Xubno ka tirsan Xukuumada Puntland iyo mas’uuliyiinta Gobalka Bari ayaa maanta kulan looga hadlayo amniga isugu yimid magaalada Bosaaso.
Kulankan ayaa looga hadlay dilalkii dhawaan ka dhacay Bosaso iyo falalka amni xumada ah, ayadoo mas’uuliyiinta halkaasi isugu yimid shirjaraa’iid ay qabteen kulankaasi kadib Tacsi ugu direen eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Cabdullahi Mahdi Sayidka oo habeen hore lagu dilay magaalada Bosaso.
Shirkan ayaa mas’uuliyiintii ka qeyb galay kamid ahaayeen:
Wasiirka Amniga ee Puntland, Gen.Cabdullahi Siciid Samatar, Wasiirka Dekkadaka iyo gaadiidka Bada Cabdirsaaq Gaceyte, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Puntland ahna kusima Wasiirka Guddaha Gen.Yusuf Axmed Khayr, Guddoomiyaha Gobalka Bari Xaaji Muuse Geele Yusuf Farole, Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliiska Maxamed Siciid Jaqanaf, Taliyihii Qeybta Gobalka Col.Cismaan Afdalow, Taliyihii ciidamada Asluubta iyo xubno kale.
Waxaa shirka jaraa’iid oo halkaasi lagu qabtay uu ahaa mid Tacsi ay dowlada ugu diraysay Marxuum Cabdullahi Mahdi Sayidka oo habeen hore lagu dilay magaalada Bosaso iyo hadalo ay mas’uuliyiinta uga hadleen falalka amni xumada ah.
Guddoomiyaha Gobalka Bari Xaaji Muuse Geele Yusuf oo halkaasi markii ugu horeysay ka hadlay ayaa yiri:
“….Waxaan halkaan isugu nimid sidii wax looga qaban lahaa amniga dhulkeena oo falal isku xig xigay ay dhawaanahan ka dhaceen Bosaaso….”
“….Waxaan rabnaa inaan tacsi u dirno Marxuum Cabdullahi Mahdi, Wuxuu ahaa nin gacan kasiin jiray Dowlada sidii amniga loo sugi lahaa, Waxaa loo dilay maxaa uga shaqeenaysaa amniga Puntland….” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobalka Bari oo dar daaran u diray dhalinyarada.
“….Waxaan u sheegayaa dhalinyarada in la xuso lana maamuuso Halyeygaasi Cabdullahi Sayidka, waxaana dhalinyarada ku dhiirigelinaynaa nabad geliyada dalkooda iyo dadkooda u sameenayeen inay hawshooda meeshooda kasii wadaan…..” ayuu yiri Xaaji Muuse Geele.
Dhegayso Khudbadii Wasiirka Amniga Puntland Gen.Abdullahi Siciid Samatar(By: Horseed Media)Podcast: Play in new window | Download
Waxaa asaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Amniga ee Puntland Gen.Cabdullahi Siciid Samatar oo asaguna halkaasi kasoo jeediyey Tacsi ay dowlada Puntland u direyso Marxuum Cabdullahi Sayidka eheladiisa.
“…..Cabdullahi Mahdi wuxuu ku dhintay hawl Qaran..dadka dilayna waxay u dileen hawshii amniga iyo dadaalkii uu bulshada u hayay…balse waxaan u sheegaynaa in 100 Sayidka soo baxayaan,…wuxuuna Cabdullahi Sayidka maanta lamid yahay 13kii dhalinyaro ee SYL, wuxuu u dhintay nabadeynta guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland…..” ayuu yiri Gen.Samatar oo sheegay in Dowlada Puntland ay tacsi u direyso ehelada Marxuumka.
Wasiirka Amniga Gen.Cabdullahi Siciid Samatar ayaa ka hadlay falalkii amni xumo ee ka dhacay guddaha Puntland, wuxuuna sheegay in adduunka ka dhacaan falal caynkaan ah, Wadanka Maraykanka oo ugu awood badan caalamkana dad lagu dilo, oo si qarsoodi ah qof loo dilo, balse dowlada Puntland wax badan bay ka qabtay arrimahan ka dhacay Puntland, ayuu yiri Wasiirka.
“….Puntland way ku guuleysatay inay soo qabato kuwii dilalka horey u geystay isla markaana sharciga lasoo hortaagay, hadana baaritaanka dilkii iyo falalkii ugu danbeeyey wuu socda meel fiican buuna marayaa…” ayuu yiri Wasiirka Amniga oo sheegay in Puntland ay soo qaban doonto dadka falalkan geysta.
Waxaa asaguna halkaasi ka hadlay ugu danbeyn Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha ahna siihayaha Wasiirka Arrimaha guddaha Gen.Yusuf Axmed Khayr oo ka hadlay dilkii Cabdullahi Mahdi Sayidka.
“….Cabdullahi Mahdi Sayidka waxa kale looma dilin waxaa loo dilay hadalkii uu ka jeediyey kulankii ugu danbeeyey ee amniga looga hadlayey ee ka dhacay Bosaso, halkaasi oo uu si geesinimo ku jirto uga sheegay in dhalinyarada u dhimanayaan amniga dalkooda…taasna hada way dhacday waana nin geesi ah oo ummada Puntland kawada dhintay…balse Dhalinyarada waxaan ku leeyahay falkan yuusan idin cabsi gelin….” ayuu yiri Gen.Yusuf Axmed Khayr.
Gen.Yusuf ayaa ka hadlay habka loo abaari karo loogana hortagi karo dadka uu ku sheegay inay dagaal kuwadaan Puntland.
“….hadii ayan shacabka si dhameystiran ulla shaqeyn dowlada dhibaatooyinkan oo kale way dhacayaan….Bulshada iyo dowlada ayagoo gacmaha isheysta waa inay dagaal la galaan kuwa dagaalka nagula jira ee aan cidna u arxan yeelayn….”ayuu yiri Gen.Yusuf Axmed Khayr oo sheegay in ay jiraan kooxo aan marnaba jecleyn amniga ka jira Puntland.
Kulankan ayaa ahaa mid sidoo kale looga hadlay qaraxii bam ee xalay lala beegsaday gurriga Wasiir kuxigeenkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga, kulankan oo ay si gaar ah mas’uuliyiinta dowlada iyo gobalka u wada qaateen, ayaa lagu sheegay in lagu xoojin doono amniga magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.
Dhanka kale waxaa ayaguna maanta baaq kasoo saaray Boosaaso, Issimada gobalka Bari. Waxayna tacsi u direen ehelada Marxuum Cabdullahi Mahdi Sayidka.
Afhayeenka Issimada Maxamed Yusuf Cabdi oo baaqan akhriyey ayaa sheegay in Issimada ay shacabka u direen baaqa ah, in lala shaqeeyo ciidamada amniga sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadka falalkan geysta, loogana hortagi lahaa hawlaha amni xumada ah.
Cabdisalaan Axmed Shire
Horseed Media
ilaa beesha sanaag bari loo ogolaado waxa ay mudan yihiin cadkoodana banaakaa loo dhigo loona aqoonsado iney deegaan reer boosaasa ah yihiin xubnaha deeganka iyo maamulka gobolkana laga talageliyo howshu wey soconeysaa ciidankuna buurtuu saarnaanayaa habeenkiina waajibaakiisu qabsanayaa sidaasaana sida carcarsaanyada mar gees loo didayaa hadaan xal la helin wada xaajoodii galgalana aan dib layskugu soo noqon
Wax kasta oo dhacaya iyo kuwa wax dilaya waa la yaqaan laakiinse lama hayo wadadii wax looga qabanlahaa . Waa wax looga qabankaraa in shir degdeg ah la isugu yeero Isamada Puntland iyo Culumaa’udiinka Puntland isla markaana ay odayaasha soo saaran go’aan ah in Puntland ay qaadatey Shareecadda Islaamka oo qofklii qof dila la dilayo ka dibna go’aankaas loo gudbiyo Culumaa’uudiinka Puntland oo iyaga ay gacanta ku qabtaan Garsoorka Puntland . Laakiinse inta ay afar mas’uul ku sheeg in ay had iyo goor dadka soo fardhiisanayaan laGAMA yaabo in dhibaatada Puntland la xaliyo .
ASALAAMU CALEEKUM .
WAA xibi cusub oo ladhaho.(P.D.P)
PUNTLAND DEMOCRATIC PROGRES.
WALAALAYAALAHEY WAXAAN OGEESINAYAA XISBIGAN inuu yaheey xisbi horumarka iyo demogradiyada ka shageeyo.waxaa hada mabda ah eey kushageyso hogamiyaha farolh waatii bolsano (100)sano AFRIKA kushageen jirtey.odey dhagmeedyo waxeey waxeey mutaan xushmad oo soo jireena isimadu waa dowlad ilaa itii dawladii siyaad barre dhacdey.markaa farooleh iyo odayaashi kahooreyeey waaxaa intaa samatabixinaya isimada markasta walaalaha wada dhashey kukala dhex jira iskudhacooda markaa walalayaal dastuurka waxxa kugoran ineey puntland ku shageyso DEMOGRAADIYAD xisbiyo waa inuu wadanku yeesha anagu xisbigan cusub waxaanu islagarowsaney inaanu usoo bandhigno walaalahayaga rer puntland godobadayada siyaasadeed dhawaan ayaanu idiin soo gudbineyna.
HADUU ALLEH IDMO.
allaa ya arxamu ilaahay ha unaxariisto ilaahay janadii ha geeyo amaankana waxaan ka baryaya in uu inoosoonoqdo dhalinta waxaa iiga muuqata amaan ka dad gaara qasaya wax na ma magcaabayaan war iyo ilkaba waalacadeeyaa e dee cadeeya waaxa jira tan kle boosaaso hala ga guuro uun baan maqlayaaye yaa ka guuraya yaase looga guuraya baltaa iiga jawaaba kuwana waxaan kahaya somaliland kubiira waxaa nasiib xumo ah in nin reer puntland ah la yiraahdo ku biir somali land taana waan la yaabnahay madhalintaa wareersan mise waa kaga tuxsatay war heedhe heer qaran ayaan raadinaynaa ye sidee weeye xaalku waxyabha dhacaya waalaga gudbaya indha kugaraadle hanoqonina wax yaababadan ayaaladhaafayaa dadka gacmaha haysqabsadeen kiiqaldanaa waalasaxayaa kiisaxsanaandee waa ba saxan yahay markaa markasta kudadaal shacab weeynaha reer puntland inaad ka dhigtaan hal far oo isku duuban dhalinyarada waa in ay ka shaqeeyaan nabada ogaada aduunku dhalinyaruu ku horumara idin kana lookal baa kahadleeysaan markaa ururada badiya 8 gobol gacmaha hays qabsadeen soola dhakhso ayaa loso celinayaa waxa keliya oo lasugay waa shirka garaadada usocda markuu soo dhamaado puntland gacmaha ayeey isqabsanaysaa wax badan oo qaldana waalasaxay sida pista oo ka madax banaan dawlada dawladaa lagudarayaa ama waalakaladiraya haday diidan oo ciidamo xalaal ah ayaa laqorayaa
dhalinyarada qayb ayaa waxay uhadlayaan siwanaagsan qaybna waa hadaaqayan hadaan sooqaato mohamed ali wuxuu ku hadaaqayaa in odayaasha ay ku dhisantahay maamulkeena pl oo aan weli utalaabsan xisbiyada badan oo odayaashu wax kasta dhameeyaan in odayaasha la kir baashokkkkkkkk sxb waxaan umaleenayaa wadan kadan dee joogin oo kula yaabi maayo sidaa umahadasheen hadaa xaqiiqada ogaan lahayd anigu wadan kaa joogaa kuna sugnahay boosaso sxb maamulkana dee maamulaa ka soo horeeyey oo wax badan ayeey qabteen lakin dhibta taala meesha baa waxay tahay pis ta aad ka dhawaajisay bosaso waxaa looga yaqaana meyd qoslaaya hada taa hadaan kuu macneeyo waxaa weeye shacabka reer pl oodhan baa ka soo horjeestay oo arkay in waaxa dhacayana ay dhibka uween kuleeyihiin sxb taa waasidaa tan kale waxaan usheegaya kuwale faroole cadaadhaamay sxbyaal cade waaa nin ka taarikhxumada 1 ugu jira puntland sababtoo ah gobol dhan ayuu cadow gacan ta u geliyey hadaan usoo labto madaxweeynaha talada haya dr faroole wax badan ayuu qabanayaa carqaladaha yaryarna waa dhamaanayaan dad kana ama shacabkayguna gacmaha ayeey is qabsanayaan waa goorma wamarka pista uu baa bi iyo iyada oo uu hada xusul duub ugu jiro siduu ubaabi in lahaa markaa dawlada halasugo carqaladba carqalad baa ka horeeysee tan kle oayaasha waxay kacabanayaan malaha qof qof dilay ayaan tageerayna lakin nabada ayeey dhowrayaan iyo wadashaqaynta waxa qudha ay doonayaan cadaalad in lagu kala baxo hadiikle waa la isku murgaya aan cadaalad lahelin taana waxaa keentay hada maxkamadii oo aan makhraantiyo intii la rabay lakeenin afka wadx laga sheegay lagu xukumay markaa yaan laga tegin taan waxaan aaminsanahay carqaladkasta in ladhaafikaro hadii aan wax la qaloo cinayn taana waxaa sixikara waa umada reer puntland oo gacmaha isqabsata anigoo kudaraya waxyaaba badan oo aynugalay waa jiraan dawlada iyo masuuliyiinteeduna ay u yihiin hormuud sidii walaalaheeni loo dhiibay itoobiya markaa waxaan kusoo geba gebaynayaa ilaahow umadayda ha itusin eee wax wada qabsigooda tus salaama intiina daalacatawebka
As/c Wallaal Waa Run Waxay wax ku hagaagayaan in Qofkii qof dila isna La dilo Waxaa kaloo loo baahan yahay in shacabka puntland ay foojignaadaan oo ay il dheer u yeeshaan waxa wax laynaya
ilaahay ha u naxiirsto sayidka samir iyo iimaan ha ka siiyo dhamaan umada reer puntland gaar ahaan ehelkiisa iyo asxaabtisi .isagana janadii ku abaal mariyo amin
ilahay ha u naxriisto janadiisa ku abaal mariyo . sayidka samir iyo iiman haka siiyo ehelkii iyo dhamaan dadka reer puntland mel ksato joogan .amin .
waxaa yaab badan dad cadoowga puntland soo dirayaan oo boosaaso ka wada qorshe lagu duminayo puntland . hadana waxayba gaarta heer loo dacwoodo maamulka hargeeys sidaa uu soo qoray websiteka afnugaal. anagoo ah cuqaasha waxgaradka aqoonyahaynkla iyo dumarka ganacsatada oo ah beesha goboka bariga sanaag
,,,,,,,,,, dadkaan boosaaso ka wada qaska waa la garanayaa waa in puntland jileeca joojiso oo kii wax dila loo dila sida maxkamadu ku xukuntay maxaa loo haystaa dadka gacan ku dhiiglayasha ah ?dad bay ka dhasheen kuway dileen sida sharcig islaamka waa in lagu dhaqma ki dila loo dilaa hadii kale dhibka intaas uu ka badan
salaamu caaleekum.
waxan jeclahay inaan wax yar ka dhiibto arimaha ka dhacaya puntland xaqiiqda marka la taabto waxa jira maanta in aynu ku dhex jirno aafooyin iynaan arki jirin aafooyinkaa waxa ka mid ah inay soo baxeen fikir qalafsan oo aan laga aqoon soomaaliya oo dhan fikirkaas oo ah in diintii ilahay lagu soo dhuunto oo aynu aragno dad hoosta ku sita qori gacanta ku sita kitaabkii ilahay, لا حول ولا قوة الا بالله العلي العظيم
sidaa owgeed waa in laga hortagaa arintaas khaastan dhinaca dhulka puntland
hadii aan laga hortegin arintas iyada ah waxa dhicidoonta musiibo aad iyo aad u weyn.. waxa kale oo muhiim ah in ay dawlda puntland samayso kala soocid lagu kala soocayo dadka u dhashay puntland iyo dadka soo galaytiga ah.
hadii aan la samayn qawaaniin ku saabsan arimahaa waxa dhici doonta fidmo aad iyo aad u weyn,waad mahadsantihiin,,
mostafa nur jarafle,,
cairo.egypt..
مع تحياتي ابا اويس
haddii aanu nahay shacabka reer pl waxaanu ubahanahay in lasoo caliyo cade muse iyo c/lahi yusuf sababtoo ah dhibatadii waa badatay faroole na dalka laga qabto oo loo dhiiba bank ilee xisaabtuu si wacan uyaqaanaaye mayaqaan qaabka dadka loo maa mulo hadii ay dhici waydo waxaa suurtagal noqonkarta ama lahubaa in uu pl noqoto sida muqdhisho tala ahaa faroole ha is casilo
inaa lilahi wa inaa ilahay raajiicun ilahay haa u naxaristio sxbkay sayiidka janatul fardowso ilahay hageeyo amiin amiin taan kale waxan u sheegaya daadka reer puntland inla laynayo dhalinyarda lashqaynaysa xukumada plz and plz waxan ka codsanay maamulka inaya adkeyaan amanaka dhalinyarada la shaqayanaysa war reer puntland waxaynu ku soocona siidi xamare aynuu amanka ka wada shaaqayno oo aynuu iskaa ilaliino cadoga somaliyeed hadaba cadowga somaliyeed waayo waa kuwamah waa Allshabaab waxaynah u shaqeyaan gacmo kale wana xaqiiq wabilahi toowfiiq
ASC salaan kadib waxaa fowdada puntland ka wada waa dad u shaqeyna alshabaab oo Fulayeen ah habeenkii dadka ka soo togta luuqyada lakiin hadiii ay awood leyhiin banaanka ha u soo baxeyn oo raga wax hala qeybsadeen dadka masakiinta ah yeesan luuqyada laysagu nabin
kkkk puntland fifi
marka hore salaan , ku dhamaaan Bahda Horseed, kadib,wixiii dhintey ale ha u naxariiisto. Runtii waxaa wax laga xumaado ah, Amni la’aanta iyo Dhibka soo food saaray Shacabka puntland oo aan lagu aqoon. Laakiin waxaad muudaa in ay mutaysteen Reer puntland waayo mahaystaan Xukuumad xalaal ah oo Daacad u ah Shacabkeeda, Islamarkaas mar hadii aan Xukuumad xalaal ah jirin, Dhib la waayimaayo. Waxaa kale oo somalia iyo puntland Baabi’inaayaa DADka Foriegn Citizenship ka ah oo Caruurtoodu YURUB AMERICA IYO AUSTRELIA ku Cayaarayaan, islamarkaasna Aan Habayaraatee Wax Naxdin iyo Bini Aadanimo ah, u hayn Caruurta Somalia, Keliya Waxay soo doonteen Title Xaaraan ah iyo Shilimaad in ay Dadkoodii iyo Dalkoodii siistaan.
I’m soo sorry ,YOu( somali leaders) to cause that,i’m feeling pain,i’m feeling gulty,unconfortable and embrasses up on the Puntland pupolation
asc marka hore ale ha unaxaresto wiilki ladilay waan kaxumahay aman tarada ku timi puntland waxaa iswedin mudan maxay ku damenasa waxan u malenaya in qof walaba og yahay dadaka kademenya waxan dhacaya waa kuwa u adegaya shisheyaha lagana mamulo wadamada galada marka hadi ay dowladu aney waxba kaban karin waa in ay dadka u cadesa o tirahda isku tashada edinku hadi kale waxay noqonesa in dad kamid ah dowlada ay lug kuleyihin arimahan dhacaya sidan al shabab baa dhama asc
Qodobo in la soo saara muhim ma aha
Waxaan ka daalney qodobo iyo goaamo la soo saaro, iyadoo aan la dhaqan galin waxna laga qaban kuwii hore waxaan codsan lahaa dowlada Puntland iney dib-u eegto istaraatijiyada amniga oo ah mid aad loo dhaliilayo, waxaa iyana isweydiin mudan xiriirka ka dhaxeeya dowlada iyo shacabku waa sidee. Dunida aan maanta joogno marka la eego arimaha amniga iyo sida loola tacaalo falalkan noocan oo kale waxaa asal u ah xiriir dhex-mara shacabka iyo dowlada hadaba waxaa muhim ah in dowlada Puntland awooda saarto sidey u kasban laheyd shacabka iyo sidey u suura galin laheyd in shacabka iyo dowladu hal meel ka-wada duulaan waxaan ku soo gaabin hadalka amaanka hala adkeeyo shacabku ha sugaan amaanka cida dhibka uu ku dhacayo waa idinka ee midnimadiina iyo wadajirkiina dhowara cadow badan baad leedihiin ee Alle ha idin ka bad-baasho
waxaan tacsi qoyskii uu ka geeriyoodey muwaadin siyad ilaahayna waxaan uga baryaaya janatul fardoowsa aamiin puntland dawladeedda ha lbaan leeyahay waa jirta habacsanaan jirta ee hurda halaga kaco waxba yaan la mashquulin calan iyo hees midna toona ee ha lagu dadaalo nabada waxay raxwayntu ku maahmaadaa nabadaa naas la nuugo leh
acww
allah how naxariisto marxuumka,
masuuliyiinta puntland waxaa looga baahanyahay in ay amniga gacan bir ah ku qabtaan ayagoon cidna ka haybaysanayn cidkastoo amniga wax u dhimaysa halaqabto sharcigana hala horgeeyo,maalmahan waxaa soo baxaayay odayaal ku sheeg caadifad qabiil ku hadlaya oo oranaya wiilal gacan ku dhiiglayaal ah oo la xakumay danbiileyaal maahan waxaan oran lahaa ayaga qudhooda halagu daro. kan argagixisada ah ee ku dhuumanaya buurha gal gala ciidanka pis ta halaga adeejiyo oo gacanta halagusoo dhigo,cadowga puntland ee gudaha wax halaga qabto oo hala karbaasho argagixisaa iyo kuwa taageeraba.horseed media thanks
Allaha u naxariista Marxuumka hadda dhintay. Waxaa laga codsanayaa Gen. Cabdullaahi Saciid Samantar inuusan ka gaban kuwa dilalka Qorsheysan ka wada Puntland. Amini xumada waxaa weheliyo wax qab la’aan. Waa inaan loo dulqaan fadhiidnimada iyo Amnixumada ku baahday Puntland maanta. Waa in Soomaalida ku nool Puntland ay la yimaadaan wax ka qabasho la taaban karo ee ah:-
1. Maxaa wax loo qaban waayey dulmiga dhiiga birmageeda loo daadshay?
2. Wax horumar xitaa ay ka tahay hal mashruuc Dawladda hadda jirta puntland ma ka qabatay?
3. Ayaa ka masuul dhibaatada aan waligeed la arag Puntland?
4. Maxaa looga qarinayaa Shacbiga Puntland cid ka mas’uulka dhibta ka jirta Puntland?
Asc: walaalayaal Allaha u naxariisto marxuumka.marka xiga: Puntland maxay u tacsiyeynaysaa sidii urursdii haweenka ? (meel hoo u baahan hadal wax ma taro). Gaalkacayo oo intaa ka howl badnayd oo maalin walba, shir kaa lamida loo qaban jiray, wax ka hagaagi jireyna malahayn ilaa maa aakhirkii runta laykugu tagay.
oo la ogaaday meesha ay dhibtu ka jirto
Bosaso waa in layskugu tagaa illaa heer Madax wayne iyo Madaxwayne ku xigeen.
meesha bugtana lays eegaa oo runta laga mira dhaliyaa.. ha layska daayo sasabaada iyo in been laysu sheego………
c/qaasim cali xasan
allaha ha u naxariisto waxii dhintay waa laga xaqdaran yahaye dadku hadlaya dawladu waa in ay wax qabataa iyada oo aan shacabku la shaqaynayn waa dad aan fahmin waxa la dhaho maamulka ama dawladaba qofku markuu aduunka kale arku ama umadaha kale arko iyo shucuubta aduunka ayuu fahmi karaa waxa dawlad lagu yahay.waxa hada ka dhacaya putland waxaa masuu’liyada iska leh waa shacabka shacabku ama wax ha khayribeen ayagaa ku liitee ama dawlada hala shaqayeen ayaga ayey dan u tahaye.
ilaahay ha unaxariiste dadkaa xaqdarada lagu dilay oo idil.
somaliland iyo puntland midna ma aqoosanin dhulka muslilmka ah ee somaliayana diintaa lagu dhaqayaa
Ku: Khalif, Diinta islaamka marka wax lagu dhaqayo ma dadka ayaa laiska dilaa xaqdaro, filinkaas waa kaan ka diidnay al-shabaab ee mid kale ma haysaa.
Waxaad moodaa,in ay caad iska noqotay,in marka fadanbiyeed,oo dhaco,xukuumad iyo shacaba,ay ka war-wareegaan,wax yaabaha waaqiciga ah ee jira.waa tan horee nabaddii puntland faraha ayey,ka siibaxaysaa,maalinba maalinta ka danbaysa.marka arinto waxa ay u baahantahay in amaanka wax dhab ah,laga qabto,ee uma baahana shir jaraa’id uu hadba la qabto.dhiilada iyo dilalka isdabajooga ah,wax waa laga qaban karaa haddi,maamulko ku dhaqmo,cadaalad iyo haddi la helo ciidan Police oo dhab ah oo aan ahayn magac u yaal.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAA JICUUN
ILAAHAY janadii fardowsa ha ka waraabiyo sayid oo ahaa nin dhalinyaro wadani ah oo jecel nabada & wadaninimada PUNTLAND ” kaca oo doona gacan ku dhiiglayaasii dilay sayid” w/s ilaahna samir iyo iimaan ha ina ka siiyee sayid waaloo dhutinayaaye dhab ahaantii anigu waan oo yin hada oohinse wax iima tarayso wabilaahi towfiiq
a s c ale wadanka hano qaboojiyo dadka buuraha ku jirana oo puntland u dhashayna oo al shabab sheganaya ale waxan uga barinay in buuraha kaso baxan hadeysan rabin nabad iyo wanag ale waxan uga barinay in belo ku rido bi idmilaahi kariim muslimka ayaa layska dilayaa puntland waxna makaso baxayan hada wiilki yaraa wiil fican oo wadaninimo jecel ayu ahaa cabdulahi sayidka walalken ale ha u naxariste maxay ku dilen ale idin qabay xalay qaraxa maxay ula jeedan ale hanagoso qbato dadkan dowloada shacabka way lasafatay oo waatey soo qabten nimanki habenki dhoweyd dilay xildhibanka waa daba orden maxay dadaalan belada way socota misna ale balo ha ukeeno kuwa waxan wada nabada naga qasaya ilaah hanoo nabadeeyo dalkeena insha alah aamin ale u barya inu nabd kuso noqdo
alle ha u naxariisto marxumka janada alle ha ka waraabiyo mudane sayidka waxan ugu baqayaaa mamulka gobolka iney soo qabtan nimanka gacan ku dhiiglaha ah ee walalkena iyo bulshada puntland oo walalkooda waa iney xil iska saran dowlada
A/c waxa iswaydin mudan pntlnd maxay kashaqaysa? Maxayse masuuliyada dadka t qaday? maba umuqato mid amni sugaysa ama ficilo samaynaysa ama dadka iyo dalka rabta in ay wax u qabato 1 year bay simaraysa walina ma hayno waxay qabatay ama qabanayso wax kasi dara mahe bosaso o ahan jirtay hooyada gobolada somalia hada waxay noqotay muqdishadi 2 baad so that waxan ka codsanaya mr faroole in u isiga tago xilka madama u ku guuldaraystay o gudan wayay xilku qaday walahay meelba i xanuunta marka web-page kagalo o arko maalinti faroole ladhariyay iyo hadaladu jediyay o an waxka naso cad jirin wax walba markay dhacan bay dawladu ka hadasha marka hore laguma dadaalo amniga iyo sugidisa ok iga raali ahada hadan qoraalka in dinku dhereeyay dhariga karka kulayl baka kene
Ilaahay waxaan waydiisanay inuu fashilo ku dilay halyaga sayid aduunka ciqaab ay mutaystaan akhrina naar. Puntlan waa la ogyahay dadk qaska wada ee waxaan garanwaaya sababta loo soo xixiri waayo. Websideedood bay kaga hadlaaan xumaannt putlan iyo cadaawada ay u qabaan. Anigoon qofna magcaabay waxaan leeyay qofkii saluugsan maalulka puntal wuxuu si cor ugu biiri kara kan somaliland. Bosaaso way ka guuri karaan awalba marti bay ka ahaayeen.Cidaan ka haldalaay iyag iyo anigaa is oga. Puntald way jirdoon insha alaah ama kufrax am ku nax
ASCW.
Gobolka bari waa in la yeelaa sida gobolka mudug, magaalada gaalkacyo-
Gaalkacyo salka ayay dhulka la heshay, markii loo sameeyey maamul heer sare ah, jiridii haystanyna laga wada qaaday.
Bosaaso qaatiliinta dadka dila waa in meel looga soowada jeestaa. waan hubaa hadda haddii la sooqabto kuwii dadkaa laayey, odayaal ayaa oranaya wiilashayadu wax ma dilaan, iyo cadaalad daraa dhacday, kuwaasna waa in laga takhalusaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Dawlada pntlnd ma haday kahadlaysa wixi kadhacay magalada sry in gadaal laga bararugu pntlnd ayada u xilsaran amniga dadka iyo gobolada masuuliyada dadkana qaday iyo sidi save garayn laha naftoda iyo dagaanada marki wax dhacan balaga hadlaya mayo inta ka horaysane maxaalaga talinaya? Xage lajira? Maxa bsy lagu yaha?
war heeedhe reer puntland now waxaninii shegyaa intaa dowlad qabniil ku dhisan aad dowladku leedihiin wlaahi amni in uusan in hagagayn maxaayelay dowladu se bay uqabata dambiilah hadii qabiil la safanayo waxaa ugu dambaysay tii ayn dhawayd ay odayal waa wayn oo o leh puntland amihaa sugto ay lahayen dadki falka loo xirxiray ha la sidaayo waa qabilkayagage de marka hadii aad saa yelaysaan marki tugta la qabto oo difacaysan maxaa dowlada lagu edaynaya ilaa adinki baa difacaye dabiilah oleh waa qabiilkayagee.war ilaah haa u sahlo dadkan
waxbadan ayanu kahadalnay dadka dilka kageysanaya puntland dawada kaliya ee aay ledahay waa in ladila oo waliba dilkisa la dadajiya,si aay cashar ugu noqoto dadka kale,wana in arintas mamulku melmariyo,shacabkuna xukumadoda garab istagan,sidas ayey ku hirgali karta dawladnimada puntland,hadise malin walba qofka dadka ugu muhimsan ladolo wadanuku waxuu noqonaya wadan aan dad iyo dawlad midna lahan,qof wax ku helayana majiro,cidnolan dontana majirto mamulka yarkana mesha waa kabaxaya,ganacsiguna waa istagaya,meshana waxaa sogalaya waxydan arkeyn oo aan idin muqan waqtigan.
Alaha u naxariisto dadkii ku geriyooday falalka,lakin waxaa is weydiin mudan dowlada maxay wax u qaban laa dahay falalkan soo noqnoqonaya mase yada ayaa bar ka ahan ,waa su aal isweydiin mudan ,waxa ay i latahay aniga falalkan waxa ka danbeeyay xubno waa weyn oo dowlada ka tarinsan kuwaas aan rabin dowlada faroole sal dhigato,kana soo jeeda horomarka iyo xasiloonida puntland,dadka,dabcana dowlada waa taqaanaa dadkaa,fadlan hadii ay awood u lee dahay ha qabo hadii kale hays ka tagto si mid kale oo wajahda loo helo.
innaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun
ilaahay janadii fardowso haka waraabiyo
muwaadinkii sayid ee ay gacmaha ka xaqdarani dileen habeen hore
ilaahow kuwas aduun iyo aakhiroba kaga aargud…aduunkana ku ciqaab akhirona ku cadaab kuwii waxaas gaystey…..asc