Naadiga Barcelona ayaa raali galin buuxda ka bixisay waxii ka dhacay isbuucii hore Garoonka Kooxda Atletico Madrid oo guuldardi ugu horeysay Season-kaan lagu gaarsiiyay, iyadoona ciyaartii xalay ay la yeelatay Kooxda Racing Standard ugu badisay 4-0.
Kooxda Barcelona ayaa qaybtii hore boobsiisay Kooxda Racing, iyadoona 3-0 ku marsiisay half Time-kii hore, waxaana ciyaartaan si weyn ugu dhex muuqday Xiddiga dhawaan mugdiga weyn la galinyay mustaqbalkiisa booska joogtada ah kooxda Theiry Henry oo xalay wacdaro ka dhigay Garoonka Camp Nou.
Xiddiga qadka dhaxe Inniest ayaa bilaabay mahrajaanka goolasha daqiiqadii 8-aad,iyadoona Henry iyo Marques ay labo Gool oo Free -kick ahaa ay saxiixeyn qaybtii hore ciyaarta.
Tababarha Kooxda Barcelona ayaa badalo badan sameeyay qaybtii 2-aad ciyaarta,isagoona u keydsnaya Xididghaas kulanka isbuucan Ee Uefa Champions League la balansanyhiin Kooxda Stutgart.
Barcelona ayaa haatan hogaanka ku heyso dhibco gaaraya 58,iyadoona 5-dhibcood ka sareyso Kooxda Real Madrid oo caawo kulan adag la leh Kooxda Villareal.
Dhinace kale Naadiga Inter ayaa bareejo lagu celiyay kulankii 3-aad oo xiriir ah,iyadoona 0-0 isla dhaafi waayeen Kooxda Sampadoria.
Naadiga Inter ayaa in badan dhibaatootay ciyaartaan,madaama ay 9-ciyaartooy ku ciyaareysay laga soo bilaabo daqiiqadi 34-aad ee qaybtii hore ciyaarta.
Inkastoo 13-kulan oo qura ay ka harsanyahay Horyaalka Talyanaiga,haddane kooxda Inter aya 8-dhibcood oo nadiif ah hoganka ku heyso,iyadoona Roma oo 2-aad ku jirta ay ciyaar adag la leedahay manta koxda Catania.
Ciyaartooyda kala ah Samuel iyo Cardoba ayaa 7-daqiiqo gudahood oo qaybtii hore ah (31-38) kaarar cas lagu siiyay ,halka Weeraryahanka kooxda Sampadoria Passani uu dhamaadkii ciyaarta Garoonka laga saaray.
Xussen Maxamed Cabdulle (Riiko)
riiko@horseedmedia.net
sport@horseedmedia.net
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!