Dahabshiil
Golis

Maamulka Degmadda Laasqoray oo Sheegay in Markabki Libya uu ka laabtay Xeebta Gacan.

Maamulka degmadda Laasqoray ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in Markab dhowaan ay Burcad Badeeda Soomaalida soo afduubteen oo ay la yimaadeen Xeebta Gacan ee uu dhow halkaas ay dib ugala laabteen.

Gudoomiyaha degmadda Laasqoray Yuusuf Jaamac Dibad oo uu waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in Burcad Badeedaas ay dhowr maalmood ka hor kala dhaqaaqeen Markabka xeebta Gacan ayna uu jiheysteen Xeebaha Bari ee Soomaaliya.

Wuxuuna xusay in uu malaynaayo in Markabkaas ay uu jiheyeen Xeebaha degmooyinka Garacad iyo EYL oo fariisimo uu ah Burcad Badeeda Soomaalida ee ka qowlaysta xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Sidoo kale waxaa uu shaaciyey in ay arintaas ay timi ka dib marki Odeyaasha degmadda iyo Maamulka ay si wadajir ah isaga kaashadeen in ay Burcad Badeeda Markabka kala tagaan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan in Gaadiid Badeeda lasoo afduubto lala yimaado Xeebaha Laasqoray, isla markaana ay arintaas xoojin doonaan.

Dhowr maalmood ka hor ayey Burcad Badeeda Soomaalida ay xeebta gacan ee Laas Qoray lasoo gaareen Markabka laga leeyahay dalka Libya oo ka babanaayo calanka Kuuriyadda Waqooyi,waxaana aan la aqoon ila iyo iminka halka uu Markabkaas ku dambeeyey iyo xaaladda Shaqaalaha saaran.

Horseed Media

RELATED STORIES

Comments are closed.