Waxaa cirka isku sii shareeray Qilaafka ka dhex taagan Ciyaaryahanka Kooxda Inter Mario Bolatelli iyo Tabarahiisa Jose Mourinho, iyadoona ay arintaan sii kicisay hadal uu dhawaan jeediyay Macalinka Kooxda Inter Mourinho.
Mourinho oo si weyn kaga careysanaa waxyaabihii uu sameeyay Bolatelli Ciyaartii Coppa Italy Ee Fiorantina kaga horjeedeyn ayaa dhawaan mar kale saxaafada siiyay hadal si weyn kaga careesiiyay Bolatelli kaasoo ahaa in caqliga Bolatelii uu yahay mid aad u yar isla markaana Xididgaan ka cabsanayo Kaamirooyinka.
Hadalkaan u jeediyay Mourinho ma uusan qancin Taageeraha caanka ah Ee Kooxda Inter waa Wasiirka difaaca Dowlada Talyaaniga Ignazio La Russa.
Ignazio ayaa si weyn u difaacay Xididga Kooda Inter mario Bolatelli waxuuna yiri.
“..Mourinho waxaa waajib ku ah inuu joojiyo habdhaqanka xun ee uu aabe kula dhaqmo wiil madax adag,waa inuu jaceyl iyo wanaag u muujiyaa Bolatelli..”
Waxuuna intaas ku daray.”..Mario wali wuu da’ayaryahay waana xiddig weyn, marka waxaa aaminsahay in Mourinho uu kaligii yahay qofka dhibaateynaya Bolatelli,waana taas mid igu qasbeysa inaan dhaho inay jiraan waxyaabo qaldan..”
Dhinca kale Mourinho ayaa sheegay inuu dhamaaday qilaafkii ka dhex taagnaa isaga iyo Bolatelii,isagoona badal ahaan ku so galiyay ciyaartii axada Caglier la yeesheyn,isagoona ciyaaryahanka 9-daqiiqo ee ugu dambeesay soo galiyay ciyaarta.

Xussen Maxamed Cabdulle (Riiko)
riiko@horseedmedia.net
sport@horseedmedia.net
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!