Wefdi ka socda DFKM ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay iminka ku suganyihin dalka Yemen.
Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Kallumaysiga iyo Kheyraadka C/raxmaan Xaaji Aadan ayaa shalay gelinka dambe gaaray Magaaladda Sanca ee caasimadda u ah dalka Yemen.
Wasiirka ayaa waxaa Safarkiisa ku weheliya masuuliyin ka tirsan DFKM ah, waxaana lagu wada in ay halkaas kulamo kula qaatan Masuuliyinta Dowladda Yemen, iyadoo aan la aqoon waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan.
Balse Wasiirka ayaa sidoo kale lagu wada in uu kulamo la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas Yemen oo u kala hadli doona xaaladahooda.
Hore Wasiirka Kallumaysiga ayuu Dowladda Yemen kala saxiixday Heshiis dhanka Kallumaysiga ah, todobaadkii tagay ayuu dadlka Yemen safar ku tagay Wasiirka Arrimaha Dibada ee DFKMG Cali Ahmed Jangeli.
Dowlada Federaalka Mas’uuliyiinteeda ayaa inta badan sameeya safaro dibada ah ayadoo aan inta badan muuqan natiijooyinka safaradaasi kasoo baxa, xili xaalada Dowlada Soomaaliya ee gudaha dalka ay tahay mid aad u adag isla markaana ku kooban qeybo kamid ah magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!