Waxaa maanta idin soo gudbineyna Natiijooyinka Horyaalada La Liga iyo Serie-A, iyadoona uu isbuucan dhicin wax is badal saas ah marka laga reebo Kooxda Roma oo kaalinta 2-aad Serie-A kali ku noqotay.
Naadiga Inter Milan ayaa usii dhaawaneysa Hanshada Horyaalka Serie-A, ka dib markii ay guul weyn ka gaartay kulankii ay la yeelatay Naadiga Caglier.
Kooxda Inter ayaa haatan 8-dhibcood ka sareysa Kooxda Roma oo haatan boska 2-aad xiratay.
Goran Pandev ayaa Gool aad u qurux badan ku furay ciyaarta daqiiqadii 6-aad, iyadoona Samuel uu goolkii 2-aad ka dhaliyay Kooxda Caglier daqiiqadii 20-aad qaybtii hore.
Markii dib la iskugu soo laabtay daqiiqado ka dib Diego Milito ayaa gookii 3-aad ciyaarta saxiixay,isagoona sidoo kale goolkaan uu ahaa kiisa 14-aad Ee Season-kaan.
Kooxda Milan ayaa u muuqata mid ka sii fogaaneysa Hanashada Horyaalka Talyaaniga ka dib markii ay 0- 0 la dhaafi weyday Kooxda Bologna.
Inkastoo ay fursado badan lumiyeen Ciyaartooda Milan ,haddane uma suuta galin inay ka gudbaan Kooxda Bologna.
Kooxda Roma ayaa so cariirsatay booska 2-aad Ee kala horeynta Serie-A,ka dib markii ay 1-0 kaga soo badsiay Naadiga Fiorantina.
Ciyaartaan oo aheyd mid aad u xamaasad badan aya Naadiga Fiorantina inta badan mamuleysay ciyaarta, laakiin Weeraryahanka Kooxda Roma Marko Vucinic ayaa daqiiqado ka hor dhamaadkii ciyaarta ka dhaliyay Goolka qura ciyaarta ee Naduigiisa Roma ku badsiay.
Kooxda Juventus ayaa mar kale bareejo gashay,iyadona 1-1 la dhafi weyday Naadiga Livorno.
Natiijooyinkii Kale:
Atalanta 1 – 0 Bari
Bologna 0 – 0 AC Milan
Genoa 1 – 0 Chievo
Inter Milan 3 – 0 Cagliari
Lazio 0 – 1 Catania
Siena 1 – 2 Sampdoria
Udinese 3 – 1 Napoli
Fiorentina 0 – 1 AS Roma

Naadiga Barclona ayaa guul muhiim ah gaartay,waxeyna 2-1 ku qaarijisay Naadiga Getafa.
Kooxda Barcelona aya waxaa Garoonka laga saaray oo kaarka cas laga siiyay Gerard Pique iyo Marques, halka Daniel Alves dhawaac ahaan looga bixiyay Ciyaarta.
Weeraryahanka mucjisada ah Lionel Messi ayaa Gool cajiib ahaa kaga naxsaday Kooxda Getafa bilowgii ciyaarta, iyadoona Xavi uu u labeeyay kooxda Getafa ka dib paas wanagsan uu ka helay Messi uu dhasmestiray ka hor intii uusan Soldado goolka qura u saxiin koxdiisa dhamaadkii ciyaarta.
Naadiga Real Madrid ayaa 3-0 ugu awood sheegatay Naadiga Espanyol ka dib ciyaar adag oo ka dhacday Garoonka Bernabou.
Xiddigaha kala ah Segio Ramos, Kaka Iyo Higuin ayaa kla qaybsaday Goolasha Real ay ku badisay.
Kooxda Barc ayaa 5-dhibcood oo nadiif ah ka sareysa kooxda Real Madrid ay kalainta ku jirto.
Ciyaarihii kale Ee La Liga:
Valencia 2 – 0 Valladolid
Barcelona 2 – 1 Getafe
Real Madrid 3 – 0 Espanyol
Almeria 3 – 1 Sporting Gijon
Athletic Bilbao 3 – 2 Xerez
Malaga 0 – 0 Deportivo La Coruna
Mallorca 1 – 0 Villarreal
Osasuna 1 – 0 Tenerife.

Xussen Maxamed Cabdulle (Riiko)
riiko@horseedmedia.net
sport@horseedmedia.net
waxan ahay wiil somaliyed oo jooga libiya gar ahay casimada tarabulis waxan salamayaa umada soomaliyeed mel walboo ay jogto waxan war kabixinayaa dalkan joogo walahayga muslimiin ta ah waxan ushegayaa dalkan unuu yahay dalxun waxan ilahay kabar ya yaa inan kabaxo walalahayga muslimiin ta ah waxan kacod sanayaa iney isoo duceyaan waxan ku dhaa fayaa kheyr badal ee byyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy
waxan ahay wiil soomileyd oo jecel wadan kisa walalaha heena mus limin ta ah waxan kacod sanayaa iney joojiyan waxay ku wadan soo maliya