Askar ka tirsan Booliska DFKM ah ayaa xalay weerar Bambaano lagula beegsaday magaaladda Muqdisho, Sida ay ku warameen goobjoogeyaal ay Saxaafaddu la xiriirtay. Askartaas ayaa waxaa la weeraray xilli ay ku sugnaayeen Saldhig ku yaala degmadda Waaberi ee magaaladda Muqdisho Abaarihii Saqdii dhexe ee xalay.
Inta la ogyahay 3-ka mid ah Askarta ku sugnaa Saldhigaas ayaa ku dhaawacmey qaraxa, Waxaana dadkii geystay weerarkaas la sheegay inay durbadiiba baxsadeen, welina macada cida ka danbeysay weerarkan.
Askarta ku sugnayd Saldhiga ayaa iyaguna isla markii furay Rasaas aad u xoogan, waxaana aan la aqoon khasaaraha ka dhashay rasaastaas oo qadar daqiiqado ah socday lagana maqlay agagaarka Saldhiga.
Ciidamo Booliska ah oo ka tirsan kuwa DFKM oo halkaasi ku gurmar ku yimid saacaddo ka dib ayaa iyagu sameeyey howlgalo, Taliska Booliiska ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarkaas.
Ciidanka Booliska DFKM ah ayaa iyagu noqday bar tilmaameed, waxaana inta badan lala beegsaday qaraxyo iyo weeraro kala duwan oo inta badan kaga yimaada Xoogaga Mucaaradka ee kasoo horjeeda.
Ciidamadan Booliiska oo qaarkood dibadaha lagu soo tababaray ayaa weli hantiyi la’a amniga magaalada Muqdisho, ayadoo hada saldhigyadooda ay noqdeen goobaha lagu bartilmaamsado, inta badana lama soo qabto kooxaha weerarada noocaan ah geysta.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!