Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Puntland oo si kulul uga hadashay Mudaharaadyadi ka dhacay Laascaanood (Dhageyso)

Dowladda Puntland ayaa maanta si kulul uga hadashay Mudaharaadyadii rabshadaha watay ee ka dhacay Magaaladda Laascaanood ee xarunta u ah gobolka Sool maalinimadi shalay ee Sabtida ahayd iyo talaabooyinkii uu qaaday Maamulka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Puntland C/xakiim Axmed Guuleed oo Shir Jira’id ku qabtay Magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland maanta ayaa si kulul uu cambaareyey talaabooyinki ay Ciidanka Maamulka Somaliland ay ku xir xireen dad rayid ah.

Dhegayso Warkii Wasiirka Warfaafinta C/xakiim Axmed Guuleed

Waxaana uu ku eedeyey Maamulka la magacbaxay Somaliland in ay Ciidankooda ku amreen in ay xadgudub uu geystaan dadweynihii samaynaayay Mudaharaadka, iyadoo uu ku tilmaamay in ay ku dhaqaaqeen falal ka dhan ah Bin’aadanimada.

Wasiirka ayaa sheegay in ay si xoog ah oo fool xun ay kula dhaqmeen dadweyne dhigaayay Mudaharaad ay ku soo bandhigaayeen Shucurtooda, isagoo sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay ay ku dhaqaaqan Ciidanka maamulka Somaliland falal caynkan oo kale.

Waxaana uu ugu baaqay Beesha Caalamka iyo Hay’addaha uu dooda Xuquuqul Insaanka in ay si deg deg ah arintaan wax uga qabtaan isla markaana ay la xisaabtamaan Maamulka la magacbaxay Somaliland.

Wuxuu xusay in Maamulka Somaliland ay xaq uu leedahay in ay sugto Amnigeeda iyadoo aan ku xadgudbaynin Shuruucda Islaamka iyo kan Caalamiga, isagoo sheegay in dhamaan Sharuucdaas ay ka baxeen.

Ugu dambeyntii sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Maamulka Somaliland in ay si deg deg ah xabsiyadda kasoo si daayan dadweynaha rayidka ah ee qeyb ka ahaa Banaan bixi ka dhacay Laascaanood.

Horseed Media

RELATED STORIES

29 Responses to “Puntland oo si kulul uga hadashay Mudaharaadyadi ka dhacay Laascaanood (Dhageyso)”

  1. dangarad says:

    waxaan idiin sheegayaa 2010 bisheeda 4aad inaysan sii joogayn isaaq laascaanood hambalyo reer daraawiishland

  2. dangarad says:

    teeda kale puntland iyo somaliland dambe ka socon mayso gobolka sool sanaag iyo cayn sababtoo ah meesha waxaa ka dhacaya isbedel aad u balaadhan oo ah darwiishland dhulbahante midow saxarkii baxyoo samaatay

  3. dangarad says:

    sida ugu dhakhsiyaha badan ayay uga baxayaan isaaq iyo gadibiirsay gobolka sool ee caasimada laascaanood markaaa ha u fadhiyina inay sii joogaan dadkaasi laascaanood waxaana ka saaraya halgamayaasha udhashay laascaanood geliya yadoo aan cid kale loo doonin iminkana gacmaha ayaanu is qabsanay kii ka nixi lahaa iyo kii ku farxi lahaaba you andrstand

  4. jamaal says:

    All Salamu aleykum

    Den, Waxa weye in wax dadkii lahaa rabaan majoritygoodu laga dooda Mahan iniimana ficna Waqtiga inaad iska dhumisaan moyee wax Result-ah Oo aad ka heleysaan Majirto Anuu waxaan ahey nin reer p/land ah xaqiiqdii Waliba reer Bosasod ah S/p degenan jirey xafada New bosaso ,

    niman yohow Marki aan ka hadlayo arinta walaaleheen, Beesha Dhulbahante waa arin lagu wareerayo B,coze Dhulbahnte inaty racsan oo donaya Mumulkas isaaq 1%95 ayaa racsan maxaa soo harey shan shantaas Dowlada Puntland ayeey adecsantahay
    Waan jeclahay walaalahayga Dhulbahante waana ka damqadey wixii malintii dhoweyd ka dhacayey Lascanod But Maxan ugurmanaa iyagii ayaaba inta badan raacsantahay

    Marka waxan leyahay Dhulabahantaha Dhulkisa ibasadayoow hade waa inta cali sandule oo kale ah Pls ka damqada waxa ka dhacaya Gobalkinii iyo magaladini iyo Tuloyinkinii iyo dadkinii

  5. kkkkkkk aad ayan uga xumahaay cabuurin taaa lagu hayo lascaanod ey ku hayan dolada beeshaa qisaaq kkkkk in shalah wey ka saraay hal gabayashaa uu dhashaay puntland sii dag dagaah ayaa loga sare bahal hiig ladaa lascanoh wasirku naaha waxa uu ka hadlay waaa ruun

  6. wiil qoryacad says:

    soomali qabyaalad baa u cad. meesha wax kalaa ka socda. labada maamulba adis ababa bay hoos tagaan. in somaliya la qayb qaybiyo baa socota claahi yusuf cade iyo faroole arintaan waa og yihiin, marka beri maqla pland oo ku dhawaaqday gooni isu taag. idina weligiin harti ku haya

  7. Dr Deyib Dr Guuleed says:

    Hadalkan waa mid aan munaasab aheyn waana gaf balse hadaan nahey shacabka Puntland waa mid aan ka xumaaney waana mid aan u qalmid walaaladeen hadaba maamulka faroole horey ayaan uugu ogeyn habac-sanaanta Laascaanood waxaa muhim in dadka Puntland daga ey Laascaanood u gurmadaan sidoo kale taageeraan garaadada SSC oo ah garaadadeena waxaan qabaa inaan iska ilowno maamulka tabarta daran oo aan awoodin inuu xataa si toos ah u cambaareeyo falalka wax-shinimada ah ee laga wado Laascanood Faroole markuu doorshada ku jirey Laascanood ayuu ku af-gobaadsan jirey maantana waa aamusey balse taariiq ayaa qormeysa ninkii ka hara Laascanood isagaa ku dhib-qaba anagu hadaan nahay shacabka beeshada Daarood Laascaanood waa lama-taabtaan waana dhul daarood qabiil qabiil kuma duuli karo

  8. waxas oo dhan waxay ku socdaan waxa ka shaqeeya

  9. hargeysa says:

    waxa weeyi reer puntland hayska daayeen aflagaadada iyo gardarada
    waxaann hanbalyeynayaa maamulka puntland gaar ahaan madaxweyne faroole oo laascaanood ka hadhay

  10. as calaykum codsi ku socda maamulka horseed qoraalada aan soo qoro maxaa loomasaxaa mawaxaad didan tihiin runta aan kahadlo

  11. Runsheeg says:

    Shacabka reer laascaanood oo mudoba ku noolaa nabad iyo reynreyn qaska halaga daayo, reer laascaanood ha is barbar dhigaan nabada iyo horumarka kajira dhulkooda iyo xiligii mugdiga ahaa ee reer SSC qabiil iyo aarsi ka jirey waa xilligii puntland e.
    hadaba nin aan idiin xiri doonin yuu idiin furin,waxaa lagu gorgortamaayo waa idinka reer SSC, waxa la rabo waa in xadkii lagu celiyo adhi-cadeeye taasoo ah wadnihii dhulbahante ah, marbana dhinac la`idiin dhaadhaafo maxaa faa`iido ah.
    walaahi faaìido majirto oon aheyn qasaaro iyo shaqsiyaad damiirlaaweyaal ahoo la doonayo in lagu naas nuujiyo.

  12. Guuleed says:

    Ascwrwb wa yaaab Jaale Wasiir meel hoo u Baahan Hadal wax mataroo e ama ka indho Qarsoo waxa foosha xun e Lagu hayoo Reer laascanood ama Guluf Ficil ugu jawaab wamaxaay waan cambareenayaa meesha ma mauul cambareeyn kala jeceel ba haysta waxaa haysa waxaweeye nimankan naqaneey e Gabadha Zamzam xabsiyada kuhaystey Sannada badane e Oordo kaca o riida xabadda wa intasaad dhiman weeydaanee

  13. Wadani says:

    waxaa ka soo haray puntland Diyaasbare lacag aruursanaya, waxay oga yimaadeen yurub waa lacag in ay aruursadaan, ma dal in ay xoreeyaan iyo in ay iska dhiciyaan cadowgooda bay doonayaan, se ninkan ma ogtihiin in siyaad bare uu u xiray lacag uu bangiga ka dhunsaday, anaguna xukun baan u dhiibanay. waa kaaf iyo kala dheeri in uu laaska xoreeyo. iska samra reer laaskow waxaan idin tusi doonaa adinkoo ka talinaya hargaysa oo wax la idinka waydiinayo soona xir xiri doona iidoorka.

  14. mulki says:

    somalidu axay tirahda niman shani kaa reebin sharci kaama reebo

  15. qaali says:

    salaan dhamaan .maamul puntland hadi sidaan wax ka badali waayan .waxay aniga ila tahay in qabiil walbaa sameeysto gudi iyo mamul hoos taga dowlada ku shaaga puntland ka dibna .reer kii dhiig leh oo ka danqanaya dhibaatada aargoosashada ah ee lagu hayo tolkeen dhulbahante ciidan u hiiliya u diraa ,waayo dowladii waa baqaysaa .dano gaa bay ilaashan , dantii guud waa dayaceen. baryo iyo calaa calkana please in la iska aamuso baa igala sharaf badan . canbaarayn wax dhiba ah uma arkaan waa qbiil aargoosasho ku jira somaliland cid aqoonsan ma jirto caalamka waa ogyahay in uu qabiil goostay yahay sababta u goosteena waa nsacayb daarood.

    BUUBAa oo somaliweeyn xildhiban ka soo noqday iyo qar kalo badan toogashaad tiriye cid wax ka sheegi karta ma jirto waxaan waa cadaawad iyo aargoosi
    ninka maxkamada burco ku xukuntay dilka oo danbi looga dhigayo maxad uga qayb gashay shirkii horsed e tolkaa waxaan u arkaa sheeko odayaal iyo qabiil salka ku haysa wax dawlad la yiraahdo kama jirto meeshaaas . odayasha dhulbahante iimaanka beelay oo tolkeed cadowga u jabiyeyna waa damiirlawayaal taariikh madoow bay darod u so hoyeen .

  16. Ishwaaq says:

    Asalamo Calaykum
    Waxaan oran karaa wixii malintii dhowayto Laasacanood ka dhacay wuxuu ahaa wax fool xun oo aad looga naxo in dumar iyo Caruur caynkan loola dhaqmo ma wanagsana.
    marka Maamulka Puntland waxaanu leenahay hadanu nahay shacabka Reer Puntland Dhaleecayn laydinkama baahna e waxaa laydinka Baahan yahay in aad Xoraysaan Gobolka Ragan Asaagiin ah baa Haysta oo Sidaad u gelaya Shacabkinii.

    Alla Mahad leh

  17. Hassan says:

    Waa arrin laga xumaado hadalka wasiirku in uu cambaareeyo keliya,
    waxaa la rabay in uu tilmaamo in ay Gobolka xoog ku haystaan, ayna waajib tahay in ay ka baxaan, wuxuu ku khaldanaa in uu yiraahdo xaq ayey u leeyihiin in ay amnigooda ka shaqeeyaan, sababtoo ah meel ay sharci darro ku joogaan amnigooda kuma ilaashankaraan,

    waxaa kale oo la rabay in uu tilmaamo qorshaha Puntland ee kaga aadan gobolka ee ah in laga saaro Somaliland, iyo in uu dadka reer Sool ku wacyi geliyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeel in culayska ay Somaliland ku hayso laga dulqaado.

  18. gudoonshe says:

    salam.sxbayal marka hore waxan kutalin lahaa necaybka dhiiga islamka siiba ka somalida dhexdeeda hadii qofkii gala ama ciidankii gala godob sokeeye isagay utaalaa,hadii laga tagi waayo oo arrinta aad kadayn waydaan qoloqolada dabcan garoowaa duhur cad lagalayaa illeen waala kala awood roon yahaye.

  19. Dr, qurac says:

    Marka hore Assalaamu calaykum, Marka xiga dhibaatada haysata reer laascaanood ma aha Puntland ama Somali land. Dhibaatada taagan waxaa ka mas uul ah dad siyaasiyiin isku sheegaya kana raba inay madax u noqdaan dadkooda Mustaqbalka, una arka dhibka, cadaadiska, xarigga iyo dilka dadkooda inay ku badashaan jago uu ku maga caabo Riyaale. Sida kaliya ee dadka reer laas caaanood loo kaalmayn karo ama xoriyaddoda u soo ceshtaan, waa ayagoo garta kana gudba jifa jifada aragtidoodana mideeya cadawgoodana iskumeel uga soo jeesta.

  20. Dahir Mohamed says:

    War reer sool,mid uun baa la guboon,in ay difaacaan sharaftooda,horaana naftooda.reer puntland,waa la wadaagaan magac xumade waayo,waa dad walaala ah,waxaase loo baahanyahay in reer sool oo tiro iyo tayaba leh in ay heeryada iska tuuraan,shaki ku ma jiro,in beelaha SNM ta si dhaqsiya ah,loogo celin doono meeshii ay ka soo duuleen.maantay waxa loo baahanyahay ficil dhab ah iyo abaabul,guluf lago jabiyo beelaha SNM ta ah ee duulaanka ku qabsaday Las caano.waa in aysan abid ku hamin in ay dhulka reer sool,waligood ku soo gardaroon.waligeedba way dhici jirtay in,in laga faa’iidaysto,reerkii uu khilaaf u dhxeeyo,maantay waxay joogtaa,dhowrista magaca reer sool iyo puntlan guud ahaan.waa in dadka soo duulantagay ay fahmaan,qiimaha ay ugo kici doonto gardarada ay sameeyeen.

  21. mohamoud says:

    Waxaas waa liidnimo ee waxaa loo baahan yahay in hadanu nahay reer puntland in aynu ogaano waxaa dan inooha in walaalaheen laysto hadan haday danteena tahay aynu dayno hadiike waxaa loo baahayayay in aynu somaliland laga sooro laascaanood

  22. m ali says:

    waa nasiib daro hadalka c/xakiin a/guuleed,wasiirku wuxuu yiri somliland waxay xaq u leedahay in ay sugto amnigeeda balse maahan inay ku xagudubto xuquuqul adanaha.wasiirku muu sheegin in maamulka somaliland uu xadgudub iyo khasab ku haysto laascaano”
    wasiirka haloo sheego qadiyada laas caano marka hore,

  23. Dahir Mohamed says:

    Waa taariikh,cusub in gobolka sool,oo ay deegaan ahaan leeyihiin,beel ka mid ah beelaha ugo taariikh dheer,uguna gobanimo iyo sharaf jecel qoomiyada,soomaaliyeed ay hoose tagto,beelaha ku abtirsda SNM ta,oo u taagan in ay somalia kala dhantaalaan,beelaha la dariska ahna ay xoog ku muquuniyaan,ciddii diida figradooda,ku dhisan qabyaalada iyo kala gooyntana ay xoog iyo xookun qasab ah ku soo rogaan,maantay inta laga gaarayo,dowlad ay u dhanyihiin,soomaalida oo dhan waa in beel walba ay ku ekaataa,deegaankeeda ciddi aan iska daaficin,gardarada iyo kibirka beelaha kale,waxaa u danbayn waxa maantay ka taagan geyiga sool.waa sharafdaro iyo duudsi aan sinaba loo qaadan karin,tan ugo wacan reer sool meesha ay maantay yaalaan,waxa weeye iyaga oo noqday qayb ka mid ah in ay la saftaan,reeraha SNM ta ku abtirsada.waxa loo baahanyahay in guluf lagaga saaro beelaha soo duulay iyo xulufada la socota ee ka tirsan,beellaha reer sool.maantay ma joogto,in la yiraahdo waxa meel looga dhacay xuquuda dadka reer sool,walee haddi aan sidii lago yiqiin geesiyadii daraawiishta,aan si buuxdo looga arinsan arintani,waxa ceeb iyo fooxumo dusha ka saarantahay beelaha iska leh sool,iyo puntland guud ahaan.maantay ma jirto beel la haysto oo aan ahayn reer sool.war kaca oo iska difaaca gardarada.

  24. AQOONYAHAN says:

    waxaan halakan kasalamayaa dhamaan reer pl meel kasta ay joogan hadii aan ku darsado ka rayi ahaanteyda waxaan qabaa pl waa kagabisay wax uqabadka reer sool gaar ahaan lascano sababtoo ah hada maamulka cusub wxauu dhisnaa mudo sanad iyo bilo wax hadalhayna lagama hayo waanba yabanahaye dadka noo madaxda ah ma reer somaliland baa mise waa reer pl waa sual meshataal waxaana kajawabaya shacabka ? nabaday reer pl

  25. A. Mussa says:

    Waa wax aad loola yaabo in Wasiirku hadalkiisa ku soo koobo cambaarayn iyo in Hay’addaha xuquuqul insaanku ay wax ka qabtaan arrinta Lascaano, halkii uu ka sheegi lahaa in ay deg deg uga xoraynaayaan dalka ay qabsadeen. haddiise uu u oggolyahay in Soamaliland ay xaq u leedahay in ay amaankeeda sugto
    soow ma ah citiraaf buuxa in Lascaano ay Somaliland ka tirsan tahay, fiiri sida uu hadalka u dhigay ee kor ku qoran?(Wuxuu xusay in Maamulka Somaliland ay xaq uu leedahay in ay sugto Amnigeeda iyadoo aan ku xadgudbaynin Shuruucda Islaamka iyo kan Caalamiga, isagoo sheegay in dhamaan Sharuucdaas ay ka baxeen.)

  26. sheekhunaa says:

    sc wr wb mamulka puntland waxaa la idinka rabaa xoreen gobalka, dhaleeceen wax ma tarayso sababta oo ah waxaa idin haysto nin asaagiina oo kale ah somalia maa ka jirto waxa la yiraahdo xuquuq insaan?marka labo talo midkeed. ama difaaca dhulka puntland hala xoreeyo ama la iska amuuso. ileen isaaq iyo gudobiirse dulaan iyo daandaansi buu wadaa waana tariikh xumo beesho soo marto inuu baryootamo dadka idinla dhashayna sidaa loo bahdilo. wale darood meel xun ayuu ku socdaa haduusan isdaba qaban hawiye isaaq reer xamarka jareer eelay nooc kasta waxaa dhibayso magaca darood xataa ciise djubuti xataa war heeshe dad idinka tiro yar sidee dhulkiina u hawaysan karaa? soo maha dad xuma nimo la idinka arko.war ordoo ka kaca iska dhici dadka ama naga amuusa waxaas waxaa iga keeno sharaf dhaca dadkiina lagu haayo aad is liidaysaan. mahad sanidiin

  27. rooda says:

    waxa loo xir xiraya reer lascanood waxalaku argay waa dowlada reer puntland lakiin waxan oran dowlada puntland gor haysu qaado oo nacabgeed ha iska jirto
    mahad sanidin bahda horseed

  28. Dr. Maroojiye says:

    Waxaas waa laga fiican yahay cambaareen. Ee walalaheena maan u gargaarno reer Puntland. Waa qalad in lagu fiirsado dadkaas sida xun loo galaayo. marka maxaan sugnaa ilaa ay Garoowe ka soo galaan