Dahabshiil
Golis

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland oo ka warbixiyey Safar uu ku tegay dalka Indonesia(Sawirro).

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Dowladda Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay Safar uu dhowaan ku tegay dalka Indonesia ee Qaaradda Asia.

Isagoo maanta Shir Jiraa’id Saxaafadda ugu qabtay Xafiiskiisa ku yaala magaaladda Bosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayuu ku sheegay in uu safarkaas uu yimi ka dib marki ay Casumaad ka heleen Wasaaradda Ganacsiga ee Dowladda Indonesia oo Casumaad uu fiidisay Wasaaradda Ganacsiga ee DFKM ah iyo weliba Rugta Ganacsiga ee Puntland.

Waxaana uu sheegay in uu kulamo dalkaas kula qaatay masuuliyinta Wasaaradda Ganacsiga ee Dowladaas, Ganacsatadda iyo weliba Iskaashatooyinka oo ay ka wada hadleen Xiriir dhanka Ganacsiga oo ay wada yeesheen.

Wuxuu sheegay in Kulamadaas ay wada ahaayeen kuwa inta badan diiradda loogu saarayay sidii la isku xiri lahaa Ganacsiga uu dhaxeeya labadda dal.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ganacsatada Reer Indonesia ay aad uu daneynayaan in ay Warshad samaysa Suufka laga furo degaanadda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Puntland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay labada dhinac isku afgarteen in ay iskaashi dhanka Ganacsiga ay wada sameyaan.

Inta uu ku sugnaa dalka Indonesia ayaa waxaa uu Gudoomiyaha Booqasho ku kala bixiyey Shirkadaha iyo Warshadaha waxyaabaha kala duwan soo saara,iyadoo ay ka mid ahayd Warshada Saliida soo saarta.

Ugu dambeynti waxaa uu sheegay in Rugta Ganacsiga ee Dowladda Puntland ay mustaqbalka damacsantahay in ay ku talaabsato Horumar aad uu balaaran oo dhanka Ganacsiga.

Tani ma noqonayso markii ugu horeysay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Dowladda Puntland uu Socdaal shaqo ku tego dalalka dibaddiisa, iyadoo hore uu booqasho ku kala maray Wadamadda Itoobiya iyo Yemen.

Daawo Sawiradda Socdaalkiisa dalka Indonesia;

Maxamed Cabdi Xuseen(Kuuriya)
Horseed Media
Bosaaso,Soomaaliya.

RELATED STORIES

7 Responses to “Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland oo ka warbixiyey Safar uu ku tegay dalka Indonesia(Sawirro).”

  1. muuse says:

    masha allah puntlnd hanoolaato
    g.miyaha rugta ganacsiga p/land waa ku mahadanyahay dadaalka uu wado waa horumar wax ku oola sxb dadaal ani magacaaga ma aqaani lakin dadaalkaga ayaa i bari doona
    dadka rer p/land sida ninkaas haloo dadaalo nin kastow dhinacaaga wax ka qabo dalka loo simane
    ganacsiga pl wa xor ee monopoly mahan sida somaliland oo kale 4 ganacsade kaliya aya dalka haysta lkn inaga wa xor marka hallaga faidaysto
    nabadana halla sugo si horumar loo gaaro iyo baraare

  2. wa salamaya bahda horseed madia marka xiga waxan u mahadcilaya mahad dhamanteed alle baa iska lehe rugta ganacsiga puntland iyo maamulaheeda maxamed xayir waxan leeyahay waad dadaashay mudane dadaalkaaga sii laba jiraab oo halkaas ka sii wad ogowna waxa aad u shaqaynayso waa dalkaaga iyo dadkaaga aad wax usoo baratay thnks again

  3. Eng Sagac says:

    well done dr mohmaud hayir haji, hawlo qaran aya qabatay, una haysah ummada rer puntland, we are pround of u, haka daalin, ilahayna hakula garab galo.
    waxaaa loo bahan yahay, ganacsigah puntalnd in kor u qaadan, hadda tihin rugta ganacsigah puntland. teeda kale dawlada yaysan soo dhex galin, arimaha ganacsiga waa in ay ka madax banan tihin taasa horumar ku gaari karnah, waa in an helah free trade wax la dhaho, canshuurla la dhimah my idea.
    india,

  4. Wadi_Puntlander says:

    Ascm marka hore waxaan salamayaa dhamaan bahweynta saxafada horseedmedia inta kadib waxaan lehay Dr.Mohamed Xayer gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland waxaad kutalaabsateen howl waxqabad iyo bilow horumareed ah waan arin loobahan yahay waan waajib saraa rugta ganacsiga iney balariyaan howl-qabadkooda waan wax lagubogaadiyo waxaney muujineysa in qofkasta oo dhalinyaro oo aqoonyahan rer puntland ah uu diyaar iyo waxqbad u horaayo dalkiisa hadii loodaran laha booska ku haboon cida ku haboon mahadsanidiin waan ku hambalyeyna Gudoomiye wadna mahadsantahay

  5. siyaad says:

    weldone, hope to be the next president pl.

  6. HEER-SARE says:

    howl wanaagsan ayaa qabateen laakiin

    “Rugta ganacsigu waa in ay isticmaalan calanka PUNTLAND”

  7. bvnv says:

    good job