Dahabshiil
Golis

Maamulka G/Sanaag oo Sheegay in Ciidan Somaliland ah ay soo gaareen qeybo ka mid ah gobolkaas.

Maamulka Gobolka Sanaag ee Dowladda Puntland ayaa waxa uu sheegay in Ciidan taabacsan Maamulka Somaliland ay soo gaareen degaano hoos taga gobolkaas.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland Maxamuud Siciid Nuur oo uu waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in ciidankaas oo taabacsan Somaliland ay soo gaareen degaano hoos taga degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, ee kamid deegaanada Puntland ka arrimiso.

Wuxuuna hadalkiisa ku daray in ay sameyeen dhaq dhaqaaqyo ciidan isla markaana ay ku doonaayeen in ay kula wareegaan degaano hoos tega gobolkaas.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay Saraakiisha Ciidanka Maamulka Somaliland ay ku hanjabaayeen in ay mudo 14-maalmood gudahood ay la wareegi doonaan dhamaan degaanadda gobolka Sanaag, isagoo sidoo kale sheegay in ay warbaahinadda ka baahiyeen in ay la wareegeen degmadda Tukaraq ee gobolka Sool.

Ugu dambeynti waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Sanaag ay talaabo qaadi doonaan hadii ay Ciidankaas isku deyaan in ay la wareegaan degaanadda hoos tega gobolkaas.

Horseed Media

RELATED STORIES

16 Responses to “Maamulka G/Sanaag oo Sheegay in Ciidan Somaliland ah ay soo gaareen qeybo ka mid ah gobolkaas.”

  1. hy says:

    ad baan uga xumahay

  2. Sanaag Boy says:

    Zaki inader waad mahadsantahay. anigu p/lander baan ahay taas shaki kuma jiro ninka cabdi kuu la dhoho lahjadiisa markan u kuurgalay reer konfur buu noqday. marka yaan layna ka fa’idaysan.

    VIVA P/land VIVA Somaliweyn

  3. ASALAAMU CALEEKUM.
    Ka; P.D.P (PUNTLAND .DOMOCRATIC ,PROGRES)
    WALIGEED hadeynu naheey somali waxaa dabeecad inoo ah in hadii waxyaalo loobilaabo ineey waada bilaabaan .
    Waxyaalaha labilaaboona ayaado hoos kabaxdey ayaad maardanbe arkisaa .
    markaa waxbadan ayee dhacdey .walaalayal weybka horseed yanaan lagabsan ayadoonan waxba geysan ayadaaba isku kaayakentey sidaanu fakradaheena isku dhafsano waa mahad sayihiin horkacayaasha horseed inaga rer puntland ahaan laga rabaa isafgarad guud oo dhnwalba guseesa iddoor maanta nin dhalashadiisu tahey sool ayeey bom hoosta ugasheen ayeey garxiyeen waa si eey u sii joogaan sool taan sanaag waa lamid oo sikastaba waa isku dayeen ineey isku fidiyaan laakin sidey aragtideydu ii sheegiso hadeer waa usurtoobi karasaa sababto ah walaalaheen sool waad u jeedin in loo gabagabeeyey rer sanaagna waxaa loo bilaabey in walaalahooda kaaleh madaxa loo gasho wasi loowiigo awoodooda beeled iyo siyaasadeed marka walaalayaal surtoobimeeso in idoor tuuso cadawga axmaaro iyo saancadale 300 kuun oo sanadood kahoor iska fogeeyey wagaasna walideenteen weey iku dubnaayeen waxa hada ii mugata nin mooye inteena keeleh waxey rabtaa ineynu is baraarujino oo aanu usoojedsano dhulkeena ganiga ah markaa waxeey ubahan taheey ikudubnaan mideysan xal siyaasadeed guudo iyo dibadba.
    waxaaso dhiba inaga iskuguwacan inteenanan amaba inta rabtaa isbadel ween oo laga sameeyo puntland waa in leyskaashadaa oo waxlaga gabtaa hogaan xumida kashirta puntland inteynun hadhow neylagabsan idor dabada waxaa kasoo rixaya axmaro iyo saancadaale oo argosasho eynan ilowin raba.

  4. hubka dhig says:

    salaan kuligeen , walalayaal waxa fiican in alleh laga cabsado, dagaal faa iido ma leh, taa hala waydiiyo daaroodka hawiye la deriska ah ee aan nabadda ku noolayn,waan nasiib badanahay inta aan Somaliland la deriska nahay. wasalaamu

  5. sheekhunaa says:

    Ku mamulka puntland! sc wr wb
    waxaan idin sheegaa siyaasada cusub puntland la rabo siiba gobalada sool iyo sanaag waxaa ka mid laba qodob ay rabaan in ay is ticmalaan mamulka idoor!
    1 waxay is ticmaali dhanka sool siyaasad cusub ah waxaa jooga argagaxiso!waliba waxaa kala shaqaynaayo ICG sidii ay ugu sii wari lahaayeen gobalka sool iyo cayn! taasna waxaa la rabaa in laga dhadhaciyo aduunka meeshaan i ay joogaan argagaxiso! somaliland lagu xoojiyo ciidan iyo dhaqaale ba markii ay ku fashilmatay aqoosigii ay rabtay! iyo shirka ka socdo isimada puntland ee ka socda buura wadal.taasi oo ay ku beertay cabsi xoogan in ay ka soo baxaan qodobo aad wax u ool ah!siyaasada cusub somaliland ayaa mid ka duwan kuwii hore.waxaad arki waxaa ka socda waa qarax iyo ninka is qarxiyay waxaa uu ahaa nin reer sool xoola dhaqatada aha lana soo xiray jirkiisa lagu soo xiray wax yalaha qarxa taasina ahayda been loo samaynaayo.marmarsiyo si ay ugu helaan tageero buuxda.waxaana looga hor tagi karaa siyaasadooda guracan dagaal balaaran. lagu qaado. sool sanaag cayn.
    2.dhanka sanaag ayaa iyadana laga faa’idaysanayo siyaad kale cusub sida loogu qabsan lahaa sanaag waxaa joogta burcad badeed sidaas meesha lagu keeno meeleshiyo beeled isku dhaf ah.
    mamulka puntland waa inuu la yimaado qorshe xoogan ku aadan gobaladaas! guul ayaan idin rajaynaa

  6. Dr. Maroojiye says:

    Meeshaan Dubeeys iyo arrinta waa ay ka weeyn tahay waa ognahay dadkaas tolka in dusha wax kasta laga saaro maahan.
    Hadee meesha Puntland waa in odayaashii cuqaasha talada wax laga siiyaa, iyo dadka aqoonta leh.

    Aaway odayadii isku haayey Qoyska Puntland? Waxaan garan waayey marba hadaan walaal ceeyrino, yaa soo haraayo*** Waxaan dhihi lahaa Dulmiga ma fiicna ee waxii kheeyr kujira isku caawiya , waxii kalana ka dheeraada oo xumaan ah. tas waa talo

  7. Xuseeyn says:

    War horay ayeey u heeteen Somaliland ceerigaabo ilaa iyo meel wax yar u jirta Garoowe. Waxaa kaloo ka sii darran madaxweeyne ku xigeenka, Madaxweeyne Faroole iyo kuli kuwa la shaqeeyo. Wax ay meesha ku hayaan maleh . Ethiopia ayaa laga wada baqayaa. kuwaana Ethiopia ayaa nagu soo direeyso. Marka waxaan kala helno ayaan leenahay Somaliland

  8. atnaan says:

    Akhyarta dhamaan wani salamay ma garateen marka labaad waxan raba meshan comment yar ka dhiibto waxaan dhihi lahaa somaliland inay joojiso isku daygeeda ay ku raadinayso goboladaas waynu is naqaan oo somali nabad ku wada noolaato 20 sano ayan dagaal ku soo jirnay somaliland iyo p/land haday is galan koonfurna maxaa ka sugaysaan……viva somalia viva puntland

  9. HEER-SARE says:

    Puntland waa la qabsaday dhammaanteed, maamulka faroole waa hurdaa-

  10. Talo Horseed says:

    Horseed net waxaa kula talin lahaa in ay joojiyaan comments colaada beelaha puntland laga faa’iidaysanayo , puntalnd ma aha koonfurta Soomaaliya, Puntalnd waxa leh reer Puntalnd oo dhan Nimaka Warsangele ee Dubays ee intaa halka lagu maagayo waa dhiman reer Puntland , Punland markii magaca loo bixinaye ee qarnigii Faraacinada ilaa hada degan, sida aad ogthiin meesha magac rasmiga ah ka yima waa dhulka fooxa ka baxaa runtii markii laga hadlana waa dhulka cal madow loo yaqaan ee ku caana faleenka. Beesha Dubays hadii la fogeeyeo oo la ina kudiro oo intaa la caayo yay dani ugu jirtaa ma majeerteen, ma dhulbahanete ma moorcase maa leelkase ma awrabtle ma arab saalah ma kaskii qabe waxayila tahay midana. Waxay ila tahay horseed media in aysan qayb ka qaadan hurginta iyo isku dirka dadak walaalaha ah . Dubays iyo Majareeteen colaad ka dhexaysa ma jirto , hadii ay wax ka dhexeeyaan waa dad walaalo ah oo waa ka heshiin karaa, laakiin yaan cadowgu dadka ka faa’iidaysan joojiya Commentiga intaa Qabaa ilka lagu caayayo caafimad ma soo kordhinaayo.
    Maxamed Cusmaan

  11. sanaag boy says:

    bismilaah waad mahadsanthin bahda horseedmedia hadii aan fekerkayga ka dhiibto somaliland hadaaqeedu wax cusub maaha oo 13sano ayey lahayd sanaag ayaan qabsan waana wax lagu qoslo sanaag maaha maqaaxi ee rag ayaa leh isak oo dhan ayaa isugu yimi from 84 to now wax ay qaadi karaana ma jirtee adeer nabad aan ku wada nolaano mid yar ayaan odhan lahaa ragga iska hadlay meel aad qabsanteen ama aad degteen intii dawladii mujaahid maxamed siyad alla yarxama ma jirtaa dhaar uun baad haysaane dhulbahante iyo majeerten ama daarood oo dhan iyagoon ii imaan ayaan is dafaaci karaa laakin inan yaroo qaad la siiyey oo la yidhi soo qas kolba waxba ma qaada dayee iminkaan inta aad ka degan thin sanaagna usoo socdaa diyaar hala ahaado puntland ha noolaato ayaan leyahy amnigana hala ilaaliyo

  12. Sanaag Boy says:

    waxaan u sheegayaa ninkan la baxay Cabdi kuus adeer waxaa tidhi p/land waa nolan karta warsengeli la’aan. marka waxaad ogataa in warsengeli p/land la’aanted nolan karo. waxaan se kuu sheegayaa hadii sanaag oo p/land ka tirsan uu idoor qabsado ma kula tahay inaad bosaso ku ledaysid waxaad ogata in aan cadaw kaa horjogo xoog iyo xeelad mid kasta aan ku horjoge.

    Ninka kale ee c/raxman la baxay adeer Idoor baa tahay waan ku garanayaa halka ciidan s/land jogo ma laha wadan aqoon ee maaha sanaag. taako hadaad soo dhaafto dhulkaaga xabad baa inaka dhaxaysa dhulka iyo dadku waxay yihiin gorgortan kuma jiro waxaan aaminsanahay somali weyn. xabaduna mid hada inoo bilabatay mahe waa tii inaka dhaxaysay. Soolna intii lagaa saari lahaa wax yar baa ka hadhay meel waran lagu qabsaday beryo wax kama tarto.
    VIVA SOMALIWEYN

    • Zaki says:

      Sanaag Boy ninka la baxay waxan filayaa inuu yahay ninka la baxay Abdi Kuus oo isu jawaabay. Haddii aysan sidaa ahayna oo Sanaag Boy uu yahay nin si dhab ah magaciisa uga tarjumaya, waxaan lee yahay Sanaag Boy sxb caqli xumaa kuu ekaatay. Maxaa yeelay Baas laguu dhiibay baad si fudud u qaadatay. waxan ku lee yahay sxb iska eeg hareerahaaga iyo cida baaska ku siinaysa. Codowga Baas kiisa isagaa dib loogu weeraraa ee adiga gooshaada banooniga laguma soo weeraro.

  13. araale says:

    salaam …
    ku horseed media..
    Waxaan jeclaystay markii aan arkay waxyaaba badan oo khuseeya danaha guud ee puntland govt in dadka codkooda dhiibtaa ay u badan yihiin dadka KOOFURTA ee cadaawadu daashatay.. hadaba maxaa ku haboon cod dhiibashada.. waaa ay cadahay waa in aad joojisaan dhamaan dadka arintoodu cadahay.. sida dadka doonaya kala fogaynta umada wada dhalatay ee PUNTLAND….
    tusaale ahaan inanka lamagac baxay cABDI KUUS waxa cad inuusan lahayn xataa lahjada PUNTLANDERSKA marka waa in aad wixii tuxaan leh joojisaan.

    mahadsanidiin…

  14. Abdi Kuus says:

    Anigu waxaan jecleysan lahaa in nimankaan Reer Sanaag ka baxaan puntland oo raacaan Sool oo ay noqdaan Somaliland.

    Dhibkoodaa nagu batey, Puntland weyn noolaan kartaa iyaga la’aantooda.

  15. c/rahman says:

    waar ninkaaga boosaaso iyo garoowe liinta ku cabaaya waxaba kam oga cuduba ciidan ee somaliland waxaany ciidanka sioamliland ka taliyaan guud ahaan gobolka sool iyo sanaag waxaan layaabay ninkan sheeganay guddomiya gobobolka sanaag Maxamuud Siciid Nuur oo hatan lehe ciidamadii somaliland aya la wareegay sanaag waa waxa lagu qoslo waayo ciidamada somaliland waxay haystaan guud ahaan gobolka sanaag sanaagan waa somaliland waxaan la yaabay miskiinkaas liinta ku cabay boosaaso ee aan aduunba la socon
    waxaan u sheegay in ciidanka somaliland 24sacaadood kula wareegi karaan boosaaso iyo garoobe ee waxa hadaalin waxana ha cabsanin saxiib