Dahabshiil
Golis

Wakaalada Wararka ee Emaaraadka oo ku khaladay Safiirka Muritaaniya Safiirka Somaliya

Sida ay qortay Wakaalada Wararka ee Dalka Imaaraadka Carabta  qoraal khaldan oo ay ku sheegtay in dalka Soomaaliya Safiir uu magacaabay Isutaga Imaaratka Carabta, oo ay ku sheegtay Hameed Ahmed Ould Taleeb.

Wakaalada wararka ee Dalka Imaaraadka Carabta Emirates News Agensy (WAM) iyo Federation of Arab News Agenies FANA ayaa shaaciyey in uu Wasiiru dowlaha arimaha dibadda ee Wadamada Isutaga Emaaraadka Carabta Dr.Anwar Maxamed Gergash uu magaalada Abu Dabi uu ku gudoomay waraaqaha Safiirka cusub ee Somaliya usoo magacowday dalka Emaaraadka, safiirkaasi oo ay sheegeen in lagu magacaabo Hameeda Axmed Oulad Taleeb.

Arrintan ayaa keentay in wakaalado kale oo badan ay warkan qaataan, hase yeeshee khaladkan ayaa ah in Hameed Ahmed Oulad Taleeb, uusan ahayn safiirka cusub ee Soomaaliya, balse uu yahay safiirka cusub ee dalka Muritaaniya.

Qoraalkaasi wakaalada Wararka ee Emaaraadka Carabta ayaa ka akhrisan kartaan halkan

http://www.wam.org.ae/servlet/Satellite?c=WamLocEnews&cid=1264322588958&pagename=WAM%2FWAM_E_Layout

http://www.fananews.com/look/english/article.tpl?IdLanguage=1&IdPublication=2&NrArticle=744593&NrIssue=9&NrSection=1

Hase yeeshee Saaka ayaa waxaan qoraalkan dib u saxay Websiteka Wasaarada Arrimaha Dibada oo khaladkan markii hore laga soo xigtay ayagoo qoraalkaasi ku bedalay mid cusub oo ay ku saxayaan magaca Safiirka iyo Wadanka uu kasoo jeedo.

http://www.mofa.gov.ae/Mofa/portal/e86f92b9-46e5-481b-89b0-e58487277148.aspx

Dad badan ayaa la yaabay warkan oo saaka Horseed Media soo xigtay iyo warbaahinta Soomaaliya ayadoo kadib baaritaan aan ku sameenay cadaatay in khaladka markii hore ka dhacay Warbaahinta dowlada Emaaraadka ay qaateen wakaaladaha wararka baahiya oo qaarkooda aan weli saxin warkan ay qoreen. Waxaana ka raali gelinaynaa akhristayaasha qoraalkan la yaabka leh uu jahwareerka ku riday. Arrintan ayaa kusoo beegantay xili ay dowlada Soomaaliya sheegtay inay isbedal ku sameenayso Safaaradaheeda dibada, ayaa waxa khaladkan ay qoreen wakaaladaha wararka uu keenay jahwareer.

Waxaan sidoo kale ugu mahadnaqeynaa Safaarada Soomaaliya ee dalka Emaaraadka, oo xiriir nala soo sameysay oo beenisay qoraalka khaladka ah ee laga soo xigtay Wakaaladaha Wararka ee dalka Istuga Emaaraadka Carabta.

Tifaftirta
Horseed Media

RELATED STORIES

11 Responses to “Wakaalada Wararka ee Emaaraadka oo ku khaladay Safiirka Muritaaniya Safiirka Somaliya”

  1. Maryan Cali says:

    Waxaan indiinka mahadnaqayaa warka aad saxdeen after all. Please Hubiya inta aadan wax war qorin tusaale ahaan shalay warkii ku aadanaa safaaradda U.A.E magaca wuu iska cadaa in u ahaa magac Muritaani ah. Ogow wadan kasta magacayo lagu yaqaano ayuu leeyahay markaa even haduu khaldan yahay is waydii bal magacan ma yahay magac Soomaliyeed mise waa magac laga istimaalo wadamo kale.
    Mahadsanid

    • Axmed Jiir says:

      Marka hore waxaan Horseedmedia u hseegayaa in warkiinna uuba dad kale khalday oo maleeyey in idinka aad isku khaladdeen safiirrada. Abaayo ma fahmin miyee mise waxbaa adigaba kaa khaldan.

  2. ZAKI says:

    KU: Horseed Media;

    Waa ku mahadsan tihiin warka aad gadaal ka saxdeen. Horseed Media waxaan ku aqaan Warbaahin marwalba jecel inay soo gudbiso warka xaqiiqdiisa, meesha ay kasoo xigatay, iyo warar isu dheeli tiran kuna salaysan dhabta iyo waxa markaas socda. Waxaan idinku boorinayaa inaa dadaalkiina halkaa ka wadaan aad u haysaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.

  3. kalbarays says:

    loooool zaki arinta wuu ka dhacsanyahay laakiin anigu waxaan qabaa sida ay tiri maryam bal ragii laga quusaye dumarka hala eego waa xalka keliya oo soo maaliya maxaa yeelay alshabaab ma haweeneey meel fadhida ayey ladiriri lahaayeen loool

    • Zaki says:

      @Kalbarays,

      Sxb, Al-shabaab wali aqoon ayaa kuugu laaban. Wuxuu doono ha ahaado nin, naag oday, habar, SHeekh, caamo IWM, haddii ay u arkaan inay/inuu san ku fikrad ahayn iyaga ama kasoo horjeedo siyaasadooda, waxay mar walba u arkaan cadowgooda koowaad.
      Mida kale, sxb adiga waxaan u malaynayaa inaa tahay dadka Democracy ga inta khaldan ka qaatay. Waxaa nahay dal iyo dad Muslim ah 100%, diinteena xaniifka ahna meel ay uga taalo in DUMAR ama qof HAWEEN ah laga dhigto qof ka ay taladu ka go’do ama ulil-amriga kolay anigu garan mayo. Ka Soomaali ahaana, waxaan dhaqan iyo caado u leenahay inay Dumarku ku xif-disanaadan guryahooda kana shaqeeyan howl-maalmeedka aqaladooda. Marka sxb labadeedna keebaa ka dhacsan ma aniga mise adiga? Jawaabta akhristayaasha sharafta leh aan u dayno.
      Wabilaahi Towfiiq.

  4. manaste says:

    asc bacda salaan walaalayaal waanba yaabanaa oo waxaan lahaa shariifka awalbaa laguxamanayay waa caada qaatee ma mid carabuu xooga kaqaatay oo saasuuna kugeeyay meesha ileen cidwalbaaba waxay ilaashanaysaa danaheeda gaarka ahe

  5. maryam says:

    axsan waxaaaba qabaa madax waynaha xitaa halodhiibo gabar waayo ragii waxba keeni waye ninkste wuxuu ilalsan dantiisa goonidaa iyo jeebkiisa suu lacg uga buuxin lahaa lakiin dumarka soomaliyeed waa dacd …. gabadhaana ilahy hakadhigo mid wajinkeeda gudata ookasoobaxda xilkeeda loodhiibay

  6. cali says:

    asc,
    Horseedmedia oo ah webka runsheega badnaa websityada soomaalida ayaan garan waayay meesha ay ka keeneen hadalkan, waayo haweneyda la sheegay waa haweeney muritaaniyad ah,safiirka soomaaliya ee imaaraadkana H.E.Axmed M.Cigaal xilkiisi sidiisi ayuu u wataa.
    Marka waxaan jeclaan lahaa in arrinkaas si wanaagsan loo hubsado.

  7. ZAKI says:

    WAGAR…… ma haddaa ajnabina safiiro Soomaaliyeed loo magacaabay!!!!!!!!!!!!!! WAA LAYAAB!! Shariifow waxaa soo wado iyo wabiga yaa weyn??????!!!!!!!!!!

    • EGALLE says:

      ZAKI, SXB WARKA SI FIICAN U DHUUX INTAADAN COMMENT KA BIXIN…

      • ZAKI says:

        EGALLE, sxb warka meeshaan hadda lagusoo qoray iyo kaan comment tiga ka bixiyey waa kala labo. Adiga laftigaa marka hore inaa wax hubsataa wanaagsan.
        Midka aan figradayda ka dhiibtay waa kan ay ummadda oo dhan la yaabeen, Horseed Media na ay gadaal ka saxday cadeeyeena meesha ay war ka kasoo xigteen inay wax isku khaldeen khaladkana ay lahaayeen iyagu.
        Sidaa owgeed, EGALLE, sxb anoo wax hubsan wax iskama qoro. GOT IT?