Dahabshiil
Golis

Ciidanka Amaanka oo baritaan ku wada dilal ka dhacay Bosaaso

Ciidamada Amaanka Magaaladda Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saaka howlgalo ka sameeyey qaar ka mid ah Xaafaddaha ku yaala magaaladda, ayagoo daba jooga dilal xalay ka dhacay magaalada.

Xaafadda Al Raxma ee Bariga Magaaladda Bosaaso, ayaa waxaa saaka wakhti hore lagu arkay gawaaridda Booliska oo ay saaranyihiin Ciidamada samaynaayay howlgalada, iyadoo ay baarayeen guryaha iyo goobaha kale ee ku yaala xaafadaasi.

Dad ku sugnaa nawaaxigaasi ayaa Horseed Media u sheegay in Booliska baaritaanka samaynaayay ay su’aalo weydiinayeen dadweynaha degan xaafaddaas, kuwaas oo la xiriiray dilkii labo nin oo xalay lagu toogtay meel makhaayad ah oo xaafadaasi ku taal.

Waxaana wararka qaar ay sheegaayan in Booliska ay ku daba joogaan kooxo hubeysnaa oo habeenimadi xalay dilal ka geystay magaaladda.

Saraakiisha Booliska oo aan xiriiro la samaynay ayaa waxaa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan howlgalada ay Ciidanku wadaan, balse waxaa ay balanqaadeen in ay dib Saxaafadda uga soo gudbin doonaan natiijada howlgaladaas.

Habeenimadi xalay magaaladda Bosaaso ayaa waxaa lagu dilay 3-qof oo rayid ah, kuwaas oo ay dileen kooxo hubeysan oo aan la aqoon haybtooda.

Sadex qof ee la dilay ayaa kala ahaa labo nin oo lagu dilay makhaayad ku taal Xaafada Al raxma, iyo nin dhalinyaro ah oo lagu dilay meel aan ka fogeyn laamiga mara bartamaha magaalada. Dhamaan sadexdan dil dadkii geystay ayaan la aqoon isla markaana ma jiraan cid loo soo qabtay.

Dadweynaha magaaladda ayaa waxaa ay aad walaac uga muujiyeen dilalkii xalay ka dhacay magaaladda.

Horseed Media

RELATED STORIES

12 Responses to “Ciidanka Amaanka oo baritaan ku wada dilal ka dhacay Bosaaso”

  1. yussuf says:

    siciid sxb mid ayaa ilowday bosaaso waa magaalo ganacsi dhaqaalaha puntland iyaduu ka soo xarooda marka hadii dadka laga saaro ogow bosaaso busaarad ayay isu badalaysaaa mida kale dadka badan ayaa dhaqaalaha iyo ganacsigu ku kubcaaa

  2. puntfuture says:

    asc wr wbr salaan kabacdi horseed waa mahadsantihin..inta ka kagadal aniga waxan aminsanahay arinkaan inuu yahay dad aanooyin isku raadsanaya sidakaliya ee dadkaas looga raynkaro waa in boosaso iyo magaaloyinka kalaba laga sameeyaa 100 qof oo khibrad uleh arimaha dharcadnimada oo mushaarkoodana uu ka badanyahay kan dablaha…waana in laga soo xulaa dadka xaafadha deegaan rasmiya uleh..shakhsiyaadkaa wax dress ah lama siinayo waana inay ka koobanyihiin rag iyo dumarba..dadka arimahaa kufiicanna waa dadka meheradaha shaaha iyo bagaashka magaalada ku heesto fahmi karana dhaqdhaqaaqa magaaladda..kontorooladda magaaladda waa in waxii soo galaya labaaraa gawaarina aysan soo gali karin waxii kadanbeeya 10ka habeenimo..fiira gaaranna loo yeeshaa gawaaridda xamuulkaa oo lagu soo qarsho walxaha qarxa…xaafadd walbana waa in ay lahaataa dadkaas aan soo sheegay iyo askar kormeerta ah..xuduudka galkacyo waa in la adkeeyaa oo askar ladhigaa..qofkii lagu soo qabto falkan ookalan sharciga lala tiigsadaa( latoogtaa ) oday dhaqameedkii garab istaagana laganaaxaa xabsiyadana lagu guraa…dawlad aan laga baqin dawladd maha namana matasho.shaqsigii lagu arko asagoo dad furanaya ama dilli rabo waa in sajuuda laga toogtaa ayna toogtaan dadkaas aan kasoo waramay ee dharcaddaa….markaa kabacdi nidaam hub kadhigis hala sameeyo…dadkan qaxootigaa ee soo qulqulayana xeryo magaalooyinka banaanka ka ah halageeyo bartoodana shaqooyin haloogu abuuro lakiin shaqsi walbaa hadii laso fasaxo siduu dona ayuu yela dadkaana dad fiican iyo dad xunba waa laga helayaa..

  3. samatar says:

    waxeey ila tahay hadaan markaba horay laga qaban inaan hada la qaban karin saa meesha kamirooyin kuma xirna oo laga arki lahaa cida wax dishaay ama fingerprint maku soo saari karaan cida wax dishay marka waa iska mala awaal lagaba yaabe nimankii waxaan sameeyay iney xalayba ka baxeeen magaalada oo kalkacyo dhinacaas usii dhafeen hada

  4. run sheege says:

    Bismilaah:- waxaan ku bilaabayaa eebaha weyn magaciisa. naxariis iyo nabad galyo Nabi Mohamed ( CSW) korkiisa ha ahaato marka xiga walaalehena muslinka ah oo lagu geystay fal dil ah xalay magalada bosaso waxan ilahay ua baryayaa inuu janadiisa fardowsa ka warabiyo malin an malintas ahayn ayey heli doonan cidii dilka ugaysatay ilahay ayana la xisab tamaya marka labad walaal runtii putland waxad moda inay tahay haf muqdisho runta fiicane ma waxan aqon jirnay dad la dilo ama niman mel iska marayo oo la tooganayo waxan waxaynu aqoon jirnay ma ahan marka walaalyal anigu xalka waxan u arka awalan wadanka dowlad aya ka jirtya dowlada maxay udhisan tahay hadii aysan cidi wax samaysa aan la qabanayn ama goobaha shacabku ku badan yahay ilaalo gaar ah usaari weydey wa teeda kale umada islamka ah manta gar ahan kuwa reer putland hadii qof fal danbiyed sameeyey la arko lama qabanayo walahi ban ku dhartaye wiilashii alraxma lagu dilay xalayto dadku wa dawanayey markii wiilka odaga la socda uu ninka dilka geystay la dagalamayey cidna uguma aysan iman oo wa lala dawanayey marka war manay dadku islam ahayn mase dadku wa wada galo maxa la isgu gar gari wayey marka walalahayga muslinka ahow cidanka isa sheegayo oo leh wax ban daba galayna war wa bentin ee umada ayad halagaysan oo markii wax dhacanba wax ma qabatan ee gor xero iyo fandhal kala qadmay ayad bood bodan marka walalaha muslinka ahow dad isku xiran ahada oo gacmaha is qabsada oo wixii dhacaya halala socdo wixii shar wadana hala iska qabto

  5. mohmed, says:

    SICIID WAA SAX DADKA DHIBKA KA WADA MAGALADA WAA IYAGA , WAXBA YAAN QIIL LOO RAADIN, CADOOW WEEYE CADOOWNA LAMA SOO DHOWEEYSTO. EE HALAGA SAARO MAGALOOYINKA PUNTLAND..

  6. Omar Mohamed says:

    Xaajadu waa ay cadahay jawaabtuna waa in maamulka sare iyo kan gobolkaba bari waa in wax laga bedelo.Arin loo dulqaadankaro ma ahan waxa dhacaya waxaana haboon in baarlamaanku uu la xisaabtamo dowlada hadii aanay waxka qaban karin dhibta ka jirta dalkana (Puntland) waa in ay iscasishaa ama Baarlamaanku kalsoonida kala noqdo dowlada si mid cusub oo maamuli karta Puntland loo helo.
    Wanaaga iyo xumaanta Puntland markasta waxaa mas’uuliyadeeda leh dowlada markaa talada haysa.marka dhibta dhacday hada waa in dowladu masuuliyadeeda qaadataa isna casishaa hadii aanay waxka qabankarin isdilka iyo foodada dhacaysa…Hadii arintan aan waxlaga qaban waxaa dhacaysa in ay gaarto xili aan waxlaga qaban karin. Dadkeena oo dhana ay noqdaan dad daqdin iyo burbur kunool. Su’aal kama taagna in ay dowladu tahay dowlad xalaal ah oo hab doorasha ah ku timid laakiin dhibta jirta ayaa ah mid khasbaysa in dib loogu noqdo baahidii keentay in aan dowlad dhisano? jawaabteedu waxay ahayd in aan ka badbaadno dhibta ay kamid tahay isdil, dhac iyo baqdin kunoolaasho.
    Hadaba dhacdooyinka hada dhacaya waa kuwa ka hor imaanaya ujeedadeenii dowladnimo.
    Waxaana lama huraan ah in aan dhisano dowlad ina gaarsiisa himiladeena. waa in layska dhaafo qof jeclaysiga runtana si dhab ah oo wajaho….waxaase marnaba aan shaki ku jirin in dowladeena aanay bedeli karin qolo doonaysa in ay dowlad ku noqoto cabsi gelin iyo afka oo lasoo duubto.
    Illaah hayna badbaadsho talada fiicana ha ina waafijiyo.
    Nabadgelyo.

  7. daud ahmed says:

    waxaan layaabanahy waxa dada ka laynaya habeen walba ee an la aqoon reer puntland wax badan bay dheheen nabadbaan haysanaa maanta meday nabadii lagu caanamaalay caqligii ayaa ka siidhamaanaya maalimba maalinta kadanbaysa miyay yan xusuusan wixii kadhacay hotel shaamow muqdisho third decenber iloobi okaa dadaka laynaya xybnaha qiimahaleh hadaan lays yeelyeelayn baroortuna ayan orgiga kawaynayn waa lagarayaa eeyaan reer nima lagu difaacin dowlada halagal shaqeeyo sidii gacanta loogu sii dhigilahaa waxaan kulatalinayaa shacabka inay lashaqeeyaan ciidamada amaanka xusuustana waxa hareerihiina kadahacaya odayaasha waxaan leeyahay qabiilda aad hor boodaysaan haday wax dileen ku biya waqti iyo hanti sidii loosoo qabanlahaa hadii wax lagadilayna dajiya oo kuqanciya ianay dowladi jirto oo lasooqabanayo dowlada waxaan oranayaa magaalada amaankeeda suga idinkaa kamasuulee oo meesha is ka qaada oo shacabka indhihiina ka jeediya waala idin ku soo jeedaaye ilaayahay waxaan karajaynaynaa sida ,aanta boosaaso tahay in si khayr ilaahay ugu badalo ilaahow puntland dhibaatada kasaar horseedmedia way mahadsanatahay

  8. A/c salaan kadib ilaah ba mahad le allowed me in an waxka dhaho after that bahwaynd horseed media wad wadmahadsantihiin tankale reer pntlnd waxan idinku bararujin waliba reer bosaso in ad intinku cadawgina kasbaten o so dhawaysaten because waxaad dhahdeen bsso wa hooyada somalia dadki sogubay mogadishu o ahayd city di dalka miya daynaya mel aysan u dhalan waxan idinka codsan in adka fojignataan dadka idinku dhexnool

  9. Seemade says:

    anigu waxaan qabaa gudoomiyaha degmada iyo kan gobolka iyo police commissioner ka kuligood waa in la fire gareeyo oo la eryaa hadii kale faroole ha is casilo then ha u dhiibo talada wadanka cid masuul kanoqonkarta taa aragtidayada. Puntland peace progress and developement for ever.

  10. puntlander says:

    wax amaan layiraahdaa meeshaan mayaalaane yaan dadka been loo sheegin nimankaan isku sheegaya ciidanka amaanka haka xishoodeen hadalka ay caadaysteen ee ah wax baan kudaba joognaa run ahaantii hadayyan waxba qabin karin ha iska dhaafeen shaqada shacabkana yaalan daalin
    all thanks

  11. HEER-SARE says:

    ASCW.
    WAXAA DHALIILAYAA CIIDAMADA AMAANKA BOOSAASO OO GABAY HOWSHOOODII AHAYD IN AY NABAD-GELYADA ILAALAIYAAN, WAAN KU GUULDARAYSTEEN, AMA IYAGA AYAABA LUG KULEH NABAD-GELYO XUMADDA.!!!!!!
    XALKU WAA IN ISBEDEL LAHELAA DHINACCA AMMINGA BOOSAASO SIDA GAALKACYO IYPO GAROOWE.

  12. saciid says:

    s/cmarka horee salaan sare dhaamana dadaka reer puntland secod horseedmedia waan salaamaya salan kadib? hadii aan waxka dhoho arintaa boosaso ku soo koradhaye waxaan dhihigaraa hal solution ayeey leedahaye oo wax looga qabankara waxaan weeyeh in dadaka aan u dhalan laga saaroh saasay boosao amniku helikartaa barkee bosaso dadaka kunool iyo conbasitka magaladu is ma laha waayo dadaka kabadan marka saasa lagu sugikara in dadaka foriegnka ah laga saaro boosaso saasay bosaso nabad ku helikartaa taasina waa oppoinkayka