Dahabshiil
Golis

Dhoofka xoolaha oo si habsami ah uga socda Dekkada Bosaso

Rugta Ganacsiga ee Dowladda Puntland ayaa waxaa ay ka hadashay oo Faahfaahin ka bixisay Xoolo ka dhoofay Dekadda Magaaladda Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Gudoomiyaha Rugtaas Maxamuud Xayir Ibraahim oo uu Waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in maalmihi lasoo dhaafay ay Dekadda Magaaladda Bosaaso ka dhoofayeen Kumanaan Xoolo ah, kuwaas oo la saaray Maraakiib kusoo xirtay gudaha Dekadda.

Wuxuu sheegay in Xoolahaas intooda badan loo dhoofiyey wadamo ay ka mid yihin Yemen iyo Sacuudiga, iyadoo ay iibsadeen ganacsato wadamaas kasoo jeeda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Xoolahaas inta aan la dhoofin, la marsiiyey baaritaan Caafimaad laguna baaray Maxjarka weyn ee magaaladda Bosaaso.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xoolahaas laga kala keenay goboladda kala duwan ee dalka Soomaaliya, isla markaana ay keeneen xoolo dhaqato Soomaaliyeed oo daneynaaya dhoofinta xoolaha.

Waxaa uu sheegay in ay halkaas kaasi socon doonaan howlaha dhoofinta Xoolaha ,isagoo ugu baaqay Ganacsatadda iyo Xoolo dhaqatada Soomaaliyeed in ay ka fa’ideystaan fursadahaan.

Dekadda weyn ee magaaladda Bosaaso ayaa mudooyinki dambe ka socotay oo si aad ah looga dareemay dhoofinta xoolaha kala duwan.

Horseed Media

RELATED STORIES

2 Responses to “Dhoofka xoolaha oo si habsami ah uga socda Dekkada Bosaso”

  1. goobe says:

    maxuud xayir guul ayuu u horseedayaa mustaqbalka ganacsiga puntland guul ayaan leeyahay halkaaga ka sii wad

  2. FADUMO says:

    ASALAAMU CALAYKUM