Dahabshiil
Golis

Didier Drogba oo Quusiyay Arsenal

Naadiga Chelsea ayaa ceel dheer ku riday Rajada ay Arenal ka qabtay inay hanato Premiership-ka ka dib markii ay ku dirtay 2-0, iyadoona Guuldardaan ay tahay midii 2-aad oo xiriir ah ee kooxda Gunners ka soo gaarto Labada Koox ee ugu sareeya Premiership-ka mudo 2-isbuuc ah.

Didier Drogba ayaa ahaa Geesigii Naadiga Chelsea, isagoona sidoo kale ansaxiyay Goolasha ay Chelsea ku garaacday Naadiga Arsenal daqiiqiadhii 8-aad iyo 23-aad,iyadoona ay goolashaan yihiin kuwii 4-aad ee u labo kulan ka dhaliyo Kooxda Arsenal.

Drogba ayaa 10-kulan uu ka hortagay Nadiga Arsenal waxuu ka saxiixay 12-Goal,taasoo mujineysa in ciyaaryaahnka uu kulan walbo uu Gool ka dhaliyo Ciyaartooyda Wenger.

Ciyartooyda Arsenal ayaa si weyn isku dayay qaybtii 2-aad ciyaarta inay iska soo gudaan Goolasha lagu lahaa, hase ahatee wey ku guuldareysteen, iyadoona dhibaatada ugu weyn Kooxda ay ka heesatay dhanka weerarka oo waxa la waayay xiddig dhameystira kubadaha ay soo dhisaan ciyaartooyda qadka dhaxe.

Macalinka Asrenal ayaa hal mar ciyaarta soo galiyay Xiddigaha kala ah Ebou, Tomas Rocisky iyo Bernner, laakiin wax sidaas ah kuma so kordhin ciyaarta, Wenger ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu keydka ku hayay Ciyaaryahanka kaliya ee Haatan weerarka ugu ciyaara Arsenal Bethner kaasoo la sheegay inuu diyaar u ahaa inuu safto kulankaas.

Drogba aya dhamaadkii ciyaarta ku sigtay inuu Goolkiisa 3-aad ciyaarta saxiixo, laakiin kubadii birta ayey ku dhacday.

Dhinca kale Taageerayasha kooxda Chelsea ayaa soo qaatay boorar ay ku mujinaya sida ay u garab taaganyihiin Xiddigooda Terry oo dhex dabaalnaya mowjada dhibaatooyin ah oo dhanka familkiisa ah.

Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-0 oo ay guusha ku raacay Naadiga Chelsea, iyadoona ay Guuldaradaan sii kordhineyso eedeymaha Macalin Wenger kaga imaanaya aqoonayahanada Sportiga ee London, kuwaasoo ku eedeynaya macalinka inuu isku dayo inuu keeno Qaab ciyaareedka Kooxda Barcelona, waxeyna leeyhiin Wenger si weyn ayuu ugu fashilmay fikradii uu aaminsanaa ee ciyaartooyda Da’yarta.

Guuldaraan ayaa sii fogeesay rajada ay Asrenal ka qabto Horyaalka, iyadoona ay min labo Guuldaro kala kulantay Season-kaan kooxihii ay isku hayeen Hoganka Premiership-ka, waxeyna leedahay 49-dhibcood, halka Chelsea oo dib ula wareegtay hogaanka ay leedahay 58-dhibcood.

Kala Horeynta Premiership-ka:

1Chelsea25184360 – 2058
2Manchester U.25182561 – 2056
3Arsenal25154660 – 3049
4Liverpool25135743 – 2644
5Tottenham25127645 – 2543
6Manchester City23118445 – 3241

Xussen Maxamed Cabdulle (Riiko)
riiko@horseedmedia.net
sport@horseedmedia.net

RELATED STORIES

One Response to “Didier Drogba oo Quusiyay Arsenal”

  1. somali says:

    Chelsea 4 live sanadkaan CHELSEA cid kuma heesato pl-ga iyo chamoipns leage midna
    waaaaaaw