Waxaa magaalada London lagu qabtay xaflad si weyn oo heer sare ah loo soo agaasimay taasoo looga gol lahaa in lagu furdaamiyo xaalada Lamaane British ah oo oo muddo 4 bilood ah afduub loogu heystey degmada Xarardheere ee dalka Soomaaliya.
Dadweyne gaaraya ilaa 800boqol oo qof, fanaaniin, suxufiyiin caalami ah, ayaa xafladan ka soo qaybgalay, dadku waxay ruxayeen boorar ay ku qoran yihiin ha la sii daayo Paul Chandler iyo afadiisa Rachel.
Dadkii kulan weynahan ka hadlay waxay dhamaantood isku raaceen sida ay uga xun yihiin in qoyskan howlgabka ah ay u qafaalan yihiin dableyda Somalida ah, iyadoo waliba xaaladooda caafimaad aad looga dayrinayo.
Dhegayso Wareysiyo la xariira Xafladan (Barnaamijka Socdaalka Dunida)
Dhamaan jaaliyada Somaliyeed waxay muujiyeen taageerada ay siinayaan iyo isgarabtaaga lamaanahan eheladooda, waxayna balan qaadeen inaysan seexan doonin ilaa iyo inta ay dib u heli doonaan xoriyadooda.
Maalmihii u danbeeyey waxaa sare u sii kacayey in jaraa’idka ingiriiska ay wax ka qoraan umuurta labadan lamaane iyagoo sidoo kale xusayey inay jiraan Soomali isku xilqaantay inay falkan burcadnimo ka gil-gishaan aadna uga xun.
Soomaalida ku nool Britain waxay helaan kaalmo iyo caawimaad dhinac walba ah, waxaana si fiican loogu soo dhoweeyey wadankan Britain kadib markii ay kasoo haajireen dalkoodii Somaayi oo muddo 20sano ah dagaalo hadba waji ah uu ka holcayey.
Sidaa daraadeed waxaa Soomaalida Britain isla qireen inay tahay in abaalka iyo bini-aadamnimada loo galay darteed in duqeyda iyo waxgaradka reer Xarar-dheere xil weyn iyo masuuliyad iska saaraan sii deynta lamaanaha Paul Chandler iyo xaaskiisa Rachel.
Inkastoo afduubayaasha lamaanahan ay dalbanayaan lacag madaxfurasho oo aad u badan hadana waxaa kulankan samatabixinta Chandlers lagu cadeeyey inaan wax lacag ah la bixin doonin, lagana dalbanayo dableydan inay ku sii daayaan lamaanahan si shuruud la,aan ah iyagoo xurmaynaya dhaqanka wanagsan ee Somaliada, islaanimada iyo Martida.
Xafladan oo ay qaban-qaaabadeeda iyo isku duba ridkeeda lahaayeen guddi heer sare ah oo arrintan u xilsaarnaa hadana waxaa mahad balaaran loo celiyey dedaalkii iyo juhdigii faraha badnaa ee uu geliyey la,aantiisna aysan suutoobi lahayn in xafladu qabsoono Mudane Ahmed Nur Yusuf (Cawar) oo ka mid ah hogaamiyaasha ururada Somalida ee London.
Ugu danbayntii waxaa iyagana bogaadin muddan saxafiyiin Somali ah oo arrinta lahaytayaasha ka ciyaaray door shariif ah, haday noqon lahayd in la sameeyo barnaamijyo baraarujin ah oo arrintan ku saabsan ama xiriirka jaraaidka iyo idaacadaha caalamka oo ay u muujiyeen sawirka dhabta ah ee Somaliada ee aan ka ahayn kan qafaalka iyo burcad-badeeda.
Horseed Media
London, UK
To Salmaan Sheekhuna Abu Abdirhmaan
Runtii fikirada idin ka soo maaxneysa waa mid xaqiiq ah kuna dheehan tahay cadaalad, waxaase iyana hubaal ah iney jiraan dad-badan oo Puntland u dhashey wax u qabta dadkooda balse waxaa inagu badan dadka halagaasheego wax u qabta walow dadka shirkan qabtey ey yihiin dad wax-tar u leh ummada Puntland shaqooyin badan ka qabtey aad baan uugu amaanayaa shaqada ey qabteen imka waana mid wanagsan balse waxaan la in-kiri karin iney badan yihiin dad lacagtooda ku baxsha arimo kale balse aan Puntland waxba u qaban.
horta waxaan mahad ucelinayaa.horseed sida wanaagsan ay umada ugu shaqayso ..anigu waxan oran lahaa rer puntland inan sumcadeeda lagu dheeli karin waayo puntland waa dad nabadgalyada jecel.tankale dadka heysta LamANAHA waxaan dhihi lahaa sumcada soomaali haku dhelina iska daaya waayeelka .hadaad xishooneysan ..nabadgalyo
cajiib waaye in xafladan la qabto waan ka helnay in somalida ay meel ka istaagto arrintan oo dadka tusaan xafladaas si qurux badan bey u dhacday interviega waxaan ka ogaanay in waanwaan socot dadkaas ilaahay ha guuleeyo si nabad ahna u isaga siidaayaan dadkaan la sheegay ineey sheeb yihiin.
s c dhaman umada somaliyedd and shacabka reer puntland,
aniga waxaan aad uladhacay sida eeya runta ushegayan walaala salman iyo sheekhunaa, dadka reer puntland oo mesha ka muuqada waa halaa gaa shega, never seen them doing fund raising for hospital, school, and ceel biyo and road. I wish they realise duty to help their and stop showing off for others. today puntland needs urgent help in everyway.
many thanks
waa xaflad qurxoon aad u habaysan waxaan kaloo u mahadcelinayaa xogata dhabta ah ee horseed nasiiyeen iyo wareysida faah-faahsan
jaaliyad ahaan waanu ka xunahay in dadkaas masaakiinta ah la afdubto.
xafladan waa mid cajiib ah maashalaah
thank u horseedmedia
salaa dhamaan umada somaliyeed melkasta oo ay jogan salaan ka dib waxaan wax yer ka dhihi lahaa shirkan lagu qabtey loddon oo loga hadalaayo siideynta lamaanah BRISISH KA ah walaal aniga waxey la tahay waa rin fiican in umada wax looqabtop soomali baa nahay inagu wax ina caawiya waan jecelanahay lkn inan dadaka wax inatar u abaal gudno mana qaan marka waxaan dhihi lahaa inka la yiriraahdo somalida aad baa loogu soo dhoweeyey Britisha markii ay tageen iyaga oo qa xooti ah sharciyaa la siiyey caafimaad baa lasiyey wax walabaa loo qabtey dadaki bina aaden tinimadaa inoo sameeyey waxaan oogu abaa dug ney inaan dahcano afduubno aad baan soo dhoweynanaa shirkaan kaan looga wada hadalaayo siidenta lamanahan British ak ah ragii soo abaabuleyna waxaa la dhihi karaa waa geesiyaal aqoon leh somalina matali kara lkn somali baa nahay libta ismasiino ninka ladho sheekhunaa waxa uu sheegay odayaasha puntland waa istu tus wax buu ka gadley walaal lashaqee walalahaa hadii aden lasha qeyn karina ama adenw waxba ku taageri kari kadaa hadelka xun afkaagan ilaali alle ayaa kula xisaab tamaya kuna weydiinay waxaa sameysan igana rali ahaa sxb thnks mar labaad
sc wr wb.waxaan ku raacsanahay fikirka (salmaan) dadka reer puntland waxay jecelyihiin meel kasta buuxis iyo is tus tus qaar ka mid ah waxaan ogaa iyagoo ka caytama idaacadaha. waliba nacayb buuxa u qaba sida kan oorafanaha ku koray ee xildibaanka laga dhigay dowladii shariifka waliba akhasu naas duli ah sida ka muuqata sawirka hore kan garka cad.
marka hore reer puntland xagayga uga timid musiibada waa in la is waydiiyo waxaa duleeyay dowladii siyaad bare oo kala qooqoobay kan dhigay reer yar reer badan, kuwaasna u badnaayeen kuwii ugu liitay reerka uu ka xulan jiray sida kuwooda aan lahayn dad nimada uuna u dhiibi jiray xukunka kuwa wanaagsan calqi u saleemka ahina uu xiri jiray. waxaad ka muuqata kuwa hada noo ah madax ee ku jiro tfg iyo kuweena isku sheega siyaasiinta. maxay wadankooda u qabtaan? waa dad dano gaar leh waliba aan ka muuqan deegaankooda in ay ku mintidaan. waxaad arki markii uu yimaado masuul puntland waxaa jeebka ku wato dad reerkiisa ah cabdulahi- cade muuse-faroole-ba dadkaas oo ka soo dhawaysta dadka ay xilka u hayaan. marka jaliyada dibada waxaa u kala baxsan yihiin kuwa calooshood u shaqaystayaal. kuna naaxa magaca puntland jaliyada puntland qaarna isku sheega siyaasiyiin aqoon yahano odayaal wxm.reer puntland waxay barteen wax la dhaho halagaa sheego. ka soo qaad. dowladii cabdulahi yuusuf waxaa u dhisay. baydhabo.iyo jowhar. dhaqaalo badan ku baxay.iyo intii shirka socday kenaya. dowladii cade muuse waxay bixisay qarash badan iyadana sida dhaqalaha u siiyay shariif sakiin iyo dib heshintii labad beelooda ee habar gidir saleeban iyo sacad.marka maxaad kala yaabi kuwii wadanka mamulayay baa sidaas ah kuwii dibada joogay maxaad moodaa? waxaan kalo hilmaay faroolena xagee buu galin doonaa dhaqalaha puntland ? waxaad maqli anoogoo beelo hebel bayaan soo qornay! ma ka helaysida anagoo ah shacabka reer puntland marka qabiil ayaa kala wayn dowlad nimo.iyo hurmar. sidee lagu xalin karaa arinkaa hadaad tiraahdo wax bilowna waxaa jiro kuwa maskaxdooda ku jirto dan reer buu wataa! puntland dibada iyo gudaba wax isma dhamaan ee waxaa talo iga nin walba meesha uu ku nool yahay ilaah hadku amaan sado wale waa iga dhab dad lumay bay noqdeen dadkeena.wc wr w b
Waa iga talo waa iga Suaal
Horta ma anaa waalan mise cadan baa laga heesayaa, shirka waxaa qaban-qaabshey dad reer Puntland ah, suaasho waxa weeye dadka qaban-qaabiyay miyaysan ogeyn xumaan loo-qabo Puntland in laga sheegey TV universal in lamaanahan lagu heysto Puntland. Mise dadka reer Puntland waa umul oo wax waliba waa iska ilaawaan, dadka shirka soo qabtey amase host gareeyay waxaan oran lahaa Puntland ayaa u baahan Hospital Jidad barnaamijyo caafimaad inta aad halagaasheego wax-qabaneysaan wale iney-dan wanaag ka heleyn waxaan la soconaa in lamaanaha meesha lagu heysto beesha ka timi eysan u mahad-niqin dadka Puntland maadama summacadoodi ey difaaceen waayo shirkan waxa uu ahaa mid dadka reer Xaradheere sumcadooda lagu difaacayo waxaase is-weydiin mudan qof mahadnaq u jeedshey dadkii soo qabtey xaflada oo u dhashey Xaradheere ma arag, waxaan codsanayaa qofka ka jawaabi doona suaalahan waa inuu ii keena cadeyn balse uma baahni sheeko aan macquul noqon karin waxaan ka imi Galbeedka London anoo u imi bal inaan muujiyo shucuurteyda ayaan ka dhex-arkey shirka dad-badan oo reer Puntland ah arintan dhex-boodaya balse waxaan oran lahaa charity starts at home ee walaal-yaal gurigiina Puntland wax u qabta markaas ayaad dadka kale wax u qaban kartaan