Waxaa shalay iyo Maanta laga dareemayaa xadka u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya, dhaq dhaqaaq xoogan oo militari oo ay wadaan ciidamada Dowlada Kenya.
Ciidamo badan oo ku qalabeysan gaadiidka dagaalka iyo helikobtero ayaa lagu soo xoojiyey ciidamada fadhigoodu ahaa xaduuda wadanka Kenya, waxayna arrintan kusoo beegmaysaa xili ay dowlada Kenya sheegtay inay wax ka bedaleyso siyaasadeeda ku aadan dalka Soomaaliya.
Todobaadkan ayuu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Kenya Moses Watangula in dowlada Kenya aysan xiligan gacmaha kasii laaban doonin xaalada ka taagan dalka Soomaaliya.
Kadib baaqii maalinimadii Isniintii kasoo baxay magaalada Baydhabo ee kooxda Al Shabaab ku sheegtay in Jihaadka ay ka wado Soomaaliya, uu la xariiro Jihaadka Caalamiga ah ee Al Qaida, ayaa waxaa markale sare usii kacay walaacii ay dowlada Kenya ka qabtay kooxaha mayilka adag ee Soomaaliya ka dagaalama.
Dowlada Kenya ayaa xadkeeda adkeysay isla markaana bilowday inay xeryo cusub oo militari kusoo kordhiso deegaanka xadka Saaran, waxayna Saraakiisha Militariga ee dowlada Kenya, ka gaabsadeen in ay wax faah faahin ah ka bixiyaan dhaq dhaqaaqan cusub ee bilaabeen.
Xubno kamid ah Dowlada Kenya ayaa sheegay in ay xirayaan xadka Kenya iyo Soomaaliya, hadii laga shakiyo in kooxaha ka dagaalama Soomaaliya ay gudaha usoo galaan dalka Kenya, xili dowlada Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho ku hanjabeyso inay qaadeyso duulaan baaxadleh.
Ciidamada Kenya ayay kadis ku noqotay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Beledxaawo ee saaran xadka kenya, halkaasi oo uu iska horimaad ku dhexmaray Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Kooxda Al Shabaab ee gacanta ku heysa magaaladaasi.
Ciidamada Kenya ayaa isha hada si gaar ah ugu haya dhaq dhaqaaqa ka socda dhanka Doolow oo ay isku abaabulayaan maleeshiyooyin kala gedisan oo kasoo horjeeda Al Shabaab iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo dooneyso inay qabsato gobalka Gedo ee saaran xaduuda Kenya iyo Itoobiya.
Ahmed Musse
Horseed Media
WAAN KU RAACSANAHAY ARINKAN AY KEENYA KU SUGAYSO NABAD GELYADA IYO XASILOONIDA WADANKEEDA WAX INUGU CUSUBNA MAAHA OO WADAN KASTA WADANKA KALE EE XUDUUDA LALEEYAHAY WAXAA UJOOGA CIIDAMO UQAABILSAN ILAALINTA XUDUUDA WADANKOODA MARKA WAX LADHIHIKARO WAY KU QALDAN YIHIIN KENYAATIGA MEESHA MATAALO,
BALSE WAXAA LAGA YAABA DADBADAN INAY U ARKAAN WAX DHIBAATO.
TANKALE SI HADII LOOFIIRIYO FAA IIDO WAYN AYAA UGU JIRTA SOOMAALIYA XUDUUDA KEENYA KEENITAANKA CIIDAMADOODA.
I think qolooyinkana somaliya ka dagalaamo intay raadiyaan chance ah inay hubka kenya ku faurtaan waxay u noqon doontaa fursad wayn baan qabaa. laakiin kenya waxay dhib u geesan doontaa uun shacabka dhax dagan gudaheeda uun markaasna. Ilaahoow somaliya sharafteeda soo celi.
waxay ilatahay in aaysan cidamo kinyan ah iska dhicin karin dagal yahanka somaliyed,cidwalbana waa ogtahay arintas waxa kale oo jira in lagulgulo moye in aysan iska dhicin karin cid waliba wagtahay,kinya in aay xirto qof magalo maraya wa dhici karta lakin hadii aay noqoto werar in aay hoose egagayan waa laga warqaba waana isyaqanin labada qolo ee dariska ah.