Waxaa maanta lagu qabtay Tuuladda Buuro Wadal kulan balaaran oo ay kasoo qayb galeen Aqoonyahano, Waxgarad, Haween iyo Isimadda Beesha Dhulbahante oo in mudo ah Shir kulahaa Tuulada.
Kulankaas ayaa waxaa uu ku wajahnaa Soo bandhigida qodobada kasoo baxay kulanka Isimadda ay halkaas ku lahayeen, waxaana Bayaankooda maanta kasoo baxay kulanka goobtaas ka akhriyey Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare.
Garaad Mashqare ayaa inta uusan qodobada ay Isimadda isku raacayaan ku dhawaaqin sheegay in ay Isimadu si weyn uga xunyihin Xaaladda ka taagan Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,taasoo uu sheegay in Maamulka Somaliland ay duulaan kusoo qaadeen Magaaladaas iyagoo dadki halka deganaa ay Xeryaha qaxootiga dalalka Itoobiya,Kenya,Yemen iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya ku sugan yihiin.
Wuxuu kale sheegay in ay Beesha Caalamka ka jeesatay dhibaatada dadkaasi loo geystay oo ay uu geysteen waxaa uu ugu yeeray Jabhadda Soomaali diidka oo uu ku tilmaamay Maamulka Somaliland.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Jabhadda Soomaali diidka ay bilowday 3-bilood ee ugu dambeysay in ay fursad uga hesho Caburinta dadka magaaladda Laascaanood.
Garaadka ayaa ugu dambeynti soo bandhigay 9-qodob oo ah kuwa ay soo saareen Isimada Beesha Dhulbahanta,waxaana qodobada ahaayeen sidaan;
1.Waxaa la dhisaaya gudi la yirahdo Qusuusi.
2.Qusuusigu waxaa ay ka koobnaanaysa 21-Xubnood, Saddex ka mid ah ay dumar yihiin.
3.Qusuusigu waxaa ay awood uu leeyihin hawlihii Hogaanki lagu soo dhisay Nairobi.
4.Quusuusiga waxaa soo xulaaya Beelaha.
5.Qusuusiga waxaa ay iska dhexdooranayaan Gudoomiye,Kuxigeen iyo Xogheyn.
6.Qusuusiga waxaa ay mudadoodu ku egtahay Sanad iyo Bar maalinta la Ansixiyo.
7.Qusuusiga waxaa lagu keenaya mudo dhan 10-casho laga bilaabo maalinta gudoonka soo baxo
8.Qusuusiga waxaa kala diri kara Isimadda saxiixay Cod dhan 3/2
9.Shuruudaha lagu soo xulaayo Qusuusiga waxaa qeexaya Xeer hoosaad uu gaar ah.
Bayaankaan maanta ay Isimada soo saaren ayaa lagu sheegay in Hogaanki lagu dhisay Nairobi ay Isimada Maamulka Puntland kala hadleen in ay soo galaan dalka si ay ula kulmaan Qusuusiga.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay in uu jiro Wefdi isugu jira Isimo,Cuqaal iyo Xubno ka mid ah Qusuusiga ay tegi doonaan Degaamada Sool, Sanaag iyo Ceyn si ay dadka ugu baraarujiyaan Xaaladda adag ee ka jirta dalka iyo sidii looga bixi lahaa.
Dhinaca Dhaqaalaha howlahaan lagu samaynaayo ayay sheegeen in Jaaliyaddaha SSC ee ku sugan dalka dibaddisa ay gacan weyn ka geysanayaan.
Bayaankaan maanta kasoo baxay Isimadda Beesha Dhulbahante ee ku shiraayay maalmahaan Tuuladda Buuro Wadal ayaa waxaa lagu sheegay in 3-dii Maamul ee Puntland isaga dambeeyey in midba mida kale uga darnaa dadka dega degaanadda SSC.
Waxayna Maamulka Puntland ee iminka talada haya ay uu cadaatay in uusan usoo jeedi wax ka qabashada degaamada ay degaan qeybtood oo la haysto,taaso Bayaanka lagu sheegay in ay Isimadu degaanka ay garwaaqsadeen in ay isku tashadaan oo howsha ay uu wajahaan qaab Beeleed hormuudna ay ka noqdaan Isimadda SSC.
Waxaana ay Isimadu uga mahadceliyaan Shacabka Reer Puntland sida hiil iyo hoob ay ugu galeen in lasoo celiyo goboladda SSC oo qayb ka mid ah ay gacanta ku hayaan Maamulka Somaliland.
Xukuumada Talada hada haysa ee Puntland ayaa Bayaanka Isimadu lagu sheegay in ay ku qiimayn doonaan sidii ay go’aankaan kasoo baxay ka yeesho oo keliya.
Isimada go’aankaan ku saxiixna ayaa waxaa ay kala ahaayeen;
1.Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac
2.Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxmuud
3.Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil
4.Garaad C/laahi Garaad Soofe
5.Suldaan Siciid Cismaan Cali
6.Garaad Abshir Saalax Maxamed
7.Ugaas C/laahi Ciise Nuur
8.Garaad Cali Buraale Xasan
9.Boqar C/laahi Axmed Cali
10.Garaad C/salaan Xasan Maxamed
11.Garaad Maxamuud Cismaan Maqshqare
12.Garaad Saleebaan Buraale Owaadan
13.Garaad C/laahi Maxamed Guuleed
14.Ugaas Faarax Maxamuud Cali
Shirkaan Isimada oo in Dhowaale ka socday Tuulada Buuro Wadal ayaa waxaa uu ahaa mid ay Shacabka Reer Puntland ay ka war sugaayeen Natiijada kasoo baxda.
Maxamed Siciid Yuusuf
Horseed Media
Buuro Wadal, Sool.
scw all maasha alaah guul iyo gobonimo ilaah garabkiina ha galo darwiish anigo ah gabadh maxamed hartiya aad baan ugu farxay guusha walaalkey iga yar saciid harti wanaaga maanta gaadheen well done hill iyo hooba waa inla garab joognaaa maasha alaaah guuul guul guul guuul darweiishta ku dhaadan jirnay maasha alaah waan inku aamin qabnaa geesiyada dhulbahante wcs guuul guul
reer sool waxa ka sugaynaa guul aan garabka la taaganhay hiil iyo hoob maxa yeelay gacma wada jir bey wax ku gooyaan waxana rabnaa in aan dhibta laqaybsano
Masha alaah waa talo wanaagsan
Kuwa yiri gabar iyo wiilba igama dhimanayeen lascano waa inuu dhulbahante iska qabtaa,kadib ayey wax u hagagayen,saciid hartiyow iska dhiciya isaaq walalihina ayaa garab kahelaysan.inshalah guul iyo wacnan.
waxaan taageerayaa go,aankan garaadada isla markaana waxaan ku boorinayaa anigoo ka soo jeeda beesha dubaays warsangeli in hiil iyo hooba laaysala dhinac taago mar haddii walaalaheen talo gaareen oon loo xoglin dawlada puntland ee shacabku qabto hawsha laanooga baahanyahay maanta iyo maalmo kaloo dhiman intaba wscr
Raganimada waa idinka sugaynay iyo in aad cadowga iska racdan masha alah
maanshaa allah waa wax lagufarxo hadii ay iswada raaceen dhaman wax garadkii dhulbahante waxaan aaminsanahay somaland in aysan haysan karin galin laascaanood hadii meel looga sooo waa jeensado waana mida kaliya ee ay waxaa ku noqon karaan
ilahay hala garab galo waa talo wacan qofkii wax ku qaadanaya waana midnimo laga rabo umada islamka ah inay sameeyaan oo isku wada daydaan wanaaga , cudurka somalia helayna daawadiisu waa in dadka la mideeyo walala ah
mansha allha
ilaahay waxaan oga baryayaa in dadka ehelka ee daraawiisheed u ka xoreeyo cadawga haysta..las anod waxay ahayd magaalo koraysaa .maantana waa meel culimada, dumarka iyo dhalinyarada lagu xidhdixidho..amay u fiicanataahy inay dirta waqooyi ka baxaan gobolaadaas si nabad ah..
Kulan khayr qaba oo natiijo Fiicani ka Dhalato Allaha ka Dhigo Kulanka Isimada Siciid Harti.
Waa bilowgii midaynta soomaaliya,waa ka hortag kala qoqob iyo xudduudo iyo cadaawad la dhexdhigo dad walaal ah,waa ka hortag salladda tuugsashada hargeysa laga fidiyey oo aanay jirin iyada maahee wax ummaddaan wax walba wada wadaaga in lagu kala raro.
Guul baan leeyahay Go’aanka taariikhiga ah ee hoggaanka dhaqanka goboladaas.
Wanku faraxsanahay inay walalaheyga dhulbante goan garaan,guul ayaan u rajeynayaa hala dagalamen cida heysta dadkoda.inshalah
dhulbahante isgaa is haysta ha is xoreeyo oo HALAK SHAQEEYO DANAHOODA KU WAJAHAN UMADOODA HAN ISKA QABTAAN SIYAAYSINTA INAMADOODA AYAAN ODHANAYAA ANIGU
wax kasta oo lagu soo celin laha laascaanod waa muqadis hadaanu nahay reer puntland waxaana leeyahay beesha dhulbahnte kaga dhabeeya arinkaan aad ku heshiisay anagu waanu ini garabtaaganahay
salam dhaman
waa ilaahay mahadiis hadii wax garadka gobolka sool ay hal meel uwada jeestaan isla markana ay ayahooda ka tashadan…hadii anay uyagu tashan cid la talin lahayd ma jirto sababto ah tan iyo xiligi laqabsaday sool cidi kama hadlin hada hadii ay tashaden waxgaradkii SOOL reer pland way tageerayaan somalidu ninki wax haysta ayay wax ugu daran…waxan leeyahay nin walba oo plander ahi wa in u ka qayb qaata xoraynta gobolka sool.
aad baan usoo dhaweyn in dhulbahante is xoreeyaan dhanka kale waxan ugu baaqin bulshada reer puntland gaar ahaan majeerteen inay cawiyaan wallaalohood dhulbahante
daahir waan ku raacsanhey figradada!
asc dhammaan akhyaarta .
aniga waxaan aaminasanahya dhibaadada taagan inay ka masuulyihiin dawlada puntland iyo beesha dhulbahante laftigeeda
waayo dawlada puntland way ka seexaday laascaand oo haday soocelin lhayd waxaan oo dhan ma dhaceen oo taasi waa qdob.
mida kale beesha dhulbahante laftigeeda dhibka ka taagan laascaand lug bay ku leedahay ,oo haday iska qaban lahaayeen nimanka caloshood ushaqaystayaasha ah waxana ma imaadeen oo somaliland shacabka reer sool saan lama yeeleen marka waxaan ku talin lahaa inay dawlada pl iy wax garadka beesha dhulbahante inay meesha ka gacaan oo nimanka xoog ku haysta shacabka inay wax ka qabtaan baa looo baahanayhay
Siciid Harti, Midnimo iyo Hurmar ayaan ilaah idinkaga bar yayaa aamiin
Aad ban ugu hanbalyayn isimada beesha dhulbahante iyo go aamaday gaareen.
Puntland waa qabaail, qabiil kastina dhulkiisa iyo difaaciisa masuuliyada ugu horeysa isagaa leh, mana aha in maamul lagu eedeeyo inuu xorayn waayay deegaanka dhulbahante iyadoo dhulbahante qabiil ahaan ugu wacan yihiin qabsashada laascaanood.
1- Majeerteen isaga qabiil ahaan ku difaacda Galkacayo, hadaanu qabiil ahaan isagu u dhex xidhan difaacada mudug iyo magaalada uuna kusoo hogaamiyo colaad iyo cadow, waxay tarayso majirto eedayn lagu eedeyo maamulka puntland iyo qabaailada kale inay hagradeen dhulkaas.
2- Warsangeli isaga difaacda dhulkiisa iyo goboladiisa, taasna weeye sababta ay taageero uga heleen dadka walaalahooda ay isku deganka yihiin.
3- Waxa maanta wax lagu farxo ah in dhulbahante uu qaatay masuuliyada ugu horeysa ee soo celinta laascaanood, waana inta laga suyayay waqtigii lahaystay lascanod oo dhan.
Hanbalyo mar labaad
waa khayr waana ku far xay waana wax aad laagu farxo go aan kani laakiin beeesha dhulbanahte laba nin intay ku jiraan wax ba u hagaagi maayaan laga na waayi maayo waana ogaan doonaa nin dhuuni raaca laga waayi maayo nin dhoohana laga waayi maayo taasina waa tahada sabab tay dhibaatada haysata tolkay laakiin ilahay waxaan kabar yayaa inuu labadaa nin kaqabto reer tolkay
Waxaan shaki ku jirin,in somalia beelaha dega ay dhamaan,walaalo yihiin,balse waxa soo if-baxay ka danbow bur-burkii,dowladdii dhexe ee somalia wax ku cusub dadka soomaaliyeed oo ah in beel ka mid ah ay,xoogeeddi isugo gaysay in ay ka dhantaasho midnimada muqadaska ee ee qowmiyada soomaaliyeed,waa beesha isaaqa oo u tafa xaydatay,sidii jiritaanka iyo wadajirka qowmiyada soomaaliyeed ay u bur burinlahayd,iskuna dayday in beelaha jecel midnimada qaranka soomaaliyeed ay,duulaan iyo weerar joogta ah ku hayso.siyaasada ururkii Falaagada SNM ta,ee u jeedadiiso ahayd in ay majaxaabiyaan midnimada wadajirka qaranimada somalia,u hirgasho,beesha sida aan kala harka lahayn u taageedta fikradaasi dib u socodnimo,ayaa waxa ay rabtaa in dhulka beelaha,hartiga iyo godobirsiga iyo ciisaha,ay si xoog ah ugo darsadaan maamulkooda guracan,oo aan marna beelahaasi soomaaliyeed aysan sinaba u aqbalikarin,waa in la tusaa,gooni u goosatada,in taasi aanay,suuragal noqon karin,waliba in shacabka soomaaliyeed,midnimadiisa aanay wax u dhibi karin,urur iyo qabiil wata in somalia lakala gooyo,hadaba waa in sida ugo dhaqsiya badan,looga saara dhulka ay gardarada ku qabsadeen,si ay u fajhmaan in arinta ay wataan,in ay ku koobantahay,reer SNM oo kaliya,taariikhdana waxa ay qori doontaa,in ay ku danbaydoonaan guul daro,figradooda soomaali diidka ahna waxa ay tumaati ku noqondoontaa kuwa aaminsan in dadka soomaaliyeed,lakala gooyo,waa arin u taal shacabka soomaaliyeed wixii ay ka yeeli lahaayeen,riyadaasi ay wataan reer SNM tu.waa in lago dhaqaaqaa,wax alle iyo wixii is hortaagi kara,figradaasi xun,haddi ay ahaan lahay af iyo ficilba.guul ayaan u rajeynayaa reer sool,sanaag,cayn,awdal,iyo geesiyiinta reer ciise.
ascaad baan bahda horumuudka saxafada horseed u salamaya .waxaan leeyahay wa guul gobolada Puntland ee sool sanaag iyo cayn ba noso hoyatay shirkani adero
Hambalayo isimad SSC
Anigu waxaan ahey nin u dhashey deegaanka Qandala gobolka Bari waxaan ku farxey ismadeena maanta goaanka soo saarey, waxaan isimada u sheegayaa diyaar baan u nahey hiil iyo hoo maamulka meesha jooga Puntland waa inaan lagu tashan anagu hadaan nahay beelaha Puntland isir wadaagta waa inaan soo celinaa Laascaanood oo ah gurigii daraawiishta qofna ma heysan karo dhulkeena ee inagaa kala maqan oo kala socona taariiqdu waa dhaxan 1900/1991 dhulkeena lama qabsan ilaa Ingriis ilaa ciidankii gaalada ayaa soo duuley waana jabiney hadana hadii dhulkeena laga bixi waayo sidii oo kale ayaa dhaceysa beelaha daga Puntland diyaarsha waxii dagaalka lagu gali lahaa
adeer meesha dawlad baa ka jirta,isimo gogogol ayaa loo fidiyay talo waa so jediyeen waana ducayeen waxi dagaal iyo qabashada laascanood waxa laga rabaa puntland odayasha dhulbahanate hadi ay qabtaan dadka dhuuni raaca waxa u fdududaan karta hawsha dawlada puntland.
tan kale ssc waxa ay shegatey mamul wasiiro leh meshana dawlad baa ka jirta marka maahan macquul in lo ogalaado in ay yimadaan puntland
ascww maanta waa maalin farxadeed ilaahay ha idin garab galo dhulbahante iskuna tashada meel aad joogtaanba buntlandna waxaan leeyahay shacabku waa shacab qaali ah dawladuna kuwii hore waxba ma ahayn waayo iyaagaaba laga qabsaday lakiin xukuumada hada jirta ee puntland waxaan rajaynayaa inay qaybwayn kaqaadanayaan hawsha laascaanood hartina ma kala maarmo taas halawada ogaago waxii hore hala ilaawo puntaland baan nahay waa ehelkayo waa walaalahayo cidnoodhhanta male waa in naf iyo maalba puntland u hurtaa gobolka sool gaar ahaan magaalada laascaanoon waabilaahi tawfii
hadeynu nahay harti waxaan leeyahay,guuleysta waa guul dhammaantayada noo soo hooyatay.
Horseedmedia waa ay ku mahadsan yihiin dadaalka ay wadaan . Runtii waa arrin aad iyo aad loogu farxo in maanta dhammaan Garaadyadii Dhulbahante ay meel qurah uga soo wada jeestaan qadyada degaankooda . Waxaan kula talinayaa qof kasta oo u dhashay Dhulbahante in uu taageero hagar la’aan ah u fidiyo isla markaana garab istaago Garaadyadooda . Dhulbahante waa qabiil ka weyn in masiirkooda iyo mustaqbalkooda la hoosgeeyo dad jooga hargeysa . Dhulbahante waa qabiil taariikhda Soomaaliya baal dahab ah kaga jira oo dhiig iyo maal fara badan uga baxay gobanimadii Soomaaliya . Sidaas darteed waa in Dhulbahante meel kasta uu joogo uu midoobaa garbahana isqabsadaan .
Waa guul u soo hoyatay dhamaan beesha harti iyo guud ahaan daarood ba dhulbahante dhagax kama dhalan ee tol buu ka dhashay dhalasho faro iyo hanti iyo kartiba kaga horeeya iidoorka iyo mamulka gacan ku rimiska ah ee ka arimiya waqooyi galbeed waxaana mudan iyo inaynu dhamaan u kacno sidii aan gacanteena ugu soo celin lahayn gobolada inaga maqan dhulbahante oo qudha kama maqna ee daarood uu dhan buu ka maqan yaha soo celintooduna waajib ku tahay wa bilaahi tawfiq
horseed media thanks hormudka saxaafada dhinac wallba
NINKA dhulbahnte ee garaadada ama isinkiisa taageeri waaya naar iyo darxumo allaha la kulan siiyo dhulbahnte isaaq kumma soo duuline dhulbahnte hunguri raaca oo asaga dhuuntisa uun u shaqaysanaya ayaaa ku soo hogaamiyay dadka meesha dhexe ku lamay oo yiri soomaali ma ninhin hadana passaporki cagaarnaaa ku wada tahriibay hadana federelkii garoowe oficeka looga furay gaariga usoo saaaran SSC soomaali weeeye waana Daraawiishtii wadanka somaali diiid waaa in dhimasho laga xigaaaaa
Guul iyo Gobanimo
Beelaha Harti waxaa la gudboon iney taageeraan goamada meesha ka soo baxey, sidey horey u tageereen oo ey ismada ssc u xuseen taageerada reer Puntland hadaba anoo ku hadlaya magacaga dadka reer sanaag Puntland. Diyaar baan u nahney xoreynta Sool waana mid waajib ku ah dhamaan beelaha Puntlad daga. Ismada SSC waa iney maanka iyo maskaxada ku hayaan in shacbabka Daarood oo dhan ey taageerayaan sidoo kale taageero dhaqaale ku bixin doonaan soo celinta iyo dib-u xorenta Sool guul iyo khyer baan u rajeyn Garaadadeena
waxaan oran lahaa. hal eray geeshkaygow guulaysta guul lagu waraa geesiyaashi guntanaayow guulaysta. waxaa inoo balan ah guul lagu waaro.waxaan u rajaynaa reer puntland qaastan shacab sool sanaag cayn guul waxaan oranaa. gublada kale mudug bari nugaal karkaar diyaar noqdo difaaca tolkiin. geesino iyo sharaf baa inoo ah . dagaalka yoosan ka sokayna burco iyo haragayso. hana arkaan awood u ilaah idinku manaystay kuwa kabaha u qadana hala dilo waa eey dhintay oo kale..
waa wax aad loogu farxo waxa aysamrryeen odoyaasha ama isimada dhulbhante laakiin intay iyagu uyeerteen soomali land bay hadana dhahayaan duulaanbay nagusoo qaadeen waxaan intay puntland diideen bay hadana waxay dahayaan hiil iyo hooba waa idiinka bahanahay laakiin waxaan way diinayaa reer laascaanod weligiin ma aragteen isaaq meelkale looga talinayo ama laleyahay meelkaley kujiraan isaaq moojee weligiin haraacinina cidkale dadkiina moojee
walahay aad ayaan uga mahad celinayaa talabada ay qaadeen isimada ssc oo ay kasoo saareen xaalda dhabta ah ee ka jirta dhulkoodii cadowgu ku soo duulay arinkana manta ay ku talaabsadeen in badan ayaa dadka mandaqadaas dagan sugayeen midnimo dhulbahante maansha allah way timi laakiin waxaan leeyahay taladiina cidna haka wareejina haday puntland tahat iyo haday mid kale tahayba waana idiinka mahadcelinayaa manata dhulbahante talo ayuu idinka sugayaa gudo iyo dibad ba
waan idin salaamy dhamaan hawl wadeenada web horseed bacada salaan waa yaabe min dheen kamwaan tooban uruur la mag caabo iyagoon kuwi horeba waxaba qaban uruur la dhiso haydan lala socod siiya waxaba qaban maayo lakiin waxaa larabaa waa 5tan qodob
1-in dhamaan beeshu adeecdo awaamirta ismad ha xumaaden ama hasamaaden
2-beeshu waa ku fashilantay dhinaca siyaasiyiinta oo waxa hal ka kal geeye waa cada qatayal ee go aan cad halaga gaaro
3-in beeshu ama dada ka udhashay laascaano ay ogaadan in iyaga oo keliya laga hasto xuraysana karaan haday midooban
4-ma aamin saniny inta beeshu laba u kala jaban ta hay inay waxa hagaagayaan waayo ciidamada is hor fadhiya 80% beesha saraa kiisha kala wadataa waa iyaga
5-midanta ciidamada labada dhanba kaga jiraa beesha oo laga la soonoqodo somalind iyo puntland baaaa haduu dhulbahante kadabeeyo hadal ka ismada waxaa laga yaaba inay guulo gaaran lakiin hadii kale weligeed beeshu saas bay u kal qabsanaanay
well done sool
waxan oran gara shirgani waa mid aad looku farxo oo ah mid guul taba taal waxana rajeen in sool ay puntland mamusho wixii hada ka dan beya waanu jecelahay walal hayaga.mahad
sanidin
waxay dheheen maamulka somalidiidka ahi dhulku ma guuro dadkaa guura .wax la xiro wax la laayp wax lafohooda u carara .iyo kuwo u adeega oo xooga loo tuuro. maasha allaah waa kuwaas ilaahay nasri u soo diray ka xumaadan dhibatada lagu hayo dadka reer lascanod . guulaysta xaq u dirir allaa la jiree shacabka puntland waa diyaar tolkood garab iyo gaashaanba guuuuul
ilaahow u hirgile beesha hadalkooda iyo hadafkooda walalihiin gacan siiya reer puntland waa taad dhahdeen hadii aad isku soo tahsataan gacan baad naga heleesaane ilaahow sidii roon
ilaaah halaqabto maslaxadda umadda wixii wada waana sax inayan kutashan maamulka hadda kajira puntland oo ay cadaatay inuu caajiz kayahay dhinac kasta intaan ka’ahayn canshuur siyaadin
thanks
waxaas wa maxay war maamulka puntland wan isaga baxnay dhaha kadiban dantiina ka raaca . maxaad isugu dhajineysaan maamul aan idiin soo jedin meeshan shacab waxba ma taro ee maamul ayaa ka taliya isagiina haduusan idiin soo jeedin waa inaa cadeesaan ineeydaan shaqo isku leheen si dadkiina aan taageero fiican uga heshaan lakiin intaad ku heysaan maamulka puntland ayaan ka war sugeynaa idinkuna waxba qaban meysaan maamulna idiin soo jeesan maayo
guul iyo khayr baan idin rajayn iyo midnimo
aad & aad baan ugu faraxsanahay in maanta garaadadii ssc goaankaas gaareen waa inta keliya aan suganay dhaaxaan ciil & caro laseexan weynay oon laheen odayaashu maxay goaan ugaari waayeen siaan niman calooshooda ushaqaysta ee dirta waqooyi ama soomaalidiika ushaqeeya iska qabanee maanta waa xamdi ilaah haday dhacday taasi.aad baan ugu mahad naqina horseed media oo had & koraalaba wada xiriirisa shacabka reer puntland waadan kumahad santihiin