Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Sheikh Aadan Madoobe oo Booqday Gurigi Hore ee Umadda

Gudoomiyaha Barlamaanka DFKM ah ee Soomaaliya Sheikh Aadan Maxamed Nuur “Madoobe” ayaa maanta booqday gurigi hore ee Umadda ee ku yaala magaaladda Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa waxaa Booqashadiisa ku weheliyey xildhibaano ka tirsan Barlamaanka iyo DFKM ah, waxaana uu indha indheyn ku sameeyey qeybaha kala duwan ee dhismaha Guriga Umadda iyo qaabka uu socda dayactirki dhowaan lagu bilaabay.

Ka dib markii uu soo dhameeyey Koormeerkiisa ayuu Shir Jira’id isla guriga Umadda ugu qabtay Saxaafadda, waxaana uu Gudoomiyaha sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu soo booqdo Gurigi hore ee Umadda.

Waxaana uu tibaaxay in dayactirka lagu wado iminka ay tahay mid loo baahanyahay in uu si socdo, iyadoo uu sheegay in dhowaan uu rajaynaayo in lasoo dhamaystiro dayactirka baaxadda weyn ee lagu wado.

Sheikh Aadan Madoobe ayaa Beesha Caalamka iyo Ganacsatada ugu baaqay kana codsaday in ay kaalin ka geystaan dayactirka lagu wado gurigiisa oo uu sheegay in ay Dowladdu iminka wado.

Bishii aan soo dhaafnay ayay ahayd markii DFKM ah ay si rasmi ugu dhawaaqday in ay dayactir xoogan ku bilawday Gurigi hore ee Umadda oo ay ku shiri jireen Barlamaanki hore ee Dowladdi dhexe ee Soomaaliya.

Horseed Media

RELATED STORIES

Comments are closed.