Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Barcelona Oo Barbardhac Gashay Iyo Bordeaux Oo Guul Gaartay

Waxaa xalay qaarada yurub laga ciyaaray kulamo horay u baaqday oo ka tirsanaa isreebreebka wareega 16-aad tartanka xiisaha leh ee Uefa Champions League,iyadoona kulankii ugu xiisaha badnaa ciyaarihii xalay uu dhex maray Kooxda difaacaneyso koobkaan Barcelona iyo Kooxda Stuttgart oo garoonkeeda Mercedes-Benz-Arena lagu ciyaarayay.

Kooxda Barcelona ayaa horay ugu dhaqaaqday wareega 8-aad,ka dib markii ay 1-1 Garoonkeeda kula soo gashay Naadiga Stutgart Ee dalka Jarmalka.

Weeraryahanka Kooxda Stutgart Cacau ayaa kooxdiisa hogaanka ciyaarta siiyay daqiiqadii 27-aad,hase yeeshee Zlatan Ibrahimovic ayaa Barcelona ka soo guday goolka daqiiqadii 52-aad.

Bordeaux vs Olympiakos

Sidoo kale kulan aad uxiiso badan ayaa waxuu dhex maray kooxaha Olympiakos iyo Bordeaux,iyadoona ay ciyaartaan ka dhacday Garoonka Karaiskaki Stadium.

Naadiga Reer France ayaa u muuqato mid usoo baxday wareega 8-aad tartankaan,ka dib markii ay Kooxda Olympiakos ku soo garaacday garoonkeeda.
Xiddiga Daafaca ugu ciyaaro Bordeaxu Michael Ciani ayaa saxiixay Goolka qura ee ciyaarta dhamaadkii qaybtii hore ciyaarta.

ciyaaraha is araga kale waxey kooxahaan wada ciyaari doonaan bisha dambe March 17.

Caawo waxaa sidoo kale dhici doono kulamo aad u xiiso badan,iyadoona uu ugu adag yahay kulanka dhex yaal Kooxaha Inter Iyo Chelsea.


Xussen Maxamed Cabdulle (Riiko)
riiko@horseedmedia.net
sport@horseedmedia.net

RELATED STORIES

Comments are closed.