Waxaa habeenkii xalay ka dhacay caasimadda UK ee London xaflad si weyn loo soo agaasimey taas oo lagu xusaayey rabbi ha u naxariistee Cali Xassan Cali (Barduura) oo ahaa ninkii u danbeeyay xaga nolosha 13 halyey ee u soo halgamay xornimada Soomaaliyeed.
Xafladda ayaa ka dhacdey Jaamacadda London ee ku taala bartamaha London, waxaa ka soo qaybgalay Soomaali aad u faro badan kuwaas oo isugu jirey qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana buux dhaafey dhamaan kuraastii goobta taley iyada oo loo ogolaadey, dadkii fadhiga waayey in ay istaag uga qaybqaataan.
Ugu horeyntii waxaa shirka furey Dr.Cabdiraxmaan Cunaaye, waxa uu marti sharaftii shirka ka soo qaybgashey ku soo dhaweeyay madasha, waxa uu ka sheekeeyay muhimadda shirka iyo in loo fadhiyo xuska halyeeyadii rabbi sababta uga dhigey in ay ka dulqaadaan Soomaalida heeryadii guumeysiga.
Dr. Cabdulqaadir Jasiira oo ahaa xiriiriyaha shirka ayaa soo bandhigey qaabka xafladdu u soconeyso, waqtiga la haysto iyo muhimadda la doonaayo in la gaaro, waxaana uu ugu horeyn xafladda ku bilaabey maadaama aynu nahay dad muslim ah in Qur’aanka lagu furo wacdina goobta laga soo jeediyo, waxaana uu tinaagadda (Mikrofoon) ku soo dhaweeyay Eng. Cabdulqaadir Faataxo, oo halkaas wacdi kooban ka soo jeediyey, waxaana uu u duceeyay dhamaan halyeeyadii Soomaaliyeed ee u soo dhiidhiyey xornimada qaranka Soomaaliyeed.
Waxaa durbadiiba la guda galay muhimadda shirka waxaana khubadii u horeysey qaatey Mudane Maxamed Jaamac Dhigicdhigic oo ah siyaasi hore isla markaana la soo shaqeeyay inta badan halgamayaashii SYL.
Dhigic dhigic ayaa ka waramay taariikh nololeedkii Halgame Cali Xassan Cali (Barduura), waxa uu sheegay in uu jirey 18 sano maalintii uu ku biirey ururkii SYL, waxa uu kamid ahaa ragii ugu cad cadda ururka, mudadii la haystey nidaamkii daakhiliga waxa uu, waxbarashadiisi ku soo dhameystey dalka Talyaaniga kadib waxa uu ka soo shaqeeyay, dalka Maraykanka halkaas oo uu ka hawl bilaabey safaaradda Soomaaliya, Sidoo kale waxaa uu ahaan jirey safiirkii Soomaaliya u fadhiyi jirey dalkii Midowgii sofiyeytiga USSR, meelaha kale oo diplomaasi ahaan uga shaqeeyay waxaa kamid ahayd Addis-ababa.
Intaas ka dib waxaa hadalka la wareegay Cali Boolaay oo ah nin ku xeeldheer taariikhdii xornimo doonka Soomaaliya isla markaasna ah nin wadaniyaddu ay ku dheertahay. Cali Boolaay ayaa tilmaan guud ka bixiyey aabayaashii xornimada Soomaaliya, waxa uu ku tilmaamey dad gobolo iyo meelo kala duwan ka soo jeedey kuwaas oo aasey qabyaaladdii iyo abtirsiinyihii, waxa ay ahaayeen dad is aaminey, Iyaga oo aan ahayn dad aqoon badan ayey sameeyeen ururka waxayna isla sanadkaas qoreen Pettention.
Cali Boolaay ayaa sheegay in aysan ahay dadkii Soo halgamay 13 dhalinyrada ah keliya ee ay la shaqeeyeen odoyaal iyo haweenkii Soomaaliyeed, Halgame Cali Boolaay ayaa ka xusey guulihii waaweynaa ee ay gaareen Leegadu shirkii uu ka qaybgalay Rabbi ha u naxariistee halgame Cabdullaahi Ciise waxaana ka mid ahaa wefdigiisi Xaaji Maxamed Xuseen, shirkaas oo ay ka sheegeen in midnimadda Soomaaliya muqadas tahay isla markaasna la dhawro iyaga oo u doodaayey shanta qaybood ee Soomaaliya loo qaybiyey.
Ugu danbeyntii Cali Boolaay ayaa sheegay in maanta ay nasiib xumo tahay in xornimaddii dhibta loo soo maray maanta ged dheer lagu laaley isa markaasna wax kasta lagu xasuusan karo la tirtiray.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadley Cumar Altezo oo ah nin wax badan ka og taariikhda Leegada Cumar ayaa sheegay in taariikhda uu hayo ay ka soo bilaabanayso sanadkii 1948-dii, waxa ahayd wax lala yaabo dhalinyaro aad u da’a yar oo qabatey shaqo aad u culus ama dal dhan gumeysigii ka qaadey, gumeysigii ugu xumaa ee reer Yurub ayaa inaku soo beegmay, dadka waa la adoonsanaayey, beeraha ayaa lagu falaayey waana la dili jirey waxaana gumeysiga ugu daran ka dhacay koonfurta iyo dhulka beeraha leh.
SYL waxa ay dadkii ka saareen abtirsiinyihii qabyaaleed xitaa dariiqooyinkii diimeed ayey mideeyeen ayuu yiri mudane Altezo. ugu danbeyntii Altezo ayaa sheegay in maanta halka ay Soomaali taalo ay tahay mid aad looga xumaado isla markasna aynu nahay dawladda qura ee xornimada qaadatay 1960 ee aan maanta dawlad lahayn.
Cali Jarmal oo kamid ah odoyaasha waaweyn ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka UK ayaa goobta ka sheegay, in maanta ay tahay maalin murugo isla markaasna aysan mudneyn wax farxad ah sababtuna waa halka maanta Soomaali taalo, waxa uu ka codsadey ka soo qaybgalayaashii in ay u duceeyaan halgamayaashii, isla markaasna loo kaco sidii Soomaali loo bad baadin lahaa.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadashey gabadh la yiraahdo Sakiya Xuseen oo katirsan ururka HANOOLAATO gabadha oo ardayad ka ahayd halka lagu qabanaayey xafladda ayaa soo jeedisey hadal yar oo kooban waxayna ku muteysatey sacab aad u faro badan, hadalada xikmadda lahaa ee ay goobta ka sheegtey ayaa waxaa ka mid ahaa in dadku ay dhintaan hal mar laakiin ay jiraan dad labo jeer dhinta, qofku haddii uu aragti keeno oo uu dhinto isla markaasna aragtidiisi ka daba dhimato miyaanu laba jeer dhiman ayey dadkii weydiisey iyada oo tilmaameysa halka Soomaali taal.
Sakiya Xuseen ayaa sheegtey in ururkooda HANOOLAATO uu la mid yahay kii SYL ay yihiin dhalinyaro u istaagey mideynta Soomaaliya iyo soo celinta xornimaddii gebiga ka laad laada, waxaana qabaa ayey tiri in aan ka wanaagsanahay dhanka aqoonta waxaan qabaa in aanu sarayno ayey tiri, iyagu rag un bay ahaayeen ee anagu gabdho ayaa ku jira oo weliba hawsha kala wada. Kadib waxa ay goobta ka akhrisey gabay ka hadlaaya midnimada, siksataba ha ahaatee Sakiya wacdaro ayey goobta ka dhigtey.
Halgame Xirsi Xaaji Jaamac ayaa kamid ahaa masuuliyiintii halkaas ka hadley, waxa uu sheegay maalintii uu ku biirey SYL in uu ahaa 15 sano jir uuna diiwaan gelinta ka galay lanbarka 3000, waxa uu sheegay in uu weli aaminsan yahay fikradii SYL ilaa iminkana u dhaarsan yahay, waxaana uu ka tacsiyeeyay xaaladda Soomaaliya maanta ku sugan tahay.
Ragii goobta hadalada qiimiga badan ka jeediyey waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Siciid Cali Shire oo ah aqoonyahan iyo qoraa, waxaana uu si cilmiyeysan uga hadley ururkii SYL, Xildhibaan siciid ayaa sheegay in marka laga hadlaayo Leegadii aan xaqooda la siin waana la dulmiyey, waxaana haboon in looga hadlo urur ahaan, hadii looga hadlo urur ahaan lagama hadlo dadkii asaasey ee ururkaas ayaa laga hadlaa himilooyinkiisa iyo waxbqadkiisi.
Ururka waxqabadkiisa waxaa laga eegaa sadex meelooda:
1- Ujeedooyin mideysan
2- Xirfado kala duwan, iyo
3- Sida ay isugu kalsoonaadaan, waxaana halgankoodi soo afjarmey dilkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Dr.Cabdirashiid Cali Sharmarke, sidaas waxaa yiri Xildhibaan Siciid Cali Shire.
Dadkii kale ee goobta ka hadley waxaa kamid ahaa Nuuradiin Adan Diiriye iyo Khaliif Ashkir, waxayna si guud uga hadleen, xornimada iyo waxqabadka dhalinyarada, looma baahna in la xuso oo keliya ee waa in lagu deydaa oo la sameeyaa wax ka wanaagsan wixii ay qabteen sidaas waxaa yiri Nuuradiin Adam Diiriye oo ah siyaasi dhalinyaro ah, kana mid ahaa musharaxiintii u tartamay jegada Madaxweynaha Puntland.
Kadib intaa waxaa goobta ruxey oo dadkii sarakiciyey fanaanada weyn Maryan Mursal Ciise, waxayna halkaas ka qaadey heeso wadani ah iyada oo sheegtey in Soomaaliya la qabsan doono, waxayna sheegtey in ay Soomaali kudaashey.
Ugu danbeyntii waxaa abaal marin la gudoonsiiyey qaar badan oo oo ka mid ah dadkii soo qaban qaabiyey xafladda iyo qaar kale oo kamid ahaa halgamayaashii Leegada, waxayna xafladdu ku soo dhamaatey jawi wanaagsan.
Horseed Media
TO Baashi
Maxey hanoolaato u sameeyeen dadka reer Puntland bal sida aad isu been fariimeyso eeg sow ma ogid in ururkan eysan aamisaneyn Puntland mida xigta dadka shirka qaban-qaabiyay anigu ma aqaan balse sida sawiradan iiga muuqda waxaa meesha buuxa dadkii reer Puntland marka bal marka hore iska hubi erayada aad isticmaaleyso, waxaan kaloo la yaabey PDF iyo Hanoolaato sida aag isugu xijisey, nin war haya ma ahid ururna waa urur ka shaqeeya horomarka Puntland midna waa mid ka shaqeeya Bur-burka Puntland oo aaminsan in Puntland ey sameysatay Ethopia oo shirkii Garow 1998 ka dhacey ey aamisan yihiin in Xabashi sameysatay marka ninyow waad huradaa ee meeshan hala iman warkii Somali Concern Group
Hanolato ururka PDFwexe subeyen waxe so noleyen somalinimadi hooyo wa dad fican alalah karab koda buxeyo
To Hibaaq aadan Iidle
Walaal-shirkan aad xustey ma maqaaxida Iimaan baa lagu qabanayaa waa nasiib daro in Jaaliyada Puntland ey ku shirto maqaaxi dad-kale dhageysanayaan war waa nagu ceeb inaad maqaaxiyo fariisataan ee hall kireysta.waxaan rabey inaan ogaado talow PDF wali majirtaa maxaa naloo yiri waa la-kala direy oo guddi cusub baa la doortey hadaan nahey Jaaliyada Puntland ee Heyes waxaan lee-nahay qolyaha isku-haya hogaanka PDF/London hishiiya oo cida dadka-wax u qabaneysa eynu taageerno oo inaga daaya shaqsi jaceylka iyo xulufeysiga Midnimo ayaan uugu baaqayaa dadka Puntland.
hadii aan rabo ka mid noqoshada ururuka PDF sidee u join garayn karaa anoo degan uk dadkeyag waxaan siin lahaa talooyin wax ku ool ah, sidee ku heli karaa talefanka xubnaha kuwa bermigham ama london sida c/wali ama feysal waxaa la joogaa xiligii aan u lobin garayn lahayn puntland iyo dadkeeda tabaalyeysan. fadlan aan isla socono bulshooy waana iman doonaa shirka c/wali gudoojmiyuhu uu xubnaha ku arki doono sabtida fiidka, laakiin anoo xubin ahayn ma iman karaa ?
To Amran
Walaal xubnaha aad xustey maxaad kaligood u salaantey timir laf baa ku jirta maxey Puntland u qabteen, amaanta waxaa mudan cida dadkeena wax u qabata anigu qof gaar ah ma oranayo hebel baa maanta istaahila balse waxaan la yeebey sida aad u amaantey 2,ruux anigu waxaan kamid ahey jaaliyada London mana arag labada ruux oo wali u wada Puntland mashaariic amase horomar marka hadaan dadka reer Puntland nahey eynu ku amaano dadka waxtarka iyo horomarka ey ka shaqeeyaan ee yaan loo amaanin oo kaliya waad is-taqaanan amase isku qabiil baa tihiin
Mar-labaad raali ahaada haduu qoraalkeygu noqdey mid canaan ku dheehan tahay
gudoomiye c/wali waa ku salaamay, runtii waa xaflad qurux badan, waxa ii muuqda xubno badan oo muhiim u ah jaaliyada soomaalyeed/puntland ee UK….ILAAHYAY ha u naxariisto marxuum cali barduura…
puntland diaspora foroum walaalayaal guuleysta—–c/wali a.dayib iyo dhamaan inta kale ee meesha ka muuqata
waxaan lee yahay dadka reer puntland ee uk u dadaala dalkiina sidii wax ugu qaban lahaydeen
Waxaan tacsi u dirayaa dhaman ehalada Cali Barduuro, tacsida kadib sida walaalkeen Bashiir Geeldoon yiri ururkan Hanoolaato ma aha mid wadani ah ee waa urur lagu doonayo in xilal Siyasadeed lagu helo sida caadada ka ah masraxa Siyaasada Soomaaliya marka waxaa haboon ineynu kala garano cida Soomaaliya wadaniyadeeda xanuunka ku heyso
Waad saklaaman tihiin, waxaan aad ugu mahadinayaa inta ku hawlan kor u qaadida magac umada Soomaaliyeed
mahadsanidin
To Talaabo
Ururka PDF,London hogaankisi waa kala tageen imka ayaan maqley in la dooran doono hogaan cusub marka bal horta u kaadi dadkan aad leedahey hebel iyo hebel ayaan salaamaya dadka ha isku dirin oo hakala dhex-dhigin dab iyo fidno
To Samiyo Puntland
Horta walala aan ku saxo, ururka Hanoolaato Puntland ma aamisana waxa ey ka aamisan yihiin meel Amxaaro dhisatey. Mida xigta Hanoolaato ma aamisana Federal system sidaa darteed adigoo magaca Puntland wata ha taageerin qof aan kuu ogaleyn nolol iyo horomar, hadii aad ka shaki qabto hadalkeyga akhri axdi qarameedkooda dadka reer Puntland yaan lagu qaldin Soomaalinimo iyadoo wax waliba ey leeyihiin ( Record )
waa xaflad qurux badan, waxaan halkan uga mahadcelinaya dadkii soo diyaarshay.
sidoo kale waxaan salaamayaa horseeemedia. cali barduura geesi buu ahaa waana run…
salaam———xubahana PDF EE UK waan ku faraxsanahay howlahada ay wadaan waana salaamayaa raga aan meesha ka arkay ee uu ugu horeeyo gudoomiye c/wali iyo a.dayib iyo raga kaleba
alaha u naxariisto cali barduura
gudoomiye c/wali waa ku salaamay, runtii waa xaflad qurux badan, waxa ii muuqda xubno badan oo muhiim u ah jaaliyada soomaalyeed/puntland ee UK….ILAAHYAY ha u naxariisto marxuum cali barduura…
puntland diaspora foroum walaalayaal guuleysta—–c/wali a.dayib iyo dhamaan inta kale ee meesha ka muuqata
Hanoolaato runti, Somalinimidii ayeey Sooo dhooleeyeen ilaah ha garab galo. OO somali ilaah ha isku keeno puntlandna haka dhigo kuwii calanka baluuga ah kor u haya.