Dahabshiil
Golis

Maamulada Dowladaha Hoose ee Puntland oo qaarkood olole wada

Waxaa maalintii sadexaad magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug si habsami ah uga socda hawlaha wax looga qabanayo bilicda magaalada oo ay wadaan Dowladaha Hoose iyo Shacabka magaalada.

Qorshahan cusub ee uu bilaabay maamulka Dowladaha Hoose ee Gaalkacyo, ayaa laga fuliyey hada qeybo kala gedisan oo kamid ah xaafadaha magaalada iyo jidadka waaweyn ee Gaalkacyo.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah wax ka bedalida muuqaalka Magaalada sida uu Horseed Media u sheegay Duqa magaalada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan, oo Wariyaheen Gaalkacyo Axmed Caano Geel kula kulmay goobaha ay hawsha ka socotay ee bartamaha magaalada Gaalkacyo.

Shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa ayagu si weyn u soo dhaweeyey ayagoo gacan siinayey ciidamada isla markaana mararka qaarkood la arkayey dad biyo u keenaya hawlwadeenada ku mashquulsan hawshan baaxadaleh.

Qaar kamid ah magaalooyinka Puntland ayay todobaadyadan ka bilowdeen hawlo ay wadaan Dowladaha Hoose ayadoo sidoo kale magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar laga wado hawlo lagu furayo jidadka magaalada.

Sawiro hawlaha ka socda Qardho

Dhanka magaalada Garowe ayaa ayaduna maalmahan ay ka socdeen hawlo uu waday maamulka gobalka Nugaal sida uu Horseed Media u sheegay Guddoomiyaha gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa sheegay inay wadaan hawlo lagu adeekanayo amniga, asagoo sheegay in la tayeyn doono guddiyada xaafadaha si looga hortago falalka amniga ah.

Magaalada Bosaso oo ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen falal amni ayey hada ku sugan yihiin mas’uuliyiin sar sare oo ka socda Xukuumada Puntland, ayagoo sheegay in dhawaan la bilaabi doono olole ku aadan dhanka amniga.

Gen.Yusuf Axmed Khayr Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha ahna siihayaha xilka Wasiirka arrimaha Gudaha, ayaa sheegay in Wasaarada arrimaha Gudaha ay ku boorineyso Dowladaha Hoose inay gacan weyn ka geystaan wacyi gelinta bulshada.

Wuxuuna Wasiir kuxigeenku ugu baaqay shacabka Puntland inay gacan siiyaan maamulada si looga hortago falalka amni xumada ah, asagoo sheegay in xiligan magaalada Bosaso falalkii ka dhacay ay yihiin kuwo loogu talo galay in sumcada looga dilo magaalada ugu weyn ee Puntland ahna xarunta ganacsiga.

In badan oo shacabka Puntland ku nool, ayaa aaminsan in dowlada Puntland looga fadhiyo inay xooga saarto amniga isla markaana wax weyn ka qabato arrimaha bulshada.

Ayadoo si weyn loo soo dhaweeyey tilaabooyinka wanaagsan oo ay qaadeen maamulada dowladaha hoose ee Gaalkacyo iyo Qardho oo ah kuwo ku dayasho muddan.

C/risaaq Shiino
Horseed Media

RELATED STORIES

17 Responses to “Maamulada Dowladaha Hoose ee Puntland oo qaarkood olole wada”

  1. waxaan aad iyo aad ugu farax sanahay sida
    aad u dhisanaysaa dhulkiina sameeya wax fiican si la idinku daydo puntlanda naqda dowlad fiican iska celiya wixii xun…..
    hanbalyo fiican ayaan idin soo dirayaa.
    bahada reer puntlanda ee ku nool dibadaha
    ku waara barwaaqo. barwaaqo

  2. abdinasir m barlex says:

    asc waxaan aad ugufarax sanahay wax qabadka dawlada hoose ee gobalka mudug waxaana rajeynayaah in gobalada putland oodhan aykudaydan galkacyo

  3. asc dhamaan dadweyna reer puntland gaar ahaan reer gaalkacyo salan kadib reer gaalkacyow maanta waxad haysatan jaanis aad u qaaliya oo ah in aad lashaqaysan hogaamiye qaaliya hogaamiye aan dhaqale i dinka doonayn hogaamiye dhalin yaro, intaa kadib waxan leyahay dal iyo dibadba aan lashaqayno ninkaa aduunku waa xusaa nin kooda qaaligaa oo wax u qabta dalkiisa waxayna ka qoran tariikh, laakiin inagu waxan taariikh ka qoraa kuwa cur yaaminaya dadka iyo dalka, talo 1 qabiil iyo reer hebel iska dhiga meel u soo jeesta dhismaha gaalkacyo iyo guud ahaan puntland 2 adkeeya abniga 3 kor u qaada aqoonta 4 qofka kasta oo umada iyo dalka ka gala dambi sharciga ugu qaada si wada jira idinka oo lakashanaya xukumada 5 puntland waa muqadas ilaa sacada miyaamaha. intaa kadib waxan leeyahay duqa gaalkacyo abdiraxman maxamud xaaji wadada aad ku socoto haka leexan oo hanoqon nin amaan doona ee waxad noqotaa halyey reer puntland gaar ahaan reer gaalkacyo magac iyo taariikh ku reeba oo ay ka sheekeyan jiilalka soo socda. wsc

  4. puntland 4 ever hanoolaato waa gobee hanoolaato reer mudug iyo reer bariyow is daaya, kaftanka qaabka darana joojiya and say puntland 4 ever thanks

  5. Inalibaax sanka taabte says:

    To Meygaag dhego-dheere
    ascwrwb dhamaantiin Meygaag waad iga qoslisay sidaad u dhigtay hadalka laakin waxaad hilmaamtay in Qardho shaqaalahooda ay lacag ku shaqeenayeen kuwa galkacyo ay ahaayeen iskaa wax u qabso labada magaalana ay kala baaxad weyn yihiin & wadooyinka, kala dad badan yihiin taas ayaa keentay in galkacyo shaqaala kasta si u shaqeeyo hadii aan kula kaftamo reer muduga waa nimanka markay badxiranka bosaso tahay kaluun soo daba looolz

  6. abduyare says:

    marka hore wan idin salaamay salan kadib waxaan halkan uga hambalyaynaya mayorka goblaka kalkacayo waxaana leeyahay illahay ha u fududeeyo hawshaan u hayo oo bulshada. bulshadana waxaan leeyahay hataageedho mayorka.

  7. waxaan u baahanahay nabad galyo, hadaan amniga la sugin walaahi guryaha qurxoon oo aan ku soo arkay gaalkacyo in aysan taagnaaneeyn,,waxaan aad oogu faraxsanahay mayorka gaalkacyo ina xaaji xassan,in aysan reer mudug ka dhamaan dad damiir leh oo bulshada wax u qaban kara ,shacabka reer mudug waxaan kula talinayaa in ay garab istaagaan qofkii wax qabanaya,

  8. Wadani reer Puntlander says:

    Waa ariin lagu farxo hadii aan nahay umada reer Puntland gudoo iyo diibad baa, waxan aad ugu riyaqeyna mamulka wax qabadkoda ILLAH baa nii baryeeyna in aad guul ka gartaan howsha wanaaagsan aad uu heysaan umada reer Puntland.

    Guul.

  9. Waxaan u hanbalyanayaa Mayor ka Gaalkacyo, waxqabadka dhabta ah iyo dadaalkiisa, Gaalkacyo waxay nasiibdaro u yeelatay Mayaro reer-miyi ah oo aan habayaraatee wax aqoon ah u lahayn maamul iyo marayn, oo dib u dhigay magaalada hrumarkeedii, waxa kaliya oo ay ku wanaagsanaayeen ahyd , inay canshuur gurtaan, laakiin mayorka cusub ee Gaalkacyo wuxuu aad uga duwan yahay reer-miygii qabiilka iyo anaaga badan ku qaraaban jiray,, Haddii qof lugu dooran lahaa wax qabadkiisa waxay faaiido u tahay waddanka ama umadoo dhan, laakiin waxay dhib inaga haysataa siddii shicib qabiil maahe wax kale waligood aysan dhagahoodu maqal.

  10. RASHIID says:

    TO;MAYGAAG/LADIIFA
    walaalayaal waad ku mahadsantihiin hadaad damacdeen inaad noo sheegtaan wax naga maqan inaad noo sheegtaan,laakiin waxaad ogaataan cagaf cagaftu shalay ayay shaqadeedii qabsatay waxa aad arkaysaan waa dhagaxyadii cagfta afkeedu qaadi waayey marka hal maalin ayaan reer qardho ka horeynaa kkkkkkkkk

  11. Meygaag Dhago-dheere says:

    Reer barigu marwalba reer muduga waa garasho dhaamaan. Malaha waa kaluunka quudkooda ku jira.

    Waxaad ku garan sawiradda qoraalkan la socda markaad eegto, Ninka Qardho xukumay wuxuu fahmay inuu cagaf yar soo kireeyo. Meesha kan Gaalkacyo joogaa dhagxaanta culeyska badan uu shaqaalahii ku feero jabiyey.

    Hade la soco qarash iyo cagaf midna looma waayine waa aqool xumo iyo garasho la’i inta gaadhay. Kaba darane waa uu isku soo ag sawiray asaga oo aan farna dhaqaajineyn. Sidan buuna hal doorkii mudug ku yahay. Waa meeshii looga maahmaahi jidhay, “haddii nuurkiini ka yahay, Mugdigiina bal ka warama”

  12. darwiish says:

    waxaan halkaan bogaadin iyo hambalyo uga diraya bahda horseed media oo mar walba jecel horumarka iyo nabadgelyada geyiga guud ahaan iyo gaar ahaanba somalia/puntland
    waxan leeyahay ogaada ummada aad u shaqaysaan way fara badan tahay waxaadna tihiin runtii idaacadda lagu kalsoon yahay ma joogo dalka laakin waa webka keli ah ee aan ugu hor furo saan u ogaado xogta maalinkaas waxaannna jeclahay inaan u soo tiriyo tix gaaban oo aan ku cabirayo heerka ay marayso idaacadaan ooo aan haba yaraatee aan ku jirin webska ama idacadaha qaar kuwaas oo caado ka dhigtay qabyaalad ama eex ama dhinac in wax loo wado.
    ilaahow dhulkeena nabad nooga dhig
    walaaalayaal hadaynaan dhulka nabad ka dhigan bilicdaan waxba tari mayso miyaydaan arkayn in maantey qofkasta oo wax garad ah la dilayo bal day xildhibaanadda bal day allaha u wada naxariistee cabdulahi seyidka oo ahaa walaal soomaliyeeed oo jecel in mar uun dhulku helo nabad gelyo iyo barwaqo waxaa dilay gacan ka xaqdaran ilaahow u wada naxariiso ummadaanna ka dhig kuwo garta meesha ay u sugan yihin kana gudba marxaladaan qallafsan.asc

  13. Waad salaamantihiin Horseed Media. Good job waxaad soo bandhigteen wax na farxad geliya. hadaanahay qurba joogta Puntland . Ayaamahan waaba hadli kari weeynay waxa meesha ka dhacaayo markaan aragnay waan ka damqane si aad u daran. Tan waa tii aan ku faraxnay Ilaah waxaan ka rajeenayaa inuu nabada Puntland u xifdiyo ayagana dhibka ka dhex saaro aamiin.

  14. latifa says:

    asc waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha horseedmedia iyo shaqaalaha webkaan
    aad iyo aad baan ugu hanbalyey nayaa ololaha nabad galyo iyo nadaafadeed aywadaan masuuliyiinta iyo shacabka puntland. ilaahayna waxaan kabaryayaa inuu lagarab galo,guulna kagaarsiiyo. laakiin waxaan iswaydiinayaa tolow gaalkacyo maxaa uga dhacay cagaf cagaftii loogu talagalay ineey qashinka iyo dhagxaanta gurto waa ayada dadku gacmahooda dhagxaanta kuqaadayaane. sikastaba ha ahaatee waxaan leeyahay wiilashaan iyo gabdhahaan u istaagay bilic soo celinta magaalooyinkaan sharaf iyo bogaadin baad naga mudantihiin. ilaahay haydin xifdiyo meelkasta ood joogtaanba

    SALAAM

  15. rooda says:

    horta waxa la yabay kuwa bosaso. kuwa bosaso mamula waxkasta oo ey helaan caloshooda ayey ku ritaan shacabka wax uma qabtaan dalkana wax uma qabtaan. bosaso waa magalaada keliya oo ugu dhaqaalaha badan puntland hadana magalaad markaad dhexmarto waad ka nixi. war magalad wax u qabta war bosaso waa hooyada puntland waa magalada keliya ee puntland ku taal oo dhamaan rer puntland wada degaan hadana wey difeysantahay magaaladu war ilaah ka baqa nimankan xukunka haya oo magalada wax u qabta

  16. puntlader says:

    waxaan leeyahay gidoomiyaha gaalkacyo waa nin qaali waxaan ka codsanayaa in uu san soo dhex galin dadka oo uusan dhex wareegin cadawgu waa badan yahay hadii wax lagaarsiiyo ree gaalkacyood ishii u baxaday waa ka damaysaa walaah isku beel manihin o wali majeerteen maahin leelkasaha xaqiran baan ahay lakiin waa nin wax qabanayee alaha daayo puntlandna waxaan leeyahay war waxa jira oo wax qaybsi xumadaa hala badlo hadaan doorasho axsaab imaan hadii axsaab timaado dee qof walbaa markaa xaqiisuu helayaa leelkasana waa ku kasanoohay in ay majoortiga yeelan doonaan

  17. HEER-SARE says:

    Garrowe mar hore ayay howlahaan hore u soo qabatay-gaalkacyo iyo qardho iyaguna waa ku mahadsan tihiin howlahaa.

    dadaalka waa in intaa laga sii badayaa oo Puntland oo dhan la wanaajiyaa-
    Nabad-gelyadana xooga la saaraa siiba gobolka bari, Boosaaso gaara ahaan.