Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Juventus oo Mudo Ka Dib Guul Heshay iyo Ronaldo Guul u Horseeday Naadigisa Real Madrid

Naadiga Juventus ayaa dib usoo fuushay wadadii guulaha ka markii ay 3-2 ku dirtay Kooxda Genoa ciyaar xiiso laheyd  oo goor dhaweyd soo idlaatay.
 
Juventus ayaa soo gabogabeesay in ka badan 40- maalmood oo aysan wax guul ah arkin, iyadoona taasi si weyn ugu mahadcelineyso Captain-kooda Delpeiro oo 2-Goal ka saxiixay ciyaartaan isla markaana guushii ugu horeysay faraha ka saaray Macalinka dhawaan xilka tababaranimo la wareegay Alberto Zaccheroni.

Captain Del Piero iyo Marco Rossi oo Genoa ka tirsan ayaa labo Gool ka saxiixay ciyaartaan, iyadona Amauri u midka kale u ansaxiyay Naadigisa Juventus, kaasoo Xididga u noqnaya goolkii ugu horeeyay tan iyo bishii October.
 
Guushaan ayaa Jventus u hogaamisay inay soo cariirsato  booska 5-aad, iyadoona ay la wadaagto Kooxda Napoli oo caawo waqtiga dambe ciyaar adag la leh Naadiga Hoganaka Serie-A haya Inter Milan.
 
Kooxda Roma ayaa dib u hanatay booska 2-aad ee Serie -A ka dib markii ay 4-1 ku samarsiisay Naadiga Palermo.
 
Ciyaartooyda kala ah Totti,RiiseBright iyo Babtista aya goolasha ay ku badisay Roma u saxiixay.
 
Kulamadii kale ee dhacay Galabta:
 
Cagliari 3 – 1 Bari
Catania 0 – 0 Atalanta
Chievo 0 – 1 Siena
Juventus 3 – 2 Genoa
Livorno 0 – 1 Bologna
Parma 0 – 2 Lazio
20:45 Napoli ? – ? Inter Milan
 
Dhincae kale Naadiga Real Madrid ayaa 7-daqiiqo gudahooda ku soo afjartay Natijada ciyaartii ay la yeelatay Naadiga Xerez, ka dib markii ay iska caabin adag la kulantay qaybtii hore ciyaarta.

Cristiano Ronaldo ayaa Naadigiisa u hogaamiyay inay 3-0 ku garacaan Kooxda Xerez, iyadoona ay cadaadiska ku soo kordhgiyeen Kooxda Barcelona oo haatan labo dhibcood oo qura hogaanka LA Liga ku heysa.
 
Daafcaa Kooxda Madrid Arbeola ayaa goolasha furay daqiiqadii 64aad ka dib markii uu ka faaideystay baas wanaagsan uu ka helay saaxiibkisa Hiuguin, hase yeeshee Ronaldo ayaa labo Gool oo is xigta ansaxiyay, taasoo soo gabogabeesay natiijada ciyaarta, isla markaana faraha ka saartay guusha Kooxda Madrid oo haatan leh 53-dhibcod, waxeyna labo dhibcod ka hooseysaa Barcelona oo caawo kulan adag la leh Naadiga Atletico Madrid.

Xussen Maxamed Cabdulle (Riiko)
riiko@horseedmedia.net
sport@horseedmedia.net

RELATED STORIES

Comments are closed.