Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Iraan oo Xukuntay Nin ka tirsanaa Mucaaradkeeda.

Dowladda Wadanka Iraan ayaa waxaa ay xukun 6-sano ah ku riday Shakhsi ay ku eedeysay in uu ka mid ahaa Xisbiga Mucaaradka.

Wararka ayaa waxaa ay sheegaayan in maxkamad ku taala dalkaas ay xabsi mudo 6-sano ah ku riday nin lagu magacaabo Mohsen Aminzadeh,oo ay xirtay Bishii June ee sanadkii hore 2009.

Waxaana Ninkaas lagu eedeyey in uu ka qayb qaatay Banaanbaxyadii rabshada watay ee ka dhacay magaalooyinka waa weyn ee dalka Iran, kadib doorashadii buuqa ka dhashay ee Madaxweynaha dalka Iran, iyadoo ay sidoo kale ku eedeysay in ay uu dhiirageliyey dadka in ay sameyaan rabshado.

Sidoo kale waxaa la sheegay in uu taageero weyn uu ahaa Mir Xussien Mousavi,kaas oo ahaa Musharixi laga guuleystay doorashooyinkii dalkaas ka dhacay bishii June.

Waxaa muddooyin bilo ah ka socda dalka Iraan, maxkamadeynta boqolaal dad ah oo ay dowlada Iran ku eedaysay inay ka qeyb qaateen rabshadihii dalkaasi ka dhacay sanadkii tagay, ayadoo qaar kamid ah dadkaasi xukuno kala gedisan lagu riday.

Horseed Media

RELATED STORIES

Comments are closed.