Maamulka Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in ay si daayeen qaar kamid ah dadkii laga qab qabtay magaaladda Laascaanood ee xarunta uu ah gobolka Sool, kuwaas oo la qab qabtay maalmo ka hor iyagoo oo dhigay Mudaharaadyo isugu bedelay kuwa rabshado wata.
Wasiirka arimaha gudaha ee Maamulka Somaliland C/laahi Ismaacil Cirro oo wareysi bixiyey ayaa sheegay in ay sii daayeen ila 55-qof oo ay ku xireen mudaharaadyadaas. Somaliland ayaa horey u xirtay dad gaaraya 65 qof oo rayid ah.
Wasiirka Somaliland ayaa sheegay in dadkaas la si daayay dhowrki Saacadood ee la soo dhaafay, iyadoo si deyntooda ay timi ka dib marki ay Booliska ay baaritaan ku sameyeen laguna waayay waxyaabihi ay marki hore ku xireen, waa sida uu sheegay Wasiirka Guddaha ee maamulka Somaliland Mr.Cirro.
Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale ay weli xiranyihin dad kale oo lagu qab qabtay mudaharaadka oo ay iminka Booliska su’aalo weydiinayaan,waxaana uu ka gaabsaday in uu sheego halka ay ku xiranyihin balse uu sheegay marki uu baaritaankooda soo dhamaado lasoo si deyn doono. Dadkaasi lagu qabtay Magaalada Laascaanood ayaa la geeyey xabsiyo ka baxsan magaalada Laascaanood.
Wuxuuna sidoo kale sheegay in xaaladda guud ee magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay iminka tahay mid aad uu degan isla markaana la qaaday bandow ay horey ugu soo rogeen magaalada.
Dhowr maalmood ka hor ayaa magaaladda Laascaanood Banaanbaxyo rabshado wata ka dhacay waxaa lagu xiray dad ka badan 60-qof, waxaana xarigaasi ka hadashay Dowladda Puntland oo si weyn uu cambaareysay kuna baaqday Maamulka Somaliland in ay soo si deyso Dadka ay xir xirtay.
Horseed Media
to foosiya inaader maxaa ka xanaaqday aad baad ucadhootee war inanta haladaayo waxay jeceshahayna yaan laga maagin ileen waa xanaaqaysaa hadiikle foosiyooy inaadeer meesha waa website markaa adiga inaad aad uxanaaqdo maah tankle laba magaalo ayaa soo qaadatay reerka mawax baa idin dhexmaray inamo akhlaaq xun waa iska jiraane xaalada deji ilaahalkayay gaarin faalo ayaa lawadee iyo ninkasta fekerkiisa adigana fekerkaaga ka dhiibo sister ma arkikaro adoo aad u cadheeysan
Maxey tahay sababta loosii daayey eedeysanayaasha iyagoon makamad lasoo taagin, soomaalidu damiir wax garta malaha ee waxey leeyihiin diir baqa, hadii kuwaan qaska ka wadey laascaano laga abaal mariyo lana ciqaaba waxaa hubaal ah in wax magaratada kale ee damacsanaa iney qas abuuraan iney ka waantoobi lahaayeen .
Madaxweynihii hore ee soomaaliya ayaa halheystiisu aheyd,
WAR HOOY SHIDADA HALEYSKA DHAAFO.
nabadeey
ninkii hadlayaa ba haska hadlo, Hadala lagu soo qora websida dhahar iyo galgala maha in inta lala yimaado. websidka dadka uyuu u dhaxaysa ee reero uma shaqayso. Laxwalban halkay isdhigto baa lagu qalaa laascano hasashdeeda faroole kama ahan masuul. QOfkii masuulk aha isag isgaranya> idunkan hadba qolidii guulaysat baad raacirjirteen reer dhahareedo. Ariga iska ilaahshada siyaasad farah ka qaada waayo waxba kama garanaysaan sida arig iyo idaha loo xaneeneeyo baad ku fiicanthiin. Halkaa hariga u jooga ilma dhabar macaan
asc wr wb,salan kabacdi waxaan LA hadlayaa ninkaan(Saciid Harti9)kahadlaYA WALAAL ADIGA HORTA WAXAAD TAHAY LAMA YAQAAN LAKIIN WAXAAN KUU SHEEGI INAAD TAHAY NIN MAANGABAN FAROOLE XAGUU KU ARKAY LACAGTA SACIID HARTI?TAN KALE MA SACIID HARTI BAA DHUL UU LEEYAHAY HADA UU XUKUMAA FAROOLE MISE UU CANSHUUR KA QATAA WAXAAD TAHAY QOF CAQLI YAR EE WAXAAS CAMAL HALA IMAAN MEDIA OO ISKU XISHOOD NIN IYO NAG WAXAAD TAHAY BA
waxaan hanbalyeynayaa wasiir cabdulaahi ciro hawsha qaran uu laascaanood ka hayo
kuwa falalka argagaxiso ka wada gacan bir ah ku qabo mudane hawna nixine.
kaashana maamulka puntland ee aynu dariska nahay xidhiidhka fiicana inaga dhaxeeyo dhagna haw dhigin beenta saxaafada