Dahabshiil
Golis

Mala Badbaadin Karaa Puntland?

Hordhac

Bismilaah; waxaan ku bilaabayaa eebaha weyn magaciisa. naxariis iyo nabad galyo Nabi Mohamed ( CSW) korkiisa ha ahaato wacad. Sida aan la wada socono waxaa dhibaato weyn gaartay jamuuriyadii soomaaliya. Gaar ahaan waxaa dhibtaasi si weyn u saamaysay gobolada koonfureed ee sooaaliya. Waxaa goboladaas ka qaxay malaayiin soomaali ah, waxaa dhintay boqolaal, waxaa curyaamey inbadan, waxaa la bililiqaystay hantidii qaranku lahaa, waxaa gebi ahaanba burburtay caasimadii qaranka soomaaliya. Caruurtii hana qaaday labaatankaas sano ayaan weligood arag nidaam dowli ah iyo kala damayn. Waxaa ay badankood ku caqliyeysteen nidaam aan ugu magacdaray “3Q). Kuwaas oo ah: Qabiil, Qaad iyo qori. Waxaa meelo badan oo koonfurta soomaaliya ah kasoo baxay qaab dhaqameed dhaqaale aan horay dalka soomaaliya looga aqoonin. Kaas oo ah in dad badan oo ah dhalinyaro iyo waayeelba ay dhaqaalahooda kala soo baxaan isbaarooyinka ay dadka u dhigtaan. Ku dheeraan maayo maxaa yeelay aad baa looga warhayaa dhibaatooyinka ka yimid nidaam iyo kala dameyn laàanta.

Geyiga Puntland

Deegaanada puntland  ayaa iyagu ka badbaadey burburka aan kor kaga soo hadalay.Burburkii dowladii dhexe ka dibna waxaa ay puntland ahayd meesha kaliya ee loosoo qaxay. Waxay noqotay meesha kaliya ee nabada laga helay. Waa ay jirtey waxyaalo badan oo puntland kasoo qaaray dhibaatada ka jirta koonfurta sida dad badan oo qaxooti ah oo puntland usoo qaxay.Dadkaas oo runtii ku nool nolol aad u adag. Balse aad ayey dadkaas soo qaxay ugu qanacsanaayeen joogitaankooda puntland maadaama ay ka heleen nabad wanaagsan. Guud ahaan degaanada puntland waxaa looga bartay nabad, deganaansho iyo wada noolaasho. Balse waayadaan dame waxaa ka bilaamay puntland dhaqan lagu carqaladaynaayo nabada iyo deganaanshaha Puntland, dhaqankaas oo horay uga jirey meelo badan oo koonfurta soomaaliya ka mid ah. Bal eeg dhacdooyinkaan.

Ø      5 bisha Agoosto 2009, waxaa magaalada Gaalkacyo lagu diley alla unaxariistee wasiirka warfaafinta Dowlada soomaliyeed ee Puntland md-Warsame cabdi shirwac (seefta banaanka)

Ø      Isla maal mahaas waxaa la dilay isna xildhibaan katirsan baarlamanka Puntland, xildhibaanka oo lagu dilay Caasimada Dawlada somaliyeed ee Puntland, Garoowe marxuumka allaaah u naxariistee waxaa lagu magcaabi jiray, Ibrahim cilmi waxaana loodilay si qorsheysan kaas oo waacusub u bilaabay isna xildhibaanada

Ø      10-kii novemver, 2009 waxaa sidoo kale lagu dilay magaalada Ganacsiga Puntland Bosaso gudoomiyihii maxkamada bosaso allaaha u naxariistee waxaana lagu magcaabi jiray marxuumka Maxamed cabdi awaare isagana waxaa loo dilay si qorshaysan ilaa iyo iminka lama oga cida dilkaas kadanbaysay

Ø      5-tii jaanaayo,2010 waxaa magaalada Ganacsiga Dawlada somaliyeed ee Puntland, Bosaso  lagu dilay xildhibaan isna ka xirsanaa golaha baarlamanka Puntlant marxuumka allaaah unaxariiste waxa lagu magcaabi jiray Cabdulaahi cali kaarad waxaana loo dilay si qorshaysan lamana oga cida dilkaa gaysatay.

Ø      19-kii janaayo,2010 waxa sidoo kale lagu dilay magaalada Ganacsiga Dawlada somaliyeed Puntland, Bosaso xildhibaan isna ka tirsanaa baarlamanka puntland allaaah u naxariistee waxaa lagu magcabi jiray maxamed cabdi jibril, isna waxaa loodilay si qorshaysan ilaa iyo iminkana lama hayo cidii dishay xildhibaanka.

Ø      30-kii janaayo,2010 waxaa sidoo kale lagu dilay magaalada ganacsiga Puntland Bosaso allaaah u naxariistee gudoomiyihii ururka ardayda somaliyeed SSCO waxaana lagu magcaabi jiray marxuumka Cabdilaahi mahdi ( Sayidka) waxaana dilay kuwii dilay dadkii iga kahoreeyay.

Maxaa qaldan?

Intaan oo dhacdo ah oo kulugood kala dhacay sanadkii aan soo dhaafnay iyo kan hada inoo dhashay ayaa waxaa loo qabtaa dad kala duwan welina lama hayo qof lasoo hordhigay caddeyn muuqata oo ka dhan ah dadkaas lasoo qabtay.Waxaan inta badan maqalaa waa lagu daba joogaa danbiilayaasha dadka laaya. Lama ogo wakhtiga gacanta lagusoo dhigi doono kuwa lagu raad joogo. Hadaba waxaa iswaydiin mudan, maxaa sababay in laqaban waayo dadka laynaaya waxgaradka, madaxda iyo aqoonyahanka Puntland. Bal aan eegno dhowr arimood:

1. Miaaney jirin Booliis u tababaran  oo awoodi kara inay xakameeyaan ama ay soo helaay sirta dadka khalkhalka wada?

2- Mise waa burcad badeeda oo diidan inla hubeeyo Dawlada Puntlad si loo ciribtiro.

3- Mise waxaa jiraa siyaasi reer puntland ah oo doonaya inuu laayo dadkiisa amaan kiisana khalkhal galiyo?
4-Ma dhinacyada isku haya koonfurta somaliya ayaa doonayn in laga tago oo leh kala tashan mayno?

Suàalahaas jawaabtooda waxaan u deynayaa akhristayaasha balse waxaa ay aniga ila tahay  xaqiiqdu waxa weeyaan iyadoo aaney jirin ciidan amniga si wanaagsan u  sugi kara, ama sirdoon wanaagsan leh si loo ogaado dadka wax magaratada ah ee laynaaya dadka wax garadkoodii birimageydada ahaa.

Waxaa iyana nasiin daro ah inay bulshaweynta puntland arinkaan iska daawanayaan mana jiraan wax dhaq dhaqaaq ah oo ka socda bulshada dhexdeeda taas oo keentay inay siiso fursado badan dadka qaska wada.

Guntii iyo gabagabadii, maxaa la gudboon, shicibka puntland, dowlada iyo howlaheeda kala duwan, qurbajooga puntland.

Mahadsanidin

waa qormadii

Geedka dhamasa hoostiisa
Jaabir Huseen Gacayte
cityhida@hotmail.com
Eskilstuna sweden

6 Responses to “Mala Badbaadin Karaa Puntland?”

  1. akram says:

    walaal waa mahadsantahay runtiiina waxaa kugu tilmaamantahay qoraa gacantiiisu ay ku dheehantahay wadaniyad iyo nabad jacayl walaal suaashaada jawaabtoo ayadoo gaaban waa haa puntland way leedahay dabaqabasho waa hadii qof walba oo wax tabanaya dowladu ku diirato in ay kala hadasho waxa ay tabanayaan kuna dadaasho dowlad in ay wax ka qabato baahidooda walaal way jirtay xili la isku bajin jiray cudud milatary laakiin hada dunidu waa ay ka gudubtay dabeecadaas ku dhisan is cabsiinta iyo caga jugleenta maanta waxaa loo baahanyahay in lagu socdo wadada wada tashiga iyo is afgaradka wixii itaas kasoo hara waa in lagu dayaa in hal meel looga soo wada jeesto ayada oo loo samaysanayo taageero iyo xulufaysi adag kana imaanaysa qaybaha kala duwan ee bulshada iyo ururada caaalimaga ah mahadsaid

  2. Mire says:

    Ninkii seexdaa siciis dibi dhalaa.
    Dowlada Puntland ayaa laga rabaa dib u habayn iyo qalabayn in ay ku samayso ciidamada dowladda .

  3. Faarax cali says:

    Waxaan ugu horeyn, mahadcelin u soo jeedinayaa qoraaga maqaalka Mr gaacayte.Run ahaantii waa maqaal taabanaaya dhibta hadda ka aloosan geyiga Puntland, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Suàasha ah ma la badbaadin karaa Puntland? waxaan leeyahay: Haa waa la badbaadin karaa, haddii sugida nabada meel looga soo wada jeensado. Dhamaan qaybaha bulshada ayaa la rabaa iney ka qayb qaataan sugida nabada, aqoonyahanka, dhalinyarada, culimaa udiinka, haweenka iyo qurbajoogta puntland. Dadku waxaa ay isku qaldaan dhaliisha dowlada iyo arinkan nabada. Sugida nabada waa badbadadii puntland, sidaas darteed waa inaan laga sugin dowlada puntland oo keli ah balse waa in dhamaan laga wada qeyb qaataa.
    Mahadsanidin

  4. Yes we can! Waa dhab in aan u huri karno naf iyo maal dalkeena, waxana ku dharanaya alaha awooda leh in aan shaqsi ahaan u heelanahay in aan ugu hoydo iilka puntland darteed. reer puntland noow mowqif wada qaata oo isku meel ka soo wada jeesta alle ayaan idinku dharshaye.kuna shaqeeya iskaa wax u qabso una dhinta dalkiina kuna dila waxa ku wada qal qalka idinka oo u firineyn ina hebel iyo reer hebel.

  5. Suldan , kambala UG says:

    A.S.C dhaman wan salamaya shacabwaynaha reer puntland melkasta oo ay jogan kadib . Puntland waa la badbadinkara hadi 3 qodob la helo 1, inshacabku lashaqeyo cidamad amniga iyo lamaha sirdonka via numbaradi gobolada losameyay oo kale sida 911,999, iyo saldhigyada boliska 2, in dawladu shaqo galiso ardaydi dugsiyada sare kasobaxay 10ki sano oo ugu danbeysay oo laga dhigo C.i.D logistikada madaxda cidanka , 3 in dawladu latimado nidam xaqiqda ka turjumaya oo lagu xaqijo amniga in dawladu lashaqayso shacabka oo dadka lo furo siminaro loga hadlayo dhibatada ay ledahay amni daradu

  6. swedan says:

    waa labadbaadin karaa putland waxan lugu badbaadin karaa iyadoo laga qaado faroole madaxtnimada ninkaas wa nin qabaw mana aha nin dadka kala dajin kara ama siyasad wax kayaqaan waxa kaloo lugu dajin karaa putland shacabkoo noqoda far iyo faraanti shacabkoo wada tashata fiiriyana meesha ay dantoodu ugu jidhan
    su aal aya mesha taal maxaa sababayana malintii faroole qabsadaya inaya dilal dhacaan?
    maaxase keenay boosaso bes in dadka lugulyana ama qardho ?
    maxaa diidayan inaya garoowe wax ka dhaacaa ama dhiiga ka daatana ?