Qaar ka mid ah Kallumaysatada magaaladda Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ay cabasho xoogan ka muujiyeen maraakiibta dagaal ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ee u jooga la dagaalanka Burcad Badeeda.
Kallumaysatadaas oo ay Horseed Media maanta ku booqatay Xeebta Magaaladda Bosaaso ayaa waxaa ay sheegeen in Maraakiibtaas dagaal ay dhibaatooyin badan oo kala duwan ay kala kulmaan xilliga ay ku guda jiraan howlahooda kaluumeysi.
Siciid Xayle oo ka mid ah Kallumaysatada Magaaladda Bosaaso oo wareysi siiyey Horseed Media ayaa sheegay in dhowaanahan aysan gudan howlahooda kallumaysi, iyadoo ay u wacantahay dhibaatada Maraakiibtaas dagaal.
Waxaana uu sheegay in xilliga ay ku guda jiraan howlahooda ay Maraakiibtaas burburin ku sameyaan qalabkooda kallumaysi, ayna si xun ula dhaqmaan oo ay naftooda halis gasho.
Kallumaysatada kale ee aan kula kulanay Xeebta Bosaaso ayaa iyaguna sheegay in aysan surtagal ahayn in xilligaan ay si wadaan howlahooda shaqo, waxaana ay xuseen in ay jiraan Maraakiib iyo doomo Xaaluuf ku haya Kheyraadka Badda Soomaaliya kuwaas oo ay saaranyihiin hub.
Wasaaradda Kallumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland ayaa hore u sheegtay in ay wax ka qaban doonto cabashooyinka ay soo gudbinayaan Kallumaysatada, walow aan hada muuqan wax way oo arrintaasi laga qabtay.
C/salaan Axmed Shire
Horseed Media
Bosaaso,Soomaaliya.
maraakiibtu waa inay biyaha aysan soo galin oo ayjoogan biyaha caalamikiga ah iyagaaba tuugo ah kuwa yurub dadbay kaluunkooda xadaan reer puntland arintaa lasocda