Sarkaal Sare oo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ee ka mid ah Xoogaga Mucaaradka ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu weeraray degmadda Afgooye ee ka tirsan Shabeeladda Hoose.
Weerarka ayaa waxaa uu dhacay Saqdi dhexe ee xalay,waxaana lala beegsaday guriga uu halkaas ka deganyahay Madaxa Garsoorka ee Maamulka Xisbul Islaam ee degmadda Afgooye Sheikh Cismaan Fiidow Xassan.
Waxaana weerarka loo adeegsaday Bam Gacmeed iyadoo lagu tuuray gurigiisa,waxaana aan la aqoon kooxihi geystay falkaas oo la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.
Ma jirto wax khasaaro ah uu geystay weerarka Bam gacmeedka ee lagu weeraray Sarkaalkaas,waxaana wararka ay sheegaayan in uu ka badbaaday falkaas.
Dhowr maalmood ka hor,weerar noocaan oo kale ayaa lagu qaaday Sarkaal ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo ku sugan magaaladda Muqdisho, Bare Cali Bare oo ahaa afhayeenkii kooxda Raaskambooni ee kamid ah Xisbul Islaam ayaa gurigiisa Muqdisho bambaano lagu tuuray, maalmo kadib markii hogaankii kooxdaasi Raaskambooni Sh.Xassan Turki uu shaaciyey inuu ku biiray kooxda Al Shabaab, isla markaana isaga baxeen Xisbul Islaam.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!