Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka DFKM ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo waramaaya in maanta lagu afduubtay gudaha magaaladda Muqdisho.
Xildhibaanka ayaa waxaa lagu magacaaba Saalax Badbaado,waxaana laga afduubtay Hotel uu ka degnaa Magaaladda Muqdisho ee lagu magacaabo Weheliye kaas oo aad loo ilaaliyo.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa waxa ay Saxaafadda u sheegeen in Kooxo hubeysan oo aan haybtooda la aqoon ay Xildhibaanka ka kaxeysteen gudaha Hoteelka,iyagoo si lama filaan ah gudaha Hoteelka loogu arkey.
Waxaana ay kooxahaas ay ahaayeen kuwa aad u hubeysan,iyadoo warar qaar ay sheegaayan in ay wateen gaadiidka nooca dagaalka ee loo yaqaano Tiknikada.
Mudaneyaal ka tirsan Barlamaanka DFKM ah oo ay Horseed Media la xirrirtay ayaa waxaa ay xaqiijiyeen afduubka Xildhibaanka,waxaana ay ka gaabsadeen in ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan.
Warar kale ayaa waxaa ay sheegaayan in Xildhibaanka uu isku dhiibay Xarakadda Mujaahidinta ee Al-Shabaab ee ka mid ah Xoogaga Mucaaradka kasoo horjeeda DFKM ah.
DFKM ah ayaa iyaduna ku dhawaaqday in ay xaaladda Xildhibaanka iyo Xorriyadiisa uu xilsaartay Guddi gaar ah oo la socda xaaladda xildhibaanka.
Waa marki ugu horeysay Mudane ka tirsan Barlamaanka DFKM ah lagu afduubta gudaha magaaladda Muqdisho.
Horseed Media.
Intan baa ah inta aanan fahmayn…
Gudi gaar ah loo xil saaray?