Dahabshiil
Golis

Faahfaahin Iska Horimaad dhexmartay Ciidan kawada tirsan DFKM ah

Barqadnimadii maanta Ciidan kawada tirsan kuwa DFKM ah ee Soomaaliya ayaa waxaa uu Iska horimaad ku dhexmartay,kuwaas oo ka kala tirsan Milateriga iyo Booliska.

Iska horimaadkaas ayaa waxaa uu ka dhacay Xeradii hore ee tababarka Booliska ee loo yaqaano Iskuul Policia,waxaana uu yimi ka dib marki Ciidanka Booliska ay rasaas ku fureen kuwa Milateriga ee halkaas ku xaraysan.

Sarkaal ka tirsan Booliska DFKM ah oo uu waramay Horseed Media ayaa sheegay in Ciidanka Milateriga ay yihin kuwa lagu soo tababaray dalka Jabuuti,soona gaaray dhowaan Muqdisho.

Waxaana uu sheegay in ila iyo 5-Askari oo labadda dhinac ka kala tirsan ay ku geeriyoodeen ayna ku dhaawacmeen inka badan 4-Askari oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Sarkaalka ayaa sheegay in markii dambe ay Saraakiisha Booliska dhex galeen labadaas Ciidan oo cabaar dagaalku ka dhex aloosnaa

Ciidanka DFKM ah ayaa inta badan ay Iska horimaadyo iyo dagaalo ku dhexmarta magaalada Muqdisho,kuwaas oo isku khilaafa waxyaabo kala duwan.

Horseed Media.

RELATED STORIES

Comments are closed.