Ref: Sharmoc1411009 Date:3 February 2010
Ujeeddo: Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha oo Soo Bandhigay Tacadiyaddii Ku Dhacay Somalida Bisha Dhamaatay iyo Khasaaraha Nafeed oo aad u badan
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed (Sharmoc) ayaa walaac ka muujiyey kororka ku yimid tacaddiyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha gaar ahaan dilalka iyo dhaawacyada ee Dhacay Bishan aan kasoo gudubnay ee January ee Sanadka Cusub ee 2010.
Sida ku cad shaxda hoose waxaa bishan Somalia gaartay heerkii ugu sareeyey ee Dhimasho iyo Dhaawacyo soo gaara shacaka Soomaaliyeed muddo ka badan 6 bilood tan iyo bishii August ee Sanadkii ina dhaafay, waxaana tirada dhimashadu gaartay bishan 282 Dhimasho ah iyo dhaawac gaaraya 526 waxaana dadkaas intooda badan ay dhibaatadu kasoo gaartay dagaallo ka socday dalka qaybihiisa kala duwan.
Waxaa sidoo kale barakac laxaad leh ku yimid shacabka ku noolaa Magaaalooyin kala duwan oo ay dagaaladu saameeyeen, waxaana tira ahaan ay gaarayaan 120,000 waxayna ka kala barakeceen Magaalooyinka Muqdisho,Beledweyne, Dhuusamareeb, Warxoolo iyo Cowsweyne, waxaana aan suurta gelin dadka barakacay qaarkood in ay dib ugusoo laabtaan goobihii ay ka barakeceen.
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha ayaa baaris uu sameeyey waxa ay muujinaysaa in 282 qof ee dhimatay ay intooda badan ku dhinteen dagaalada ay isagasoo horjeedaan Dowladda KMG ah ee Somalia,Amisom oo garab ah iyo Al-Shaabaab iyo Xisbul Islaam oo iyana dhinac ah, waxaana dadka badankood ay ku dhamaadeen Duqaymo iyo madaafiic habow ah oo ka timid dhinacyada ishaysta.
In ka badan 26 jeer ayey Kooxaha kasoo horjeeda Dowladda KMG ah ee Somalia ay weerar ku qaadeen Ciidamada Dowladda KMG ah Somalia iyo Kuwa Amisom, waxaana weeraradaas ay isugu jireen kuwa Madaafiic iyo Hoobiyeyaal ah ama Dagaal Fool ka fool ah oo inta badan la weerarayey saldhigyada Ciidamadaas degan yihiin, waxaana Ciidamada Amisom ay qiyaastii ay jawaabo madaafiic ah ku bixiyeen800-900 oo Madfac oo ka dhacayey Madaafiicda goobta iyo noocyo kale, oo intooda badan ay gaysanayeen burbur ku yimid naf iyo hantiba.
Hiiraan iyo Galgaduud:
Dagaallo ka kala dhacay Gobalada Dalka gaar ahaan Hiiraan iyo Galgaduud ayaa iyaguna galaaaftay nolosha in ka badan 100 qof iyo dhaawacyo intaas ka badan oo badankoodu yahay dad rayid ah, waxaana gobaladaas dagaalku u dhexeeyey Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo isgarabsanaya iyo Ahlusunna Waljamaaca iyo Dowladda oo isgarabsanaya,waxaa sidoo kale dagaalkaas uu dhaliyey Barakac laxaad leh.
Jubadda Hoose iyo Shabeelaha Hoose:
Magaalooyinka Kismaayo,Marka iyo Baraawe oo ay Maamulkooda hayaan Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku yaraa dhimashada ka dhalatay dagaalada, hase ahaayee waxaa ku badnaa falalka Qisaasta,Rajminta, Gacan Goynta iyo karbaashka waxaana muddo bil ah saddexdaas magaalo lagu dilay 4 qof oo qisaas ah, 3 Qof oo dhagax lagu dilay 2 wiil iyo gabar 4 qof oo gacan goyn ah iyo 15 xukun oo karbaash u dhexeeya 20-100 oo intooda badan lagu fulinayey dhalinyaro iyo dad kasoo jeeda beelaha aan hubaysnayn ee degaanadaas. Waxaana fulinayey dhamaan falalkaas Ururka Al-Shabaab.
Puntland:
Bishaan waxaa sidoo kale heer adag soo maray Gobalada Puntland gaar ahaan Bosaaso iyo Garoowe, oo ay hareereeyeen Qaraxyo joogta ka noqday, waxaana inta badan qaraxyadaas oo lala beegasanayo Ciidamada Ammaanka Puntland, Xarumaha Dowladda, Shakhsiyaad Ganacsato ah iyo Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Puntland dhib weyn kasoo gaarayey shacabka Reer Puntland.
Laamaha Ammaanka ee Puntland ayaa ku guul dareystay in ay sugaan ammaanka dadka rayidka ah, waxaana muuqanayey in dhacdooyinkaas is xigxigsaday aanay wax weyn oo la tilmaami karo aanay ka qaban, waxaana maamulka Puntland isla bishaan gudeheeda uu ku celiyey Gobalada Koofureed ee Somalia dad ka badan 400 qof.
Laascaano:
Magaalada Laascaano ee Gobalka Sool ayaa waxa ay kamid ahayd Magaalooyinka ay ku loolamayaan Maamulada Somaliland iyo Puntland ee iyana uu kusoo kordhay Falalka Ammaan darro, waxaana ka dhacay isla bishii tagtay 3 qarax oo ka dhashay Miinooyinka dhulka lagu aaso Remote-kana laga hago, waxaana khasaarihii ay gasyteen kamid ahaa Dhaawaca Guddoomiyaha Gobalka Sool iyo dhimashada iyo dhaawaca Ciidamada ammaanka ee Gobalka.
Ugu dambayntii Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Waxa uu ugu baaqayaa dhinacyada dagaalada ka wada dalka Somalia in ay joojiyaan dagaalada una turaan shacabka iyo dhibta soo gaareysa, waana in ay joojiyaan falalka dhanka Xuquuqda Aadanaha iyo Xuriyaadka Guud ee uu ilaaliyey Xeerka Caalamiga ah, Sharciga Islaamka iyo Dhaqanka suuban ee Somalidu.
Wabilaahi Towfiiq
Abdurahman Sheikh Hassan
Madaxa Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (Sharmoc)
Mogadishu, Somalia
Email. sharmoc@yahoo.co.uk, sharmoc@gmail.com
Tacadiyada Bisha January 2010
| January | Sababta | Meesha | Dhiamsho | Dhaawac | Kufsi + Afduub+Xabsi | Barakac | |
| 1 | Dagaal | Haradhere+Muqdisho+Tooratooroow | 7 | 10 | |||
| 2 | Dagaa+Tacsiir wiil film fiirsanayey | Duusamareeb+Kismayo | 42 | 79 | |||
| 3 | Qaraxyo | Koofurta Gaalkacyo | 3 | 4 | |||
| 4 | Dagaal+Qarax iyo Duqayn | Hodon+Bakaaro+Madiina+ Galkacyo | 7 | 24 | |||
| 5 | Qarax+Dil+dagaal | Dharkeynley + Bosaso + MuqdishoXildhiban Bosaso lagu dilay | 28 | 46 | |||
| 6 | dil | South Africa Mohamed Ali Kalay | 1 | 0 | |||
| 7 | Duqaymo+Dagaal+Dil | Muqdisho * Wiil maydkiisa lasoo dhigay Madiina lana jirdilay | 43 | 57 | |||
| 8 | Madfac | Juungal, Mogadishu | 2 | 5 | |||
| 9 | Xabsi iyo karbaash | Kismaayo dad gerka iska xiiray | |||||
| 10 | Dil | Kismayo dad lagu edeyey drugs+kufsi + Galkacyo rasas la furay | 1 | 6 | |||
| 11 | Duqaymo | Yaaqshiid | 6 | 7 | |||
| 12 | Dagaallo+Qarax | B/weyne(7-12) +Warxoolo(18-38) +Bosaso(2Dha) | 25 | 52 | |||
| 13 | Duqaymo+Dagaal | Muqdisho, caruur kubad cayaareysay aya akamid ahaa dadka dhintay | 10 | 24 | |||
| 14 | Dagaalo | Beledweyne | 2 | 5 | |||
| 15 | Weerar Bom | South Galkacyo Idaacadaha G/kacyo oo weerar Bam ah lagu qaaday 3 weriye la dhaawacay | 0 | 3 | |||
| 16 | Dil+Afdub | Muqdisho. Waxaa la dilay Nur Hassan Barre (Bolis)working for Sacid NGO 2 others Kidnaped | 1 | 2 Afduub | |||
| 17 | Duqaymo+ Rajmin | Banaadir+Baraawe Hussein Ibrahim Mohamed ayaa dhagax lagu dilay Baraawe, Kufsiga Khadiha Abukar | 3 | 6 | |||
| 18 | Dagaal+ Duqayn | Muqdisho: TFG vs TFG Dagaalo u dhexeeya ee waddada Dabka iyo Amisom oo ka jawaabtay Hoobiyayaal | 16 | 37 | 320 Dowladda Kenya xirtay | ||
| 19 | Dagaal Burcad baded | Xarardheere : Dagaal Burcad badeed isku dilay $7 Million for Ransom | 7 | 13 | |||
| 20 | 0 | 0 | 0 | 0 | 0 | ||
| 21 | Gacangoyn+Karbaash + Dab lagu qabtay ganacsato Somaliyeed | South Africa, Marka: Yusuf Sheikh Ahmed oo loo haysto in uu tuuganimo gaystay iyo wiilal mandooriye loo qabtay | 2 | 2 | |||
| 22 | Dagaal | B/weyne | 3 | 5 | |||
| 23 | Dil ku xukun | Bosaso: Asmara Hayle Mariem iyo Abdufatah ahmed dahir loo haysto dilka xildhibanka iyo dilal kale | 2 | 0 | |||
| 24 | Qaraxyo | Mogadishu: Attack on Amisom Hospital + Lascano Police Base | 10 | 17 | |||
| 25 | 0 | 0 | 0 | 0 | 0 | 0 | |
| 26 | Dagaalo | Dagaalo u dhexeeya Amisom vs Al-Shabaab | 3 | 7 | 0 | 0 | |
| 27 | 0 | 0 | 0 | 0 | 0 | 0 | |
| 28 | Dagaal+Qarax | C/Weyne+Warxolo+Lascano+Mustaxiil | 21 | 39 | 0 | ||
| 29 | Dagaalo+Duqayn | Mogadishu: Weerar Al-Shabaab ku qaaday Amisom iyo Dowladda oo ku jawaabay Duqay | 26 | 52 | |||
| 30 | dilal | Xaradheere+ Luuq: nadoonfaroole iyo Guddoomiyihii Hobyo Sheikh Doon Yuusuf Gurey oo ay dilen Kooxo hubaysan waana aano qabiil. | 3 | 2 | |||
| 31 | Dagaallo | Muqdisho+ B/Xaawo | 8 | 24 | |||
| Total | 282 | 526 | 120 | ||||
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!