Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Yemen Abubakar Al-Qirbi iyo Wasiirka Kallumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee DFKM ah C/raxmaan Xaaji Aadan ayaa waxaa ay kulan ku qaateen magaaladda Sanca ee caasimadda dalka Yemen.
Kulanka ay wada qaateen labadaas masuul ayaa waxaa uu ahaa mid ay kaga hadlaayeen xiririrka uu dhaxeeya labada dal, iyadoo ay sidoo kale kawada hadleen xaaladda iminka ka taagan dalka Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibadda ee Yemen ayaa sheegay in Xukuumadda Yemen ay si aad ah uga walaacsantahay xaaladda iminka ka taagan dalka Soomaaliya ayna diyaar uu tahay in ay wax ka qabato.
Waxaana uu tibaaxay in Dowladda Yemen ay wax ka qabanayso xaaladda cakiran ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.
C/raxmaan IBBI Wasiirka Kallumaysiga ahna Ra’isulwasaare Kuxigeenka DFKM ah ayaa isna soo dhoweeyey talaabooyinka ay qaadayso Dowladda Yemen oo ay wax kaga qabanayso xaaladda dalka Soomaaliya iyo taageerada ay siiso DFKM ah.
Kulankaas ayaa waxaa uu kusoo dhamaaday iyadoo labada dhinac ay isku afgarteen in wada sameyaan Iskaashi dhan weliba, iyadoo Dowladda Yemen ay ka mid tahay wadamada la socda xaaladda dalka.
Horseed Media
Wiil dheh,