Tan iyo markii ay bur burtey dawladdii awoodda lahayd ee Soomaaliya muddo 20 sano ka hor, waxaa faraha ka baxay hubka la isku gumaado oo noocyadiisa kala duwan leh, hubkaas oo qayb lixaadleh ka qaatey burburka dalkii Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in hubkaasi galaaftey nafta dad aan ka yarayn hal malyan, isla markaasna guryahoodi ka barakiciyey dad kor u dhaafaya laba malyan oo qof.
Ma ahan mid la soo koobi karo dhibaatooyinka uu leeyahay hubka galay gacanta shacabka, waxaana hubaal ah in hubka wax gumaada uu dunida u horseeday wax aan horay u dhicin taas oo ah in waddan xor ah muddo 50 sano maanta aanu lahayn dawlad dhexe oo shaqeysa taasna ay sabab u tahay hubka gacanta u galay dadka rayidka.
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa taariikhdu markey ahayd 23 Janaaayo 1992kii ku soo rogtey dalka Soomaliya cuno qabatayn dhanka hubka ah, laakiin go’aankaas ayaan noqon mid la ilaasho waxaana si bareer ah hubka wax gumaada ugu soo dal dalay Soomaaliya wadamada dersika la ah, iyo kuwa carabta ah ee danaha siyaasadeed ka leh Soomaaliya, waxaa iyana soo baxay ganacsato Maafiyo ah kuwaas oo hubka ka keena wadamo fog fog sida Ukrian iyo meelo kale.
Dawladda Puntland oo hadda madaxa lagashay 12 sano ayaa ka mid ah meelaha lagu tilmaamo in ay ka badbaadey colaadii ka aloosneyd qaybo badan oo ka mid ah geyiga Soomaaliya, hadaba in Puntland ay ka badbaado dagaaladii dheeraa ee Soomaaliya ka dhacay waxa ay iska leedahay sababo badan, ugu horeyn waxaa lagu tilmaami karaa galad Ilaahay siiyey dadkaas, sababaha kale ee la tilmaami karo waxaa kamid ah Odey dhaqameedyadii soo jireenka ahaa kuwaas oo aad ugu dedaalay in nabadgelyadu ay noqoto mid sugan, inkasta oo mararka qaarkood ay dhacayeen dagaalo siyaasad ku dhisan kuwaas salka ku haya arimo diineed ama mid beeleed.
Waxaa hubaal ah in shacabka Puntland uu yahay mid hubeysan, waxaana beelaha dega geyigaas ay haystaan hubka noocyadiisa kala duwan, hubka gacanta ugu jira shacabku waxa uu caqabad ku yahay in haykalkii dawladnimo dhismo, in nabad gelyadu ay noqoto mid la isku halayn karo iyo in laga badbaado dagaalo lagu hoobto.
Dawladihii soo maray Puntland ayaa lagu tilmaami karaa kuwo ku fashilmey nidaamka hubkadhigista, hay’adda UNDP ayaa sameysey dhamaadkii 2003dii barnaamij loogu magacdaray DDR (Disarmament, Demobilisation and Reintegration) kaas oo ah hubka dhigista malayshiyaadka iyo dhaqan celeintooda, barnaamijkan ayaa ku soo aadey xili uu socdo shirkii Kenya, halkaas oo Madaxweynhii Puntland uu olole ugu jirey in uu hogaanka u qabto dalka Soomaaliya, barnaamijka ayaa waxaa si toos ah loo hoosgeeyay Wasaaradda Arimaha Gudaha.
Barnaamijka DDR ayaa shaqadiisa si toos ah u bilaabay markii la doortey Gen.Cadde Muuse Boqor sanadkii 2005, laakiin waxa lagu tilmaami karaa in uu ahaa barnaamij musuq maasuq ah kadib markii isla ciidanka Puntland lagu sheegay in hubkadhigis iyo dhaqan celin lagu samaynaayo, halkaasna lagu kala direy ciidamo badan oo ka qayb qaadan lahaa difaaca Puntland, halkii la doonaayey in looga faa’ideysto in barnaamijku noqdo mid hubka looga dhigaayo shacabka iyo beelaha hubeysan.
Dawladda uu madaxweynaha ka yahay Dr.Faroole ayaa sanadkii u horeeyay ee xukunkiisa la kowsatey falal amaanka khatar geliyay, falalkaas waxaan ka badbaadin xukuumadda naftirkeeda kadib markii lagu qaadey weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan, shacabka ayaa wel wel xoogleh ka muujiyey dagaalka qarsoon ee Puntland lagu soo qaadey.
Dawladda Puntland ee cusub ayaa in badan oo kamid ah shacabka Puntland u arkaan dhanka maamulka in ay ka habaysan tahay isla markaana ka horeyso kuwii hore, waxaana looga fadhiyey in ka badan kuwii hore iyo isbedel la taaban karo, kaas oo weli rajo laga qabo in uu yimaado.
Dawladda Puntland ee cusub waxaa looga fadhiyaa in ay dar dar geliyaan barnaamijka DDR, isla markaasna ka ilaaliyaan inaanu noqon mid musuq maasuq ku dhisan sidii hore oo kale, dawladda danteeda ayaa ku jirta in ay ka hadasho goor iyo ayaan nidaamka hubka dhigista, caqabadaha ugu waaweyn ee beelaha hubeysan ay ku doodaan waa inaan si caddaalad iyo sinaani ku jirto aan hubka looga qaadeyn beelaha ee beel kale hubkadhigista loogu samaynaayo, beelaha oo aanooyin kala qaba kuwaas oo ka cabsi qaba aarsi in lagu sameeyo iyo waxyaabo kale, waxaase hubaal ah haddii barnaamij ku dhisan cadaalad iyo sinaan, dawladdu ay la timaado isla markaana ay miiska soo saarto qorshe ay ku difaaceyso dalka iyo dadka in shacabku ay warejinayaan hubkooda, isla markaana ay soo baxayso dawladd awood u leh dalkeeda.
Qorshaha dimoqraadiyadda ee dawladda ee ku dhisan in loo gudbo nidaamka axsaabta badan, waxaa caqabadda kowaad noqonkara waa hubka faraha badan ee shacabka gacanta ugu jira, waana adagtahay in mar 4aad laga gado bulshada caalamka in 66 xildhibaan wax doortaan, sidoo kale waxa ay taasi horseedi kartaa bur bur ku yimaada rajadii iyo himilooyinkii shacabka, dawladda Puntland ay noqoto med gobolo u kala go’da.
Gunaanadka maqaalkan jawaabtu waa maya meel ma wada geli karaan shacab hubeysan iyo nidaam dawladeed, waxaa horey ugu guuleystey Maamulka Somaliland, oo iyagu ku qanciyey shacabkooda in ay dawlad yihiin dawladduna u baahan tahay hubka gacanta ugu jira, hubkaas qaarna waa laga gaday shacabka halka qaarkood ay ugu deeqeen, waana midda sababtey in amniga Somaliland uu yahay mid wanaagsan isla markaana ay ka hirgasho nidaamka axsaata badan.
Suurtagal maaha in shacabku is garto oo hubka is ka dhigo isla markaana garto in hubka dawladdi leedahay, Dawladda Puntland ayaana looga fadhiyaa in ay barnaamijkan ka dhigto mid miro dhal ah iyada oo kaalmeysanaysa hay’adaha caalamka ee taageera arimahan.
Cumar Siciid
Tifaftirka
Horseed Media
bulshada hubaysan hakuwareejiyeen hubkooda dawlada waxaa loogu bedelidoonaa waxay jecelyihhiin!!
thnkx
from:cilmi
hello : my dear punt land communities please drop the guns and relax ! we see all communities are armed specially bari and sanaag regions and other regions of puntland please lets disarm our youth and send back to them schools and colleges as well as university ! i hope we will be disarmed !
waxaan u dirayaa dhamaan bahada horseed meda salaan aad u fiicay shaqada aay u hayan munada somali mar labaada waxaan salaamayaa dhamaampuntlanda……
Marka hore waxan salamayaa bahda horseed media marka xiga waxan u mahad celinayaa qoraaga maqalkan waxtarka, yididiilada iyo himilada leh qoray intaas ka dib anigu waxan qabaa fikirka ah in aan dowlad iyo shacab hub haystaa aanay is xakumi karin taas waa isla qadanay dhamanteen lakiin sidee lagu wajihi karaa sidii shacabka hubka looga dhigi lahaaa ?? waa su’aal meesha ku jirta hadaba waxan anigu is tusay hadii dowlada jirtaa ay sugto marka hore maniga oo ka hortagto falalka dhacaya wacyi gelisana in rayidku iska dhigaan hubka ajandena la timaado kaa soo ah sida ugu macquulsan ee bulshadu isga qubi lahyd hubka waayo anigu waxan qabaa hadii aan dowladu barnamjika hubka dhigista samayn ama umada ka wacyi gelin shacabku iskood uma dhigayaaan hubka .
mahasanidiiin
First Praise be to allah who gave me this Opportunity to transform my Oppinion.
My Oppinion Evolving the Disarment and Rehabilitation,how the Omar attended,Puntland Govt has lost it’s Prestige after subsequent Explosives targeted Govt Responsibilities.
Media Stations targeted Garenades and handcraft Guns,Youth Leaders killed,Clan Elders arrested and Security ousted the hand.
All these things brought what Mr:Omar Sa’ed explained,This Govt should avoid Corruption and unfair to asses it’s Acheivements as side of Security.
Qalinle Gorod Calool-Gaale
Qardho,Puntland
Independent analyst on Somali Affairs
Aad o weyn ayaan ugu faraxsanahay in laga hadlo qodobkan waayo wa mid waxtar ule dalka and dadka reer pntlnd in laga dhigo hubka waayo wanso aragnay lose and faa,ido wuxu leyahay mudo kabadan 20
years ba example nogu filan so hadeynu o gaanay soma ahan in an ka kaaf tono? madama qasaaro iyo qooys burura waxanka ahayn ana ka helayn!
Aar u kaatsha waxaan waaqici ahayn yaan la isu sheegin. maraykanka oo 200 sano dhisan dadku hub waa heysan karaan. cidii wax ku bi inaysa hala ciqaabo.waa hubka loo haysanaya? sababtoo ah awood aad amaankeyga ku sugto ma lihid,waxaa laga yaaba adiga laftaadu inaad guul wade faroole noqotid oo aan u baahdo inan iska kaa kiciyo.
Omar hal ha ilaawin somaliland guusha ay gaartay waa amxay doorashooyinkii baaba ka dhici waayay dimocracyga ahaa sababtuna waxa weeye musuq maasuq iyo shacabka oo hubaysan isla markaasna ay hada cabsi xoog leh hayso in ay habro habro isku laayaan, puntland markaa wax u sheegaysid tilmaam iyo tusaale wanaagsan somaliland ha u soo qaadan bilaah caleek, somaliya meesha kaliya oo shacabkeedu aan si xoog leh isku xasuuqin waa puntland not somliland, tusale uga dhig sida jabuti ama dowladaha waa wayn pls qoralka iska sax xaalada somalilandna soo ogow.
Illaahay subxanu Qaadir ahaa ayaa fasax noo siiyey inaan reerkeena, hantideena iyo nafteena aanu difaacan karno…marka, nin waliba xaq buu uleeyahay inuu is difaaco, marka weligiin hubkiina ha dhiginina dawllad kastoo timaada.
THE RIGHT TO SELF DEFENSE IS A BASIC HUMAN RIGHT. And our weapons help us protect these rights.
Wabilahi Tawfiiq!
waxaan dhihii lahaa puntlad waa qabiil cida u talisanah waa qabiil bay salka ku hayaan hade qabiil qabiil hubkiisa uma dhiibo farooleb goortu cade haye hubkiisa ma dhibeen hade hadan cid hal qoray u dhiibaysay ma jidho ilaa qabiilka puntland laga wareejiyo hadii kale faroole waa ku fashlmayaah ilaa nugaal hubka ka soo guro cid hub ku aaminaysa ma jidho taas yuuna ku tahsan yuunana ku fekerin
asc intaana hubka la ururin waxaa la rabaah cidii lagu aamini lahaa ilaa wali putland kama aysan bixin qabiil marka horta cidii lagu aaamini laha aayaa la rabaah hubkaas
mahadsanid
asc dhaman waan salamaya ummada rer puntland mel walba jogan runtii wan soo dhawayna omar warkaga waana arin fican in hubka laga dhigo shacabka lakise su,aasha tagan waxay tahay dowlada waa in ay damanada qada amaamka dalka & dadka shacabka puntland xududa puntland ayaga difaca tus,sale ahaan badiyaha gobalka mudug waxaa difaca shacab tus,aale ahaan balibusle marka hubka dhig cadow ka difaci mayo magaloyinka iska warega mushar ku cuna wax soconayso maha dowlad dhab marki ka helo hubka la dhiba
Dawlad musuq maasuq ku dhisan wax ma bad baadin kartaa? halah raadiyo jawaabtaasi waxaay tahay. markii jawaabtaas runteeda lagu dhaqmo ayaa shacabka puntland la bad baadin karaa.
Belaha PL Hub waa Haystaan Lakiin kuwa aan Wax ku Dilayn Dhib malaha Beshi is muujisa in ay Hub haysato oo Dadka ku Handada in laga dhigo oo aan laga Iibin ee Khasab looga qaado bay Ila tahay.Nabada PL Hub in Shabku haysto Ama usan Haysan kuma xira
آسلام عليكم ورحمةآللةؤبركاتة walal waan idin salaamay salanta islamka waaa wax wanaagsan in muwduuca markaa la soo qoro inan ka hadalo, laakin waa inana si akhlaaqleh oo allah raali ka yahay aan waxa u qoraa taas waaxan ugala jeda in mar walba allah la xasuusto walal walalala waxa so qoraay maxan wixiisa aqrisana magacisi ayaba ah yacni waxa laga xishoodo ilahay ha garansiiyo inuu saxo anaguna an ku afaraxno wabialahi taqfiiq.
ASC HORAAN OOGA HADLAY SHEEKADAAN NABADDA PUNTLAND WAXAY GACANTA UGU JIRTAA SHACABKA IYAGAA SOO CELIN KARA NABADDA PUNTLAND: SHACABKA MAANTA KU NOOL GOBALADA PUNTLAND WAXAY U BADAN YIHIIN DAD KA SOO QAXAY KOONFURTA AMA HA U DHASHAAN GOBALADA PUNTLAND AMA YAY U DHALANEE:
MARKA MAANTA LOOMA BAAHNA IN AY MAR KALE QAXAAN AMA AY MAANDARRO TII KA HESHAY KOONFUR OO KALE AY KU DHACDO :
WAXAAN LEEYAHAY SHACABKA PUNTLAND ISKA QABTA WIXII CADOW KU AH NABADIINA :
ISKA QABTA WAXA IDINKU SOO DHEX DHUUMANAAYO;
ISKA QABTA OO SHEEGA GURYAHA HUBKA LAGU HAYO
:
LA SHAQEEYA BOOLIISKA IYO CIIDANKA NABAD ILAALADA:
WAA IN AAD U SAMEESAAN 40KII AQALKA WAARDIYA ILAALIYA SHACABKA:
WAA IN LAYSLA SHAQEEYAA:
WAA IN LALA SHAQEEYAA CIIDANKA:
WAA IN CIIDAN GUDIIHA AAD SAMEESAAN:
NABADDA WAA IDIN DAN :
WAXAAN KU SOO GABAGABEENAAYA FIKIRKAYGA HA NOQONINA NINKII LAANTUU SAARNAA MASAARTA KU JARAY:
HANOQONINA KUWA MAR KALE BARAKAC IYO QAX HOR LEH GALA:
HA NOQONININA KUWA CADOWGOODII DUGSANAAYO OO WELIBA XANAANEENAAYA: WAXAAN LEEYAHAY HADAL YAR IYO HOWL BADAN
dowladdu waa dadaalaysaa, laakiin dadka ayaa laga doonayaa in ay soo qabtaan kuwa ammaan darrada wada.
aadbaan ugu faraxsanahay maqalkaan uu sooo bandhigay wallakeen cumar waxan leeyahay thanks to god who has giving u this idia , therfore waxaan leeyahay th eonly solution that we can put all the guns that we have in our hands is work peace and to understand each and every person what is meant by government iyo in nabadoonada and all chief tops of the each clan inay tahay sababata lo doortay inay ka shqeeyan maslaxada reerka oo ay ka dhigaan hubka ayaga naftooda that is my idea lknse mar hadi aad fikir keento it;s bad in laga hoos qaadi waayo waxan ka codsayna in warbixntad muhiimka ah ay dowladdu ku dhaqaaqdo oo ay print ku samayso waa muhiim
thanks
Siciid sxb, aad baad ugu mahdsantahay fekerkaaga fiican, aad bana ula dhacay runtii Waana run Puntland shacab bay leedahay maamul malaha!
halkii dawladu maanta hurumar laga sugaayey qorshe cad ma wadato dadkuna waa la yaabanyihiin siday wax u wadaaan.. Walaahi cadde muuse baa dhaamay!
Salaan dhamaantiin gaar ahaan Bahda Horseed Media.. Aaad baan u soo dhoweeynayaa barnaamijkan oo ah mid wax tar u leh shacabka reer Puntland, lakaiin puntland hada waxaa ka jiro amaan daro waxaa ka codsanaya shacabka reer Puntland amaan wax ka qabtaa insha alaahi
waa arin sax ah lakiin waa wakhtigee waa markii lahello dowlad shacabku ku kalsoonaankaro marka xiligaan dowlad kafakaraysa canshuurka in lakordhiyo wadanka dhaqalaha xumada kajirtana og iskaba daaye dakadii bosaaso inay xiranto qarka usaran tahay oo hayadihii gargaarka keeni jiray ayba dakada barbara wax kala soo dagayaan intay kacarareen canshuurta puntland waa dhibaato maamul aysanba ku jirin hurumarinta dalka iyo dadkaba awalbaana layiri puntland shacab bayleedahay ee maamul malahan waa arin run ah markaad aragto waayo shacabka puntland mudo badan buu hubku gacanta ugu jiray hadana wax iskuma yeelaan oo nabada bay waxkasta kahoru mariyaan taas bana kuugu filan cadayn hadaba bulshadu waxqabad bayrabtaa maamulkaana looga fadhiyaa arintaas
Waa arin fiican inay ku dhaqaaqan. Dowladu waxba ma qabankaro hadii aan beelaha hubka kadhigan. tusaale yar baan rabaa inaa halkan ka sheego. Waxaa boosk aan ku leeyahay xaafal carab bosaaso.Dhacdy nin asalkiis hor ka tagay gaalcayo inuu wad xir ku sameeyo isagoo raba inuu dhist dhuldawlad leeday. Markii Minshibyadii ka joojis dhismah sharcidare ee dhisay ayuu soo kaxasyt ciidan beeleed ka haray C/laahi yusuf, waa maalintii igu fajac badnay bosaaso. Dawoliidii oo tagaan baa hubloo laasoo baxay. iska haleelay halkaas. Waxaan ilaahay baajiy khasar dhexmarl labad beelood, Maalinkaas, markaa dadk hubka haysta waa in laga dhigaa waan oganhay ina dowlad puntaln laga hubbadan yahay, isimada waa inay dhexgalaan ciidamad dowlada lagu daraa hadii kalee sharci wax layiraah putlan waa ka dheeryahay
asc, bacda salan wax waa hore ay ahayd in la qabto oo laga leexday bad moda in hada la garwaaqsaday muhiimadeeda wa alle mahadiis, hadayba ka dhabeeyan, Reer p/land waxay isu haysteen inay somaliga ugu fiican yihiin dhanka maamul ka , hadayse ogaadeen, somaliland inay wax badan naga horeyso,
Salaan dhamaantiin gaar ahaan Bahda Horseed Media.. Aaad baan u soo dhoweeynayaa barnaamijkan oo ah mid wax tar u leh shacabka reer Puntland, lakaiin madaxda Puntland weli uma bisla barnaamijkan waxtarka leh, Waxaa maqan Ha’adihii Dawliga ahaa oo arrintaasi lagu halayn karo si markaasi looga gudbo hab beeleedka.
Waa in Dawladu dhaqan gelisaa balanqaadkeedii ahaa habka axsaabta badan, shacabkuna markaa si xor ah isagu wax u doortaa, Musuqmaasuqa oo lala dagaalamo , Dawlada oo ciidamo isku isku dhufan samaysata, Askari bari jooga la geeyaa bari , kan bari joogana la geeyaa sanaag kan sanaag joogana lageeyaa Mudug, kan gobolka cayn jooogana haylan, kan haylaan joogana la geeya gobolka cayn, madaxda Puntland stafka ka maarmaan oo dhulka u maraan xor yeey iska ilaalinayaa, markaa askari kastaa waajibaadkiisa waa gudanayaa intaasna aan looga harini fasaxyo koobana la siiyaa uu noloshiisa kale ku maareeyo sida markuu familkiisa soo booqanaayo!!
Hadii sidaa madaxda Puntland sameeyaan waxay ila tahayw axaa laga maarmayaa hubka dhigistii , sidaa aan kor ku xusayna ay tahay hubka dhigis askari kastaana waajibaadkisa gudanayo..
Maanta inta xaalku sidaa yahay hadii lala soo boodo hubka dhigis qayaxan beelaha ayaa iska horimanaya aragtidaydana laguma guulaysanayo, Sababtoo ah amaanka Puntland baaba maqan gobolo fara badan baa maqan oo la haysto.
Inta aanw ax barnaamij ah la isku diyaarin waxa lama huraan ah in Puntland madaxdeedu shacabka u bislaadaan oo ay kasbadaan quluubta dadka, wax badan oo khaldan baa jira ee ha lasaxo!
Mahadsanidiin
/Ahmed.
waa wax wanaagsan barnaamijka laga wado puntaland in dadka lagadhigo hubka aad baana usoo dhaweeyey waxaana moodaa in ay umuuqato wax hergali kara haddii dadka hubka looga dhigo siwadajira siiba hubka lagu heysto bari amase casha,waxaana kaloo hyb lagu heystaa mudug.waxaana inigu qabaa meelaha aan shegey waxaa yaal hub beeleed marka puntlan waa iney fiiro gaar ah u yeelataa taasi waa ra,yigeyga.
aad baan ugu mahad celinyaa dhamaan bahda horseedmedia waayo waa idaacad dalka iyo dadka u adeegta maadaama aykaga duwantahay idaacadaha kale labo mid waa mid ee waa wadani midda kale waxaa gacanta kuhaya dad ehelkeed ah oo xifrad wanaagsan leh
dhamaan markale waxan umahad celinyaa dadwaynahay fikirkooda dhiibtay
waxan leeyahay puntland waa qoos kamaid ah qooska somali waana daarood barki
hadii ay isfahmi waayeen dadkii hooyadu wadad dhashay yaa isfahmaya waa cidna
marka hadii ilaah horti loohadlana mahayno cid waxloo dhiibo oo lagu aamino maalin waa cumar marna waa cusmaan marna waa ciise marka dadku mawaxay isku dhiibaan ilmo maxamuud jawaabtu waa maya ee halayimaadeen siyaasad furfuran oo kabadan hantan haatn taagan walaalayaal
haddii kale waxan aaminsanahay in loo diyaargaroobo isreebreeb oo koobku noqondoono kursiga ciddii kaalinta koobaadkagasha oo dad laysbadnaata haqaadato una adkaata dagaalka
ilaah hanaga najeeyee walaalayaal somali ma aha sidatan oo kale waxay isku hayso waa waxy isku haysaa nolasha ee anagu nolasha miyaan isku diidanahay
acw
aad buu u mahadsanyahay qoraaga maqaalka runtii waxay ahayd arin mudan in la abaaro,waa mustaxiil meel hubku dadka gacanta ugu jiro in nabadi ka hirgasho.
maamulka puntland waxaa looga baahanyahay in uu layimaado qorshe dadka hubka looga dhigi karo ayadoo aysan dhiig ku daadan,
markale horseedmedia mahadsanidin.
asalaamucalekum waraxmatalahi wabarakaatu ilaah ba mahad iska leh nebi maxamedna naxariis iyo nabad gelyo korkisa ha ahaato horseedmidia waad ku mahadsan tahiin shaqada hufan aad u haysan shacabka somaliyeed qor madan aad ka qorteyn amniga puntland sida aniga ila tahay mahan dhibka puntland hubka ku jira gacanta shacabka : dhibka ugu weyn waxa ku haya bulshada puntland waxa waaye isla dawlada puntland . maamulku wuxu ku guul daraysay in u wax horu mar ah usameyo bulsahada .an so qadano tusaale wadamada yaman usa pakistan iyo weliba kuwo kale oo badan waxa gacanta ugu jira shacabka hub kabadan kan yaala buntland wada madaas aan so shegay waxa ka jira mamul wanaag iyo kala danbeyn marka mahan mushkilada hubku
Tafatiraha Horseed Media Mr Cumar Siciid si aad iyo aad buu ugu mahadsan yahay qodobka uu ka hadley ee hub-ka-dhista . Runtii waa arrin muhiim ah oo ay tahay sida uu u sheegey qoraaga . Hub-ka-dhigista waxaa ka horreeya in ay Puntland yeelato Hey’ado muhiim u ah habka dawliga . Waxaa hey’adaas ka mid ah Hey’adda Garsoorka oo ka madax bannaan xukuumadda , Ciidamado ah kuwo nabadgelyo , difaac iyo sirdoon oo u dhisan qaab dawli ah ee aanan ahayn kuwo maleeshiyaadyo beeleedyo . Haddii dadkii talada dalka ugu sarreeyey ay ku heeraarsan yihiin dhallinyaro ay weliba isku jifo hoos yihiin sidee baa shacabka ugu dhaadhicinkartaa hubkiina u dhiiba nin isagaba qabyaad ku shaqeysanaya . Waxaa taas ka sii daran ilaa maantadaan la joogo Puntland ma lahan wax Garsoor ah waxaa weli loo shaqeynayaa qaab aanan marnaba la jaanqaadinkarin nidaam dawladeed . Puntland waxaa sugeysa wado dheer waa haddii ay ka badbaado mawjidaha ka burqanaya Geeska Afrika .
Scw marka hore waxan mahad iskaleh allaah dabadeed waxan umahad celinayaa bahda horseed media barnaamijyada waxtarka leh ay bulshada usoo bandhigaan intaa kabacdi waxaan leeyahay waa sax dowladnimo iyo shacab hubaysan meel mawada galaan marka dowlada si ay amniga usugto waa in ay la timaado barnaamij hubkadhigis looga hir galinayo puntland oo idil si cadaalad ah shacabkuna ay arintaa dowlada ku taageeran waayo waxaa ku xiran dantooda had iyo jeerna waxan dowlada iyo shacabkaba ugu baaqayaa in ay wada shaqeeyaan si puntland ay horumar lataaban karo ugaadho. Waana mahadsantihiin
Very intresting article, aad baan uqabaa fikirkas ah in hub ka dhigis lagu sameeyo shicibka iyo beelaha dega Puntland, sababtoo ah waxaa ka dhalan kalsooni iyo wax wada qabsi dhexmara beelaha degaanka iyo dadka oo qaata nidaamnka dowladnimo.
Waxaa looga fadhiyaa maamulka puntland iney arrimahaan qaabka ugu fiican uwajahdo, si umadda puntland horumar loo gaarsiiyo, rajadeena shidaal soo saariistana mid dhab unoqoto oo ku saleysan sinaan iyo amni.
hamze
waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in la simeeyo wixii lagu badbaadi lahaa oo ah in kugu dayado dunida kale waa aay fiican tahay nabadu, waa qaale wax la heli karo ma aha ilaah ha nasiiyo {aamiin} nabadu adiga ayaa ku nool ayad kugu noolo. ku dayada duninad kale,babaadiyo ilmaha iyo maatada. badbaadiyo dalkiina, waxbarto sidaa u gaartaan dunida puntlanda, ha lagu dayado. sidaa iyo nabad gelyo guud ahaan soomaali,,,,,,,,,,