Dahabshiil
Golis

Askar ka tirsan DFKM ah oo Qarax Miino ku dhintay

Qarax miino oo ah nooca dhulka lagu aaso ayaa maanta lala beegsaday ciidan ka tirsan kuwa DFKM ah oo ku sugan Muqdisho.

Gaari nooca dagaalka ah oo ay wateen Ciidanka DFKM ah ayaa waxaa uu qaraxa Miino haleelay xilli uu maraayay mid ka mid ah Buundooyinka ku yaala Degmadda Xamar Jajab ee magaaldda Muqdisho. Dad goobjoogeyaal ah ayaa Saxaafadda u sheegey in ay ku dhinteen lix kamid ahaa Askarta saarnayd gaarigaasi, waxaana ku dhaawacmay 5 askari oo kale.

Markii uu qaraxa Miinada dhacay ayaa waxaa Askartii saarnayd gaariga ay Rasaas ooda kaga qaadeen dadkii goobtaas maraayay, waxaana aan la aqoon Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Rasaastaas ay fureen Ciidanka DFKM ah.

Xarakadda Al-Shabaab oo qaraxaas ka dib soo saaray War Saxaafadeed ayaa waxaa ay sheegteen in ay qaraxaas ka dambeeyeen. Ma jirto ila iyo hadda cid ka tirsan DFKM ah oo ka hadashay qaraxaas Miinada ee lala beegsaday Ciidanka DFKM ah.

Horseed Media

RELATED STORIES

One Response to “Askar ka tirsan DFKM ah oo Qarax Miino ku dhintay”

  1. camir says:

    markasta waxaa ciidamada dawlada lagu laya sixa ladeysan logana gacan sareya,tasina waxay mujinaysa tabar yarida iyo awod la’aanta haysata dawlada iyo cidamada oo aan lahan wax tatiko ama istara hiyad ciidan,mida kale mamulka dawladu ama cidanka dawlada masamayen burburinta gobaha aay fadhiyan ninmaka ka sohor jeda,mida kale hadii lola diriro sida aay udagalaman waxaa shici lahayd in aay jijin lahayen qaraxyada nocan oo kale ah,hadaba waxaan kula talin laha qolada dawlada sheganayasa in aay sameyan kox wax qarxisa oo laxisabtanta qoladan argagixisada ah,mida kale waxay awod uwayen cidan sirdon ah oo saldhigoda burburisa iyo hubkoda halkasana kuwiqda taliskoda iyo tabartoda,mida kale dadka logu yero shicinka oo aan so shegen dadka cadawga ku ah ummadd hadii aay dhintan ha’ogaden in aay cadawaga ummada saxib layihin.