DFKM ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay xirayso Safaaraddo ku yaala wadamada dibaddiisa.
Wasiirka arimaha dibadda ee DFKM ah Cali Jangeli oo wareysi siiyey La’aanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayuu sheegay in Safaaradahaas dhowaan ay albaabadda isugu dhufan doonaan, iyadoo uu sheegay in Golaha Wasiiradda ay arintaas dhowaan ka doodeen oo ay si qoto dheer uga hadleen.
Waxaana uu sheegay in Safaaradahaas xiritaankooda ay timi ka dib markii Masuuliyintii loo magacaabay aysan tegin goobaha ay ku yaalan, ayna si toos ah u bilaabin howlahooda shaqo.
Wasiirka ayaa sheegay in Shakhsiyaadkii qaar ee loo magacaabay Safaaradahaas ay wax jawaab ah ka bixin.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay dhowaan DFKM ah soo bandhigi doonto qorsheyaal lagu maamulaayo Safaaraddaha ku yaala dalka dibaddiisa, isla mar ahaanta dhowaan ay ansixin doonaan Golaha Wasiiradda.
Waa marki ugu horeysay DFKM ah ay ku dhawaaqdo in ay albaabadda isugu dhufan doonto qaar ka mid ah Safaaraddaha ku yaala dalka dibaddiisa.
Murranka ka taagan Safaaraddaha Soomaaliya ay dunnida ku leedahay ayaa soo taagnaa tan iyo intii ay burburtay Dowladii hore ee Soomaaliya 1991dii.
Waxaana marar badan dhacay in isqabqabsi uu ka dhexdhaco Safiiradii kala gedisnaa ay dowladihii Kumeel Gaarka ahaa ay magacaabi jireen, iyo kuwii horey halkaasi u joogay.
Ayadoo bishii July ee sanadkii tagay 2009, Raysalwasaaraha DFKMG Soomaaliya Cumar Cabdirashiid uu dhamaan Safiirada iyo Qunsulyadda Soomaaliya ee caalamka jooga isugu yeeray inay iska soo xaadiriyaan magaalada Muqdisho si uu kulan ulla yeesho, hadana ma jirin wax safiiro ah oo aqbalay casumaadaa.
Warar ay Horseed Media ka heshay xubno xog ogaal ah, ayaa sheegay in badan oo Safiiro ah ay ka cabsi qabeen in la casilo marka ay tagaan magaalada Muqdisho.
Waxaana caqabad kale noqotay in Safiiradii cusubaa ee la magacaabay ay tagaan wadamadii loo magacaabay, kadib ayagoo ka cabsaday qaarkood in ay diidmo kala kulmaan safiiradii hore, halkaasna is qabqabsi ka dhaco.
Tilaabadan cusub ee rabto dowlada hada jirta inay qaado ayaa u muuqata mid lagu doonayo in Dowlada Federaalka ay dib ugu hanato maareynta safaaradaha Soomaaliya ee dunnida, walow aan la aqoon in arrintan ay wax natiijo ah keeni doonto.
Waxaa sidoo kale jiray baaqyo kasoo baxayey Soomaalida iyo ardayda wax ka dhigata dibada sida dalka India iyo wadamo kale, oo codsaday in safaarada aan laga xirin maadaama aysan heysan meelo kale oo ay sharciga baasaboorka Soomaaliya ka cosbooneysiistaan.
Dowlada Federaalka ayaan weli wax jawaab ah kasoo saarin baaqyada ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada qaarkood ay arrintan kasoo saareen, walina ma jirto wax ay Dowlada Federaalka ku qancisay dadka ka walaacsan saameynta ay yeelan karaan xiritaanka safaaradaha qaarkood.
Horseed Media
aryaa halkaan xaayoow la baxay xaad u calaanjihee hadalka arey manaad si kasta u calaanjido waa lagu fahmaa in aadan u dhalan tamiinkaan waa sameysaye mug dambe ha isugu noqon oda shariifna madaxweynaheeni waayee iskala’aal
ASC
waa sax in laxiro safaarad aan shaqayn ama laga bedelo shaqsiyaad ka haysta waana wax waajib ku ah dawlada inay la xisaab tanto dadka aan shaqayn ama u shaqayya sida aan wanaagsanayn ee qabyaaladu ku dheehantahay waana in loo dhiibaa dad ka soo bixi kara shaqada safaarada una leh aqoon iyo karti balse maaha in lays kaga fiirsado dad fadhiid ah.
Ardayda india joogta ka ma shaqayyaan safaarada mana oga wax safaaradi qabato balse taas waxaa loo fasiran karaa dad ujeedo gaar ah leh ama caadifad qabiil xambaarsan ama shaqsi jeclaysi waayo waa shaqo u taal dawlad.
Fikrada ah in la xiro Safaarado badan oo Soomaali leedahay waxaa wato ninka layiraahdo Cabdi Xaaji oo dhawaan loo magacaabay jagada ah Secretry of Foreign Affairs. Wuxuu ahaan jiray safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Pakistan ilaa dowladdii Siyaad Barre. Wuxuu siduu doono ugu tagri fali jiray Educational seats ama deeqaha wax barasho ee Pakistan ugu deeqdo Soomaaliya, isagoo ku naas nuujin jiray beesha uu kasoo jeedo. Wuxuu si sharciga ka baxsan u siin jiray Maadooyinka Medicine, Engineering, Dental, I.W.M beesha uu kasoo jeedo, halka inta soo hartay oo ah dhammaan Soo maalida kalana uu markuu asxaan u falo ka siisan jiray in kabadan $10,000 halii deeq wax barasho. Safaarada Soomaalidu ku leedahay Pakistan wuxuu wali quud daraynayaa inuu siihaysto ama geeysto qof magac u yaal ah oo uu ku adeegto haddii kalena uu iradaha isugu dhufto si Soomaliweyn aysan uga manaafacadsan.
Salaam, Yahoow , kuwaan yeye Wasiir iyo Madaxweyne u yihiin ?? Waa yaabe , waar Al shabaab aayaa albaabka idiin faadhooda ee inta aydan Maxkmamad Islaam ah idin saarin meeha iskaga roora dheh. Shariif owolba kursi doon uu ahaay, Xaafad nuskeed ma xukumo, Ethiopia uu ciidan u doontay, yahoow goorma uu khaldan yahay, ma mugii uu lahaa Ciidan-ka Ethiopia ha ka baxaan Xamar, mise hadda uu dhahaayo Ciidan Ethiopia ah aa rabaa ? Yahoow xaa ku talo xumo ah
Waxay yiraahdeen safaaradaan xireynaa! inta aanay safaaradaha xirin Shabaabku iyaga Xamar ka ku xirxiro sidaasaa la qaatey, Shabaabku maxay uga gaabiyeen hawshoodii inyar baaba u dhinnayde?.
ASC,
Horta arrinta ah safaarado ayaa la xirayaa
waxaa wata dad khaas ah oo doonaya in ay dana gaara ka gaaraan iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya in aan loo hayn kharash lagu maamula safaaradahaas,waxaase isweyddiin mudan yaa marki hore wax siin jiray safaaradahaas oo ku dhwaad soo furnaa tan iyo maalinta calanka la qaatay.Labaatanki sano ee dawlad la’aanta la ahaana siday ku noolaayeen dadka ka shaqeeya safaaradahaa ma dawladda hadda joogta ayaa wax siin jirtay .Waxay ila tahay waa talo gorracan arrinta waayo calanki soomaalida meel ama waddan uu ka taagnaa soddon sanno iyo ka badan ayaa dowladda shariif ka dejisay waa mucjiso.