Magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya ayaa waxaa muddo asbuuc ah ka socda shir ay yeelanayaan Wafdi ka socda DFKMG iyo dhaq dhaqaaqa Ahlu Sunnaa Waljamaaca.
Shirkan oo ah mid qarsoodi ah ayaa soo shaac baxay todobaadkan, ayadoo wafdiga ka socda Dowlada Federaalka uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada Shariif Xassan Shiikh Aadan, waxaana ku wehliya xubno kale oo xukuumada ka tirsan, waxaa ayaguna magaalada Addis Ababa kula kulmay xubno uu hogaaminayo Macalim Maxamuud Shiikh Xassan oo ka socda Ahlu Sunna Waljamaaca.
Shirkan ayaan la shaacin qodobada looga wada hadlayo, balse labada dhinac ayaa ah ayagu kuwo ka mideysan dhanka dagaalka ay kula jiraan kooxaha Al Shabaab iyo Xibul Islaam.
Balse waxaan weli cadeyn shirkan inuu salka ku hayo in heshiis labada dhinac ay ku mideyn doonaan siyaasadooda, ayadoo Ahlu Sunna Waljamaaca ay tahay awooda ugu weyn ee Al Shabaab iyo Xisbul Islaam kula dagaalamaya gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaanahan sheegayey inay qaadayso duulaan balaaran, walow hada Dowladu culeys kasoo fuulay dhanka Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo xoojiyey maleeshiyooyinkii ka joogay magaalada Muqdisho.
Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa horey loogu eedayn jiray inay taageero ka hesho dhanka Dowlada Itoobiya, wallow eedayntaasi ay beeniyeen hogaanka dhaq dhaqaaqaasi Ahlu Sunna.
Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Axmed ayaa hada kahor ku tilmaamay Ahlu Sunna Waljamaaca in ay yihiin Jabhad hubeysan oo dagaal ku jirta, xili uu ka hadlayey in xiriir ka dhaxeeyo DFKMG iyo Ahlu Sunna.
Hadalkaasi ayey horey uga caroodeen Ahlu Sunna Waljamaaca oo codsaday in Shiikh Shariif raali gelin rasmi ah ka bixiyo halkaas, inkastoo raali gelintaasi aan weli laga maqal dhanka Villa Somalia.
Macada sababta keentay in labada dhinac ee DFKMG iyo Ahlu Sunna ku kulmi waayaan gudaha dalka Soomaaliya, ayadoo Ahlu Sunna Waljamaaca ay ka taliso qeybo kamid ah gobalada dhexe ee Soomaaliya, halka dowlada Federaalka KMG ay ku sugan tahay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho.
Shiikh Maxamed Xiifow oo ah Guddoomiyaha golaha Fulinta ee Ahlu Sunna Waljamaaca oo maanta Wareysi khaas ah siiyey Horseed Media ayaa asagu beeniyey inuu jiro shir rasmi ah oo dhexmaraya maamulkooda iyo DFKMG, asagoo intaasi ku daray inuusan jirin wax khilaaf ah oo dhexyaala Ahlu Sunna Waljamaaca iyo DFKMG. Wuxuu Shiikh Xiifow uu sheegay in loo baahan yahay dowlada inay qaadato kaalintii looga fadhiyey oo ahayd inay dagaal kala hortagto kooxaha kasoo horjeeda.
Dowlada FKMG ayaan dhankooda si rasmi ah weli uga hadlin shirkan la sheegay inuu ka socdo magaalada Addis Ababa.
Ahmed Musse
Horseed Media
waa ceeb iyo waji gabax aan ku haboonayn,in soomaalida wax walba oo ka dhexeeyo,ay iyagoa dhexdooda aysan ka wada hadli karin,DFKM iyo ururka suufiyiinta ah waxa ay ahayd in ay haddi wada xaajood doonayaan in lago qabto somalia gudaheeda.tan kale ururkan suufiyiinta ah ma laha dad madax ah oo,oo ka masuul ah,suufiyiinta oo dhan,waana urur ujeeda badan ah,mana haboona in urur magac diimeed wata oo cusub uu ku soo biiro masrax siyaasada somalia waayo kuwii hore ayaaba qaati laga joogaa.waa in la furo xisbiyo siyaasadeed,rag ururda diinta watana ay ku biiraan,xisbiyada siyaasada,waa waqti dhumis wax nabad ah ma soo dhawaynayso.tan kale waxa meesha ka maqan in shir buuxa,oo nabadaynta somalia ah dalka lago qabto.si loo dhiso nidaam shaqaynkara oo ku dhisan habka dimoqoraadiyada asxaabta badan,somalia uma baahna ururo diimeed oo siyaasada ku lug leh,haddi ay ahaan lahay maxganadaha ,al shabab iyo xisbul islaanm,iyo suufiyiinta intuba waa isko mid oo waxa ay ka soo horjeedaan nidaamka dimoqoraadiga ah,loomana baahna,kooxahan iyo hogaankooda ku dhisan jujuubka.