Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Wefdi ka socda DFKM ah oo Maanta ka dhoofay Magaaladda Muqdisho.

Wefdi ka socda DFKM ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka dhoofay magaaladda Muqdisho.

Wefdigaasi ayaa waxaa Hogaaminaayo Wasiirka arimaha gudaha ee DFKM ah Sheikh C/qaadir Cali Cumar, waxaana ku weheliya Saraakil ka tirsan Booliska iyo Milateriga ee DFKM ah.waxaana ay kusi jeedaan Magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Sida ay ku warameen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda DFKM ah, Socdaalka Wefdigaan ayaa waxaa uu ku sabsanyahay in ay kulamo lasoo qaatan Beesha Caalamka iyo weliba Diblumaasiyinta halkaas ku sugan.

Warar hoose ayaa waxaa ay sheegaayan in ay la kulmi doonaan Saraakiil ka tirsan Milateriga Ururka Midowga Yurub kuwaas oo tababar uu fidin doona Ciidanka DFKM ah, iyadoo ay ka wada hadli doonaan arimaha tababarada la siinaayo Ciidanka Dowladda.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay sheegaayan in ay ka wada hadli doonaan Diblumaasiyinta sidii Beesha Caalamka ay si wadi lahayd taageerada ay uu fidinayso Ciidanka DFKM ah.

Kulamadaas ayaa waxaa ay intooda badan ay yihin kuwa looga hadli doono xaaladda iminka ka taagan dalka Soomaaliya.

DFKM ah ayaa weli ku adkeysanaysa in ay soo afjarayso Xoogaga Mucaaradka ee kasoo horjeeda ee dagaalka kula jirta, isla markaana dhawaan olole dhanka amniga ah qaadi doonto.

Horseed Media

RELATED STORIES

One Response to “Wefdi ka socda DFKM ah oo Maanta ka dhoofay Magaaladda Muqdisho.”

  1. dahir mohamed says:

    Wasiirka arimaha gudaha ee DFKM,mudane shiekh cabdulkadir,waa in wax laga waydiyaa,ragii af-duubay saraakiishii farance ee xamar lago af-duubay,sida warako sheegayaan,rag ka tirsanaan jiray maleeshiyadiisa ayaa af-duubay,marka waxa ay ahayd inmar horaba xilka laga qaado,waxba soo kordhinmaayo wadaado,waaya ma laha aqoontii looga baahnaa ee uu ku maaraynlahaa howsha wasaarada fadhiidka ah,ee uu isago madaxda ka yahay,wada shaqaynta isaga iyo police ka ka dhexaysa,waa mid aan jirin.waa uun socdaal iska tamashlayn ah.