Dahabshiil
Golis

Banaanbaxyo ka dhacay Magaalooyinka Beledweyne, Baydhabo iyo Muqdisho

Waxaa maanta Magaalooyinka Beledweyne,Baydhabo iyo Muqdisho ka kala dhacay banaanbax kaas oo ay dhigeen dadweynaha halkaas ku dhaqan Salaadda Jimcaha ka dib.

Muqdisho

Dad boqolaal gaaraya ayaa waxa ay Mudaharaadka ku dhigeen duleedka magaaladda Muqdisho gaar ahaan meel uu dhaxeysa Ceelasha Biyaha iyo degmadda Afgooye ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Waxaana Mudaharaadka uu ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen Ururka Xisbul Islaam ee ka arimiya degmadda Afgooye iyo Ceelasha Biyaha. Waxuuna ahaa mid looga soo horjeeda DFKM ah iyo Ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Masuuliyinta Xisbul Islaam ayaa iyagu wax hadal ah ujeedin dadkii Banaanbaxa dhigaayay, kuwaas oo ku dhawaaqayay hadalo ka dhan ah DFKM ah iyo Ciidanka AMISOM.

Sidoo kale dadkaas waxaa ay cambaareyn iyo hadalo kulul ujeediyeen Dowladda Jabuuti, ayagoo muujinmayey sida ay uga soo horjeedaan go’aanka ay dhowaan Dowladda Jabuuti ku dhawaaqday oo ahay in ay Ciidan nabad ilaalineed uu soo dirayso Magaaladda Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa waxaa uu kusoo dhamaaday jawi wanaagsan,iyadoo aan wax rabshado halkaasi ka dhicin.

Beledweyne

Banaanbaxa ayaa ahaa mid ay sidoo kale soo qaban qaabiyeen masuuliyinta Ururka Xisbul Islaam ee ka arimiya gobolka Hiiraan.

Waxaana kasoo qaybgalay dad Boqolaal ah iyo Odeyaal dhaqmeed iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Saraakiisha Xisbul Islaam.

Ujeedka Banaanbaxa ayaa ahaa mid lagu taageerayay Heshiis maalinimadi shalay ay halkaas ku gaareen Odeyaasha Beesha Xawaadle iyo Masuuliyinta Xisbul Islaam,kaas oo ku aadana in la taageero Maamulka Xisbul Islaam laguna dhaqmo Shareecada Islaamka.

Gudoomiyaha Xisbul Islaam ee gobolka Hiiraan Shuuriye Faarax Sabriye kaas oo sheegay in ay aad uu soo dhowaynayaan heshiiska,waxaana uu ugu baaqay cid weliba oo taageersana Ciidanka DFKM ah ee gobolka Hiiraan iyo Culima’udinka Ahlu-Sunna Waljameeca in ay dib ugu soo laabtan magaaladda aysan wax yeeli doonin.

Waa marki ugu horeysay Banaanbax noocaan oo kale uu ka dhaco magaaladda Beledweyne mudo sanado ah.

Baydhabo

Mudaharaad ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Xarakadda Al-Shabaab ee ka arimiya goboladda Bay iyo Bakool ayaa Salaadi jimcaha ka dib ka dhacay goob fagaaro oo ku yaala magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Dad Boqolaal ah oo watay boorar ay kusoo qoreen hadalo ka dhan ah DFKM ah kuna amaanayay Xarakadda Al-Shabaab ayaa kasoo qaybgalay Mudaharaadka.

Sheikh Ibraahim Axmed oo ka mid ah Saraakiisha Xarakadda Al-Shabaab ayaa khudbad ujeediyey dadweynihii Mudaharaadka dhigaayay,waxaana uu sheegay in Al Shabaab ay si wadi doonaan howlgaladooda.

Waxaana uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan in ay ka qayb qaatan Jihaadka lagula jiro waxaa uu ku yeeray Cadowga Alle.

Mudaharaadyadan ayaa ahaa dhamaantood mid ay soo qaban qaabiyeen Xoogaga Mucaaradka ee kasoo horjeeda DFKM ah,waxaana aan jirin wax dhibaato ah ka dhashay.

Horseed Media

RELATED STORIES

2 Responses to “Banaanbaxyo ka dhacay Magaalooyinka Beledweyne, Baydhabo iyo Muqdisho”

  1. Hibaaq says:

    Horseed ayaantan waad ka soo daraysaan.
    Idacadaha local ah booskoodii ayaad ku noqoteen
    Awal maqaladii, wararkii xiisaha badnaa. mise ragii qori jiray ayaa tagay. sida cumar miyuu aha, iyo raga kale

  2. yussuf says:

    maaaaaashaaaaaaaaaaaaaalh