Dahabshiil
Golis

Booliska Gaalkacyo oo caawa qabtay Walxaha Qarxa (Dhageyso)

Booliska Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay caawa fashiliyeen weerar qarax oo la damacsanaa in laga fuliyo gudaha Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug Muuse Axmed Cabdiraxmaan “Xasaasi” oo u waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in Ciidanka Amaanka ay fashiliyeen walxo qarxa oo lagu aasay mid ka mid ah xaafaddaha magaaladda Gaalkacyo.


Dhegayso Wareysigii HOrseed Media la yeelatay Taliyaha Booliiska G/Mudug Col.Musse Xasaasi

Waxaana uu sheegay in mid ka mid ah dadweynaha Xaafadda lagu aasay Walxaha qarxa ee Garsoor loo yaqaano uu Ciidanka Amaanka kusoo wargeliyey in meel ka mid ah xaafadahaas lagu aasay walxaha qarxa.

Waxaa isla marki goobtaas gaaray Ciidan ka mid ah kuwa Amaanka ee Gaalkacyo, waxaana ay ku guuleysteen in ay soo saaran walxaha qarxa oo aad uu cuslaa, sida uu sheegay Taliyaha.

Muuse Xasaasi ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo waxaa ay isugu jiraan walxaha qarxa, isagoo sheegay in ay iminka baaritaan ka wadaan goobta ay ka heleen walxahaasi.

Waxaana uu mahadcelin balaaran uu soo jeediyey Shacabka Reer Gaalkacyo oo uu ku tilmaamay in ay Ciidanka kala shaqeeyaan arimaha Amaanka.

Taliyaha ayaa sheegay in goobta qaraxa laga helay ay ahayd meel ay mari jireen masuuliyinta Gobolka Mudug iyo kan degmadda Gaalkacyo, una dhow gurigiisa meel aan ka fogayn, isla markaana la damacsanaa in lala beegsado masuuliyintaas.

Ugu dambeynti waxaa uu sheegay in Ciidanka Amaanka ay si wadi doonaan howlgalada ay ku sugayaan Amaanka ayna kaga hortagayaan falalka amaan darada ah.

Horseed Media.

RELATED STORIES

6 Responses to “Booliska Gaalkacyo oo caawa qabtay Walxaha Qarxa (Dhageyso)”

  1. o.c says:

    waxaan aad ugu faraxsanahay shacabka mudug ineey la shaqeeyan doowladooda halkaasna ay kasii wadaan la shaqeenta waana arin lagu farxo ilaah ha idinku garab galo amiin amiin

  2. mohamud abdidahir {puntlander zambia} says:

    waxaan waxyar oran lahaa ninka isku sheegay jamac cali waxaana leeyahay waan ognahay oo gaalkacyo puntland way kamid tahay hadana qaabka ay kushaqaynayaan waxay mudan tahay in lagu daydo. waana runtaa oo maamulkan waxaa suurta galiyay ilaahaykasokow maamulka hadda cusub.

  3. mohamud abdidahir {puntlander zambia} says:

    MAASHA.ALLAAH WAA WAX LAGU FARXO WAXAANA MALAYNAYAA INAY TAASI CADDAYNAYSO SIDA AY ISUGU XIRAN YIHIIN BULSHADA R.GAALKACYO IYO CIIDANKA AMMAANKU!!

  4. jamac ali says:

    waxaan leeyahay ninka keenadiid la baxay, horumarka gaalkacyo dawladu puntland kama marna gaalkacyana ma aha dawlad iskeed u taagan ee waxay ka mid tahay maamulka puntland waxysan puntland raali ka ahayna kama hirgaleen, hadii aad garatay inaadba wax qortid waxaa fiican inaad xog haysid, maamulka hada haya gaalkacyo waa kii ugu fiicnaa abid waxaana ansixiyay oo suurta galiyay maamulka hada talada hayo hadii aad xusuustid faroole mudo labo bilood aha ayuu fadhiyay Gaalkacyo si loo helo maamul taya leh oo rabitaanka dadka ka tarjumaya maadaama gaalkacyo ay tahay magaalo ahmiyad gaara u leh Puntland xuduudna ku taal waa lagama maarmaan in lahelo maamul toosan oo gobolka hormariya si aab loo sugo amnigeeda iyo horumarkeed mustaqbal.marka anigu waxaan oran karaa wanaaga ka muuqda gaalkacyo waxaa loo nisbeen karaa ilaahay ka sokow maamul wanaaga dawlada cusub.

  5. Mohamed Jamaac says:

    the live mr xasaasi, chief of Musug Police of Puntland

  6. kenadiid says:

    walaal layaal dhamaan bulshada reer puntland waan idan salaamay marka xigta waxaan idiin sheegayaa inaad isku tashatan sida maanta reer galkacyo isagu tashten oo aysan dawlad wax uuga sugayn amase uuga baah nayn haday tahay sugid amni ama dayactir magaalo waxaa maanta suganaya amaan kooda ama kashaqaynaya quruxda magaaladooda waa shicibka iyo duqooda iyo gudoomiyahooda oowada shaqay naya marka waxaa looga baahan yahay dhamaan magaa looyinka puntland inay kudaydaan walaalahooda reer galkacyo oo runt kudayasho mudan soona bandhigay in wax laqabsan karo iyadoon maamul iyo hay ado waxlaga sugin maantana waakaa magaalada galkacyo noqotay magaalada ugu qurxoon puntland iyadoo dhamaan ladhireeyay jardiimo iyo meelo lagu nasto loosameeyay iyadoo loo marayo habka iskaa wax uqabso aloow pulshada reer puntland hormari danbigoodana dhaaf