Warar soo shaac baxaya ayaa sheegaya in dowlada Thailand ay gacanta ku dhigtay Hub u socday dalka Iran oo ka yimid wadanka Waqooyiga Kuuriya.
Hubkan oo gaaraya 35 ton, oo isugu jira gantaalada garabka laga rido, basuukayaal, fiyuusyada gantaalada iyo qalab kale ayay siday diyaarad nooca xamuulka qaada ah oo lagu qabtay dalka Thailand.
Diyaaradan ayaa bishii lasoo dhaafay ee December 2009 si kadis ah ugu degtay dalka Thailand, kadib markii ay cilad farsamo diyaarada ku timid, xili ay kasoo duushay dalka Waqooyiga Kuuriya kuna siijeeday magaalada Tehran ee dalka Iran.
Baaritaan socday tan iyo intii diyaaradaasi la qabtay ayaa maanta loo gudbiyey Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay Guddiga ay u xilsaareen cunaqabateynta dalka Waqooyiga Kuuriya.
Dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2009 waxaa sare loo siiqaaday cunaqabateyntii saarneyd, ayadoo sanadkii lasoo dhaafay la mamnuucay in dalka Waqooyiga Kuuriya uu wax hub ah ka gado wadamada kale.
Cunaqabateyntaasi ayaa daba socotay tijaabadii bamka nukliyerka oo ay dowlada Waqooyiga Kuuriya sameysay bishii May ee sanadkii 2009.
Cunaqabateynta ayaa loogu talo galay in Xukuumada Pyongyang lagu cadaadiyo, maadaama dhaqaalaha ugu badan uu dalkaasi kasoo galo hubka ay u iib geeyaan wadamada Bariga dhexe oo ay ugu horeyso Iran. Sanad walba ayey lacag gaareysa 1 Billion oo dollarka Maraykanka ah kasoo galaa hubka ay xukuumada Pyongyang caalamka u iibgeyso.
11ka bishan Feberaayo ayay markale kulankooda isugu imaan doonaan Guddiga qaabilsan cunaqabateynta Waqooyiga Kuuriya, ayagoo kawada hadli doona hubka dowlada Thailand ay qabatay iyo dhaq dhaqaaqa ay weli sii wado dowlada Waqooyiga Kuuriya.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!