Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Barlamaanka DFKM ah ee Soomaaliya Maxamed Cumar Dalxa ayaa si weyn uu difaacay in uusan gudoonka Barlamaanka waqtigoodi uu dhamaan.
Wareysi gaar ah uu siiyey Horseed Media ayaa waxaa uu markii hore ka hadlay kulan ay dhowaan xubno ka tirsan Barlamaanka DFKM ah ay ku yeesheen Safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay magaaladda Nairobi, isagoo sheegay in kulankaasi uu ahaa mid ay Barlamaanku ay uga wada hadlaayeen sidii ay maalmaha soo socda ay ugu laaban lahaayeen Magaaladda Muqdisho ugana qayb gali lahaayeen Kulamada Barlamaanka.
Dhegayso Wareysigii Prof.Dalxa (By: Horseed Media)
Proff:Dalxa ayaa sidoo kale si weyn uu difaacay gudoonka Barlamaanka DFKM ah isagoo sheegay in aysan jirin haba yaraate gudoon waqtigoodi ka dhamaaday,waxaana uu sheegay in ay jiraan Xildhibaano ku jira Barlamaanka oo aan si fiican fahansanayn Shuruucda u qoran Barlamaanka DFKM ah.
Ugu dambeyntii waxa uu carabka ku adkeeyey in hadii ay gudoonka Barlamaanka uu waqtigoodi dhamaaday uu si la mid ahna Xildhibaanada waqtigooda dhamaaday.
Hadalkaan ayaa imaanaya xilli maalmihi lasoo dhaafay Qaar ka mid ah Mudaneyaasha Barlamaanka DFKM ah ay samaynaayeen Olole ay ku doonaayeen in ay xilka kaga tuuraan Guddoonka sare ee Barlamaanka.
Xassan Maxamed Aadan(Keysar)
Horseed Media
Nairobi,Kenya.
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!