni xumada, ayadoo lagu wado Shariif Axmed inuu shirka kasoo jeediyo warbixin ku aadan wixii ay dowladiisa qabatay sanadkii ay jirtay.

Waxaana lagu wadaa in wafdiga Soomaaliya ay wadamada Afrika ka codsadaan in la xoojiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayadoo qorshuhu yahay in la dhameystiro 8000 ee askari ee horey loogu qorsheeyey ciidamada Midowga Afrika ee illaaliya Xukuumada DFKMG.

Shirkan waxaa sidoo kale ku sugan Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo lagu wado qudhiisu inuu ka hadlo xaalada bini’ aadamnimo ee ka jirta dalka Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa DFKMG ee Muqdisho ku sugan.

Dalka Sudaan ayaa kamid ah wadamada laga hadli doono ayadoo sanadka soo socda lagu wado in dalkaasi lagu qabto Afti lagu eegayo in Koonfurta Sudaan ay ka goosato Waqooyiga dalka Sudaan.

Ban Ki Moon xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay in la illaaliyo midnimada Sudan, asagoo sheegay in dhibaatooyin ay keeni karto in ay sii kala fogaadaan Waqooyiga iyo Koonfurta Sudan.

Madaxweynaha Dalka Sudan Omar Al Bashiir ayaa asagu sheegay inuu aqbali doono natiijo walba oo kasoo baxda Aftida laga qaadayo shacabka Sudaan, xataa hadii ay noqoto buu yiri in loo codeeyo in koonfurta Sudaan ee shidaalka qaniga ku ah in ay ka go’ ado dalka Sudaan.

Guddoonka Midowga Afrika

Shirkan ayaa lagu dooran doonaa Guddoonka cusub ee Midowga Afrika oo ay hada heyso dowlada Libya.

Dalka Libya ayaa doonaya in loo cusbooneysiiyo kursiga Guddoonka Midowga Afrika ayadoo hogaamiyaha dalka Libya ee Col. Mucamar Qadaffi uu doonayo in sanad dheeraad ah sii hayo xilkaasi.

Balse waxaa sidoo kale jira loolan xoogleh oo ay wado Dowlada Malawi oo ayadu rabta in sanadkan ay guddoonka u qabato Midowga Afrika.

Dowlada Malawi ayaa taageero xoogleh ka helaysa Wadamada xubnaha ka ah ururka Koonfurta Afrika ee marka magacooda lasoo gaabiyo la isku yiraaho SADC.

Malawi ayaa sidoo kale la sheegay in taageero xoogan ka helayso wadamada Bariga Afrika.

Hase yeeshee Dowlada Soomaaliya ayaa la filayaa inay u codeeyaan dalka Libya oo hada isku haleenaysa taageerada ay ka heysato dalka Tunisiya oo si weyn u garab taagan.

Inkastoo shirkan uu noqon doono mid qodobo badan lagu soo qaado, hanada Midowga Afrika ayaa lagu dhaliilaa inaysan inta badan fulin heshiisyada ay wada gaaraan hogaamiyaasha Afrika.  Ayadoo Midowga Afrika illaa iyo hada ku guuldareystay inuu dhameystiro sideeda kun ee askari ee horey u qorsheeyeen inay geeyaan dalka Soomaaliya iyo qodobo kale oo la xariira dhanka iskaashiga Amniga iyo Ganacsiga.

Ahmed Musse
Horseed Media

RELATED STORIES

3 Responses to “Shirka Midowga Afrika qodobada ugu muhiimsan ee Sanadkan (Somaliya iyo Guddoonka Midowga Afrika)”

  1. HARTI says:

    WEGER ISKA HADLOW INA EGERE ADEER SOMALIA MAXAA LOO DHIBA XUKUN IYADIBA ISXUKUMI LA,A MA HABAR GIDIR AYAA LOO DHIBAA HOGANKA MIDOWGA AFRIKA AHAHAHAHAHAHAHAHAAH

  2. cheyyene says:

    caamiroow boowe ..heheheheeeeeeeeeee

  3. caamir says:

    Somaliya maxaa loogu diidan yahay in loo dhiibo hogaanka midowga africa, sababtaas waxaa iska leh ethiopia oo ah dalka ugu wayn ee soomaaliya cadowgeeda ah