Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya kusoo bandhigtay Hub iyo Sarkaal ay sheegtay in uu kasoo goostay DFKM ah.
Munaasabad ay kasoo qaybgaleen Saraakiisha Xarakada ayaa lagu soo bandhigay ila 50-qori oo loo yaqaano AK-47 oo ay ku sheegtay in ay ka qabsatay Ciidanka DFKM ah dagaaladdi ugu dambeeyey ay la gashay.
Waxaana sidoo kale ay soo bandhigtay Sarkaal ay ku sheegtay in uu ka tirsanaan Saraakiisha Ciidanka DFKM ah oo magaciisa lagu sheegay Baashi Axmed.
Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheikh Cali Dheere oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhowaynaaya Sarkaalka kasoo goostay Ciidanka Booliska DFKM ah, ayna ugu baaqayaan dhamaan Saraakiisha iyo Askarta DFKM ah ay kusoo biiraan.
Sarkaalka oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu hore uga tirsanaan jiray Saraakiisha Ciidanka DFKM ah, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu kusoo biiro Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab.
Xarakadda Al-Shabaab ayaa waxa ay horey soo bandhigtay Saraakiil iyo Ciidan ay sheegtay in ay kasoo goosteen DFKM ah.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!