Xoghayaha Arrimaha Dibada ee dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa maanta waxaa u bilowday Safar sadex maalmood qaadan doona oo ay ku tageyso dalalka Sucuudiga iyo Qatar.
Safarkan ayaa ah mid Dowlada Maraykanka ay dooneyso inay dalalka Carabta uga hanato taageeradoo ku aadan sidii looga shaqeyn lahaa cunaqabateyn lagu soo rogo dalka Iraan.
Hillaray Clinton ayaa safarkeeda kusoo beegmayaa xili lagu wado in Dowlada Maraykanka ay afar wadan oo Carab ah siiyaan hubka Gantaalada waxsoo rida ee loo yaqaan Beytariyot (patriot)
Mrs.Clinton ayaa kala hadli doonta hogaamiyaasha dalalkaasi Carbeed sidii looga wada shaqeyn lahaa iskaashi dhexmara reer Galbeedka iyo Wadamada Carabta si looga hartago khatarta ka imaan karta barnaamijka Nukliyerka ee dalka Iran.
Waxay sidoo kale Mrs.Clinton dalalka Sucuudiga iyo Qatar kala hadli doontaa sidii dib loogu soo nooleyn lahaa waan waantii laga dhexwaday Falastiiniyiinta iyo Israil.
Safarka Clinton ayaa imaanaya maalmo kadib markii Dalka Iraan uu xusay sanadguuradii 31aad ee Kacdoonkii Islaamiga ahaa, munaasabadaasi oo uu Madaxweynaha Iraan Mohamud Ahmedinajad uu uga dhawaaqay in dalka Iraan uu ku biiray dalalka Nukliyerka soo saara.
Dalka Iraan ayaa ku doodaya in barnaamijkiisa Nukliyerka uu yahay mid nabad ku saleysan oo ay ku dhalinayaan Koronto ama tamarta, balse dalalka reer Galbeedka iyo kuwo badan oo carab ah ayaa u arka barnaamijka nukliyerka ee Iraan mid uu dalkaasi ku sameesanayo hubka halista ah ee Nukliyerka.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!