Dahabshiil
Golis

Booliska Bosaaso oo qabtay Walxaha qarxa oo aad u culus(Maqal & Sawirro)

Ciidanka Booliska ee Bosaaso ayaa maanta (23.02.2010) fashiliyey walxaha qarxa oo la rabay in loo adeegsado weerar qaraxin ah, kaasi oo ay kasoo qabteen mid ka mid ah Xaafaddaha ku yaala magaaladda Bosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland.

Shir Jira’id ay si wadajir galabta u wada qabteen Taliye Kuxigeenka Booliska Puntland Gaashaanle Maxamed Siciid Jaqanaf iyo Gudoomiyaha gobolka Bari Xaaji Muuse Geele Yuusuf “Faroole” ayaa waxaa ay kusoo bandhigeen walxaha qarxa ay soo qabteen Ciidanka.

Dhegayso Taliye kuxigeenka Booliiska Maxamed Jaqanaf

Taliye Kuxigeenka Booliska Dowladda Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa Saxaafadda uu sheegay in laga soo qabtay walxahaasi wadada aada Hoteelka International Village gaar ahaan Agagaarka Iskuulka Imaam Al-Nawaawi oo ku yaala galbeedka magaaladda Bosaaso.

Waxaana uu sheegay in culeyska qaraxa uu gaarayo 5-kiilo ayna ku jiraan walxo qarxa oo noocyadooda kala duwan,iyadoo Booliska kusoo wargeliyeen walxahaas dadweynaha degan agagaarka xaafadda oo uu ku tilmaamay wadaniyiin.

”Dad Muwaadinin ah ayaa soo sheegay oo arkeen walxahaasi qarxa,waxaa tegay Ciidanka oo iyagu soo saaray dadweynaha waxaana u sheegaaya in ay halkaasi kasii wadaan dadaalkooda ayna Ciidanka usoo sheegaan wax weliba ay arkaan”,ayuu yiri.

Gaashanle Sare Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa dadweynaha magaaladda Bosaaso ugu baaqay in ay sameyaan feejignaan dheeri ah loogana baahanyahay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqyada wadooyinka dhexmara xaafaddaha ayna la shaqeeyaan kuna soo wargeliyaan wax weliba ay arkaan Ciidanka Amaanka.

Taliyaha ayaa xusay in aan jirin cid ilaa iyo iminka loo soo qabtay walxahaas lasoo fashiliyey balse ay baaritaan weli wadaan Ciidanka iyo laamaha Amaanka.

Gudoomiyaha gobolka Bari Xaaji Muuse Geele oo isna la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in qaraxaas la damacsanaa in lala beegsado masuuliyinta inta badan adeegsata ama marta wadadaas.

Dhegayso Guddoomiyaha G/Bari Muuse Geele

”Waxaan mahadcelin balaaran usoo jeedinaaya dadweynaha degan xaafadda laga soo qabtay walxaha qarxa kuwaas oo aad ula shaqeeyey Ciidanka,dadkii dhigay waxaa ay rabeen in ay dhibaateyaan qof kasta oo dariiqaas soo mara oo markaas Caalamka loo sheego in dad ay ku dhinteen qarax ka dhacay Bosaaso”,ayuu yiri.

Waxaana uu hadalkiisa ku daray in Ciidanka Amaanka ee Bosaaso ay sii wadi doonaan howlgalada ay ku sugayaan amaanka kana hortagayaan falal ay ka mid tahay ka hortaga walxaha qarxa.

Walxaha qarxa ay galabta qabteen Ciidanka Amaanka ayaa waxaa uu qayb ka yahay howlgalo ay Ciidanka Amaanka iyo kuwa Booliska ay ka wadeen xaafaddaha kala duwan ee magaaladda Bosaaso,kuwaas oo ay ku xaqiijinayeen amaanka guud.

Wadada la dhigay walxahaasi qarxa ayaa inta badan waxaa mara masuuliyinta Dowladda Puntland iyo kuwa Hay’addaha samafalka oo inta badan aada Hoteelka International Village ee Galbeedka Bosaaso.

Arintan ayaa muujineysa sida shacabka Bosaso ay u dhibsadeen qaraxyada laga wado Puntland, isla markaana waxaa lagu tilmaami karaa bilowgii wadashaqeynta shacabka iyo laamaha amaanka.

Sawir Qaade;Ayuub C/raxmaan Maxamed
C/salaan Axmed Shire
Horseed Media
Bosaaso,Soomaaliya.

RELATED STORIES

45 Responses to “Booliska Bosaaso oo qabtay Walxaha qarxa oo aad u culus(Maqal & Sawirro)”

  1. s/c war idinkaa dhiga qaraxyada dadka ha jaahwareerinina waa la ogyaahay sirta gobolka ka jirta iyo cid wax laysabee

  2. a.farah says:

    asc waa arin farxad badan in laga hortagoqof rabay in uu gumado dad muslimiin ah oo weliba reer puntlend ah hadaa nahay shacabka puntland waa in aan indheena furno dawlada aan wax la qabano, dawladuna waa in ay ku dadaasho la dagaalanka cadawga raba in uu gumado shicibkeeda couze puntland person is like a piece of gold anaga ayaa dooranay anaga ayana dawladu dawlad nagu tahay fadlan shaqadiina ka soo baxa shukran laka

  3. Inkaar alha ku rido wax ay rabeen in shacabka ay ku gooyaaan shaydaan shabaabka

  4. sadiyo says:

    asc waan salaamay dhaaman reer putilan waxan leeyahay oo aan u sheegaya in ladadalo oo nabada lagu dadaalo waxan leeyahay reer galkacayo waa inay cadawga is ka ilaaliyan waxan leeyahay waa lasocotaan xalada dalaka soomaaliya waa inaa lasamiiyo waxa kasata oo nabada galayada horseeda waxan leeyahay reer putilan waa inay hurdada ka toosan oo iska cabiyaan cadowga waxan leeyahay reer putilan waxay nabad ku gari karaan markii qof kasata oo reer putilan basa poor looyeelo oo misana qof kan u dhalan putilan waa inuu nabad galayada ilaaliya waxan leeyahay dadakan u dhalan putilan waa inay nabadagalayada ilaaliyan waxan u rakheenay reer puntilan nabad galayo amiin .

  5. sadiyo says:

    asc waan salaamay dhaaman reer putilan waxan leeyahay oo aan u sheegaya in ladadalo oo nabada lagu dadaalo waxan leeyahay reer galkacayo waa inay cadaga is ka ilaaliyan waxan leeyahay waa lasocotaan xalada dalaka soomaaliya waa inaa lasamiiyo waxa kasata oo nabada galayada horseeda waxan leeyahay reer putilan waa inay hurdada ka toosan oo iska cabiyaan cadoga waxan leeyahay reer putilan waxay nabad ku gari karaan markii qof kasata oo reer putilan basa poor looyeelo oo misana qof kan u dhalan putilan waa inuu nabad galayada ilaaliya waxan leeyahay dadakan u dhalan putilan waa inay nabadagalayada ilaaliyan waxan u rakheenay reer puntilan nabad galayo amiin .

  6. yaabane says:

    Waxaan Leeyajhay War Waad Shaqayseen Hadaad Waxaas Qabateen Waxaa Labrabay In Lagu Gooyoh Shacabka Reer Bosaaso

  7. asc salan kadib waxan rabaa in aan cadeeyo fikirkayga ku aadan nabada puntland waxan lawada socona in ay burburtay dowladii dhexe ee ka jirtay guud ahaan soomaliya,dowladaa kadib dadkii ahaa halka dowlo waa kala tageen kolo kasta iyo qofkasta waxa uu aaday degankii uu ka soo jeeday, sida aan lawada socono puntland waxaa ladhisay 1998 dii waxii ka horeyey masiirka dadka ku abtirsada ama dagan waxay ku jireen mugdi laakiin waxay iftiintay markii lahirgaliyey dhismahii puntland, dhismihii kadib waxay daremen dadka reer puntland horumar leh dhankasta waxaana hor u kacay magaca wanagsan ee puntland kala kulantay aduunka, intaa kadib waxaa waxaa hareyey buuq iyo dil isdaba jooga oo aan dadka iyo deganku dhaqan u lahayn, hadaba waxa ay tahay taladaydu ka dowlad ahan iyo ka shacab ahan wax kasta ka hor mariga nabada qabta cidkasta oo nabada wax u dhimaysa sharcigana hor keena dowladu waa in ay ka fogataa korubshinka si uu dalku u badbado una hor maro waa in ay dowladu kor u qaado awooda ciidanka iyo tayadooda, waa in ay dowladu xoojiso hayadaha garsoorka waa in uu noqdaa waxa lagu kala baqayo sharciga waa in cidkasta oo ka dhaga adeygta sharciga lagu soo rogo ganax dhaqale, reer puntland toosa oo kaca dhibka waxaa loga bixi karaa iskashi ka shacabku waa in uu ogado in uu dhalka iska leyahay waa in aad saxdan qaladka dowlada waa in aan lagu raacin khaladka dowlada waa in aan saxida loo adegsan awood iyo xabad ee waa in loo adegsado maskax iyo cilmi, dowladu waa in ay kasbato shacabkeda waana in ay kalsonida ka doonto dadkeda ee waa in aysan ka donin dad kale, hadii aad natustan wax aan ku qancikarno marlabad iyo marsadexad ayan idin doranayna.wsc

  8. asc
    waxaan layaabanahay dadaka raba dhibka oo aan dareen sananay in ayba dhib ugufilantahay in aysan jirin dowlad cadaalad ah oo ntabarleh ,marka waxaan umalaynayaa in ay jiraan dad cadow u ah nolosha dadaka reerpuntlad islamarkaasna ku dhexnool waayo ninka puntlader ka ah majuxaagii buugaagta ku qoraanjiraybaa oo sheekooyinka doqonimada ah lagasoo aruurshay waayo waxaa kamis ahay sheekooyinkiisa laan uu ku fadhiyo cirifkeeda in uu gunta kagoynayeye. waxaan kula talin lahaa walaalaha puntland in ay cadowga me3el uga soo wada jeestaan

  9. A.Ali says:

    ASC.salaan kadib aad ayey u mahadsan yihiin dadka soo sheegay fidmowalayaashu waxa ay meesha dhigeen, waxaa ila haboon qofkii soo sheega in lasiiyo abaal marin lacag ah dadweynahana loo sheego nin soo sheega dadka amni xumada wada in la abaal marindoono.

  10. cali xamaal says:

    alle ayaa mahadleh naga soo gaaray ragii qarxin lahaaa dadka waxaana u mahadcelinyaa ciidanka amaanka oo suurto galiyey soona qabtay alaabtaas

  11. yousuf says:

    lashaqeeya masuuliyiintina oo ushaqeeya shacabkiina gacmo wadajir bay wax ku goyane

  12. o.c says:

    s/c waxaan u maleenay arintaan wixii sameeyay koleey kama foga qof u dhashay reer puntaland oo ku shaqeenayo dano qofkaleeto leeyahay lakiin wuxuu iloobay umada uu leenayo ineey ku jiraan kuwa la dhashey iyo qaraabadisa tankaleeto miyuu iloobay aaqiro inuu cadaab muteesan doono sababtoo ah wuxuu leenayo waa umad muslim ah haduu arintaas moodey mudnaan inuu ku helaayo waa arin qaldan tan kaleeto qeer alha siiyo shacabka soo sheegay sidaas ula shaqeeya dowladiina arintaas ayaa xaga rabi ajer iyo xasanaad ayaad ka helesaan insha alaah kuwa raba xumaanta umada reer puntaland ilaah ha idka qabto amiin amiin

  13. amran says:

    waad salaaman tihiin dhamaan asxaabta adeegsata horseedmedia.net meelkasta oo ay joogan
    aad iyo aad ayaan u hambalyay nayaa dadwaynaha muwaadiniinta ah ee puntland
    gaar ahaan dadka degan xaafadda shalayto lagu qabtay qaraxa magaladda bossaso

  14. mohamed says:

    asc, aad baan ugu hanbalyeynayaa shacabka iyo dowlada puntlandba sida uga hortageen fidma wadayaasha,laakiin waxaa la yaaba sidee loo qaban waayo qofka dhigaya qaraxa marka uu dhigayo meesha,ma laga baqayaa oo waa qof hubeysan waqtigaas uu wax sameynayo?runti way dadaalayaan shacabku waana dantodada oo waa waajib saaran,ha ku dareen iney soo sheegaa kan dhigaya si looga hor tago belaayada oo dhan,dowladana waxaan kula talin lahaa iney ciidanka nabad gelyada ay ku daraan haweenka oo ay badayaan tirada weliba,haweenku waa ka daacadsan yihiin raga qeerkiis,mida kale aduunyada horey u martey wax yaalaha ay ku dhitoodaan oo ay bixin waayaan ciladooda waxey u diraan haween, iyagaana aakhirka soo dhiraandhiriya,illahey ka qabto dadka iyo dalkaba beelaayada , aamiin aamiin aamiin

  15. salaam alikum salaan ka aad ayeey u mahadsanyihiin dadka badbaadiyay walaalahooda kana badbaadiyay lugooyada iyo amni xumada ay rabaan inay puntland ku qala laasa gadiyaan marka anagu hadaan nahay bahda wax ka akhrisata http://www.horseedmedia.net . dadkaa qalalaasaha iyo rabshadaha iyo isku dirka dad walaalahooda ah kashaqeeynaya alla hanaga qabto anahuna intii taabadayada ah waan isku taaba galinaynaa . waanu garanaynaa waanu naqaanaa walib wixii soo dirsaday ayaa siwacan ugaranaynaa marka in talaaba sharciga ku haboon laga qaado weyaan

  16. Dr haykal says:

    waa guul usoo hoyatay dadka reer punltland gaar ahaan reer bosaso waliba xaafada laanta hawada
    waxayna muujiyeen wadanimada iyo jeceylka walaala hoodo
    waxaana idinlee yahay sidaas iyo si kafiican ula shaqeeya laamaha amaanka

  17. Dr haykal says:

    ohhhhhh waa guul usoo hoyatay dadka reer puntland gaar ahaan reer bosaso gaar ahaan xafada laanta hawada wayna ku mahadsan yihiin dadka wada shaqaynta muujiyay ee dalkooda iyo dadkooda badbaadinaya
    waxaana lee yahay sidaa iyo si ka wanaag san ula shaqeeya laama amaan ka sababtoo ah [ far kaliya fool ma dhaqdo] ayay tiraahdaa soomaalidu

  18. Omar Mohamed says:

    allaahu akbar….waa war lagu farxo in aan wada garaney in ay qolyaha miinada iyo dad dilka inalasoo aaday ay yihiin cadowgeena kowaad loona baahan yahay in aan dowlad iyo shicib iskumeel uga soo jeesano.
    Tani waxay dharjab weyn ku tahay dadka xumaanta kawada Puntland oo dhan.
    Shicibkana waxaan leeyahay meeshaa kasii hawada shaqada wanaagsan ee aad haysaan
    horumar iyo barwaaqadiina marinkeedii baad haysaan ee waxyar dhibta u adkeysta.

  19. Nin Adag says:

    Taliye Jaqanaf waa nin adag walee waan uhambalyey nayaa waa nin sare

  20. ojalan says:

    waad wanaagsan tihiin

  21. Sakariye Isticmaar says:

    Bahda Horseedmedia mahadsanidin

    Waa talaabo wanaagsan runtiina lagu farxo Police iyo maamulka howshan qabtey, waxa ey mudan yihiin abaal-marin waayo in la qabta walxaha qarxa ma sahalana. Taasina waxa ey ku tusey-saa in police shaqeynayaan balse aan la xakameyn karin qorshayaasha lagu khal-khalka lagu galinayo amaanka Puntland waxaan qabaa iney shacabku gacan ku siiyaan maamulka Puntland si loo afjaro qoryashaasha gurcan ee lagu naafeynayo amaanka Puntland. waxaan u mahad-naqayaa wasiirka amniga oo isagu shaqo culus u haya shacabka waxaana muhim ah in la dhowaro amaanka iyo in laga shaqeeyo horomarka Puntland waxaan filayaa in xukuumada cusub ey sii laba-laabto qorshaha sugida amniga sidoo kale howl-galiso dadkii khibrada u lahaa amniga iyo sirdoonka ee imka ku nool Puntland si looga faaideysto khiradooda iyo aqoonta waxaan rajeynayaa in ummada laga qabto kuwa dhibka ku haya

  22. muslin sister says:

    As’/ceykum

    Allaah ayaa mad iska leh fashilay dhibkii ay geysan lahayeen dadka aan wax badan ale agtiis ka rajo qabin mushtamacana la raadinayey dhibaatada iyo qaraxa, shacabkii fashilay arintaas waxaan leeyehey Allaah ha idin sharfo ka dhiidhiya wax nabada carqaladeynaaya iskan qabta sidaas ayaana shacabka reer pl ku gaari karaa amaan iyo nabad waarta.

  23. maxamed says:

    Shacabku waa dad wanaagsan laakiin laamaha amniga ayaa weli hurda oo sidii calooshood u shaqeystayaal u shaqeysanaya caqaartooda iyo inay ku xiraan xilkooda inay wax ku cunaan. Guul shacabka garab raratada ah ee hogaamin fiican la’ ilaa iyo markii la assaasay PL.

  24. jabarti says:

    asc dhammaan akhyaarta marka xiga aad baan ugu farxay sida wanaagsan oo shacabku ulashaqaynaayo dawlada puntland saasbana laga rabaa inay iska qabtaan kuwa cadowga ah oo aan shacabka raba inay baabi’iyaan waxaan ku dari lahaa dawlada inay dadaalgeeda laba laabdo oo police usiisiyaadiso lacagta si ay shaqadooda ulaba laabaan

  25. alxamdulilaahi rabailcaalamiin ilaah ayaa naga soo gaaray qoladaan rabtay inay wadanka naga fidneeyaan

  26. Izma says:

    Mahad oo dhan Allah baa leh..shacabka reer Puntland ha is ilaalshaan sidaasna ha iska qabtaan gafuura xunta wajiga duubata.

    Puntland ha nolaato

  27. Dr. maleey says:

    Waa ay mahadsanyihiin Puntlanders ka soo sheegay, iyo ciidamadaba. Guul u soo hooyatay Puntland. Waxaan oran lahaa nabada waxaa tiir u ah shacabka, hadii aysan shacabka gacan qaban oo la shaqeeyn ciidanka amaanka nabada ma imaanayso. Wadamada Scandenevian nabada waxaa ka shaqeeyo shacabka oo Police ka wax kasta islamarkaas u sheego, waxeey ka shakiyaan. taas waa mida horumarka u horseeday wadamadaan somalida baddan ku nooshahay. Reer Puntland waxaad la shaqeesaan ciidanka. meesha hadii kale alaabtii Iraq lagu qarxiyey ayaaba lagu soo gurayaa. warka kaca hurdada.

  28. Mohamed jAMAAC says:

    allaah akbar, ha jirto Nabada Puntland, amiiiiiiiiiiin yaa alaah

  29. hanna says:

    waxaan leyahay waa war lagu farxo horseed medi .daqiiqad walba waxaan u fura pc xisaha aan u qabo adeehgiina hufan guul iyo horumar halkaas k wada adeega mahad allaa leh

  30. hanna says:

    alaah subxaan qaadir ayaa mahdas iska leh .shacabkaas arintas fashiiyey waxaan leeyhay ajarka intii ay ka bad baadiyeeen alle ha siiyo .puntland cadoowgeeda cirib xumo ayaa u danbeeyn iyo ciqaab aduunka iyo aakhiro .guul pl xaafada lanta hawada dadka degan ee arintas fashiliyey waxaan leyahay halkaas ka wada shaqada wanaagsan wada shaqayn wacan shacabka iyo ciidnka amnka boosaaso ,qardho ,garoowe ,gaalkacayo a,al puntland magaloyinkeeda hala sheqeeyo booliska markaas baad guulaysne

  31. Hanbalyo, Hanbalyo shacabtk reer bari and dowlada Puntaaln noqda kuwii wadajir u shaqeey cadogeen gacn bir insha alaah ilaahay ha ku qabto. Markalen waxaan u hanbalyaan shacabka wadaniga ee caawinay dowldood Keep it up great job. Horsnet waad mahadsantiing

  32. fazka says:

    sallaaaaaaaaam

    horta waa guul waana mahad Alle, balse waxan idin shegayaa qof ama dad qarax raba ma jiraan ee just waxa wye Illah un baa dadka tusay iyaguna wa sii shegen. marka idinka ma idinla tahay dad bomb arkaya ayaa iska indha tiraya? macqul ma aha ee waan la arki jirin. manta Alle un baa dadka tusay.

    Illahay waxi umada dhibaya haka qabto.

  33. muse says:

    Qarax la qabtay wax weyn ma ah haddii aan la qaban dadka jooga Boosaaso ee dhigay kana shaqaynaya inay kuwa kale dhigaan,waayo haddii hadda mid la qabtay mid kale ayey dhigayaan oo markaas ka fashilanta ama u hagaagta.

  34. qaali says:

    yaa rabi yaa alah wadanka noo qabooji dhibtana naga saar ilahow rabiyow sida kheyr ayan ka barinay waxan mahadcelin balaran u so gudbina dad wyanaha reer bosaso waadna mahadsantihin amankina sii wata ayan idin leeyahay mooriyantana meel haloogaso wada jeesto falalka amanka lidka ku ah wada

  35. Soomaali says:

    Runtii waa arrin laga naxo waxanoo kale. Habaar qabe ayaa meel walba harjadaya oo aan rabin raallina ka ahayn in nabad lagu caysho. ILaah baa mahad leh cadawnimada intaas le’eg fashiliyey. Marka 2-aadna ciidanka amaanka, sarakiisha iyo dawladda ayaa mahad leh arrimahaanoo kale ka hortaggooda ka shaqaynaya habeen iyo maalin. Waa intaas oo aad ugala sii dhawaatan. Shacabkana waxaa laga rabaa inay booliska kala shaqeeyaan ka hortagidda balaayada la maleegayo. Si kastabase, waa in DULMI laga fogaado oo dad aan waxba galabsan aan arrimahaas dhib ka soo gaarin.

  36. mahada ilaah ayaa leh intaas ka dib waxan u hanbalyeyn shacabka reer puntland ee arintaas ka hor tegay kana dhiidhiyey shirqoolka iyo dhibka lagu hayo deegaankoda ilaah na waxan ka baryeynaa in naga qabto waxa dhibka wada ilaah mahadiis weeye maanta hadii shacabka reer pl garteen in ay iska qabtaan qaswadayaasha alow naga qabo belada ciidankana sidoo kale dadaala ayaan leeyahy halkaas ka wada howshiina

  37. abdi farah says:

    Waa nasiib wanaag haddii,laga hortagay intii anay dhib gaysan,walxa qarxa oo loo yaqaan improvised explosive divices,oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaan, I.E.D’S,waxaa isticmaala dadka argagixisada ah,oo u jeedadoodo tahay in ay dad aan waxba galabsan,oo rayid ah,ay laayaan. si dadko u argagaxo,nabadana ay si wayn wax ugo dhimaan.waxa loo baahanyahay,in si jogta ah,ay ciidanka nabadgalyada iyo dadwaynuhuba,ay iska kaashadaan,dhowrista amaanka,dowlad goboleedka puntlan ee somalia,si looga hortaga,fal danbiyeedyada ay wadaan,kooxaha u taagan,dilka iyo baabi’inta,shacabka reer puntland ee nabada iyo horumarka jecel.waa in la sameeyaa baaritaan iyo dabagal,si loo ugooda kuwa ka danbeeya,lagana hortago,inta anay fulin ujeedadooda guracan,waa in maxkamad la soo taagaa,kuwa abaabula,taageera dhaqgarta had iyo gooraale la doonayo in wax loogo dhimo,xasiloonaanta iyo amniga guud ee dowlada iyo shacbiga reer puntland.

  38. HEER-SARE says:

    ASCW.

    Dadweynuhu aad ayay u mahadsan yihiin sida xilkasnimada leh ee ay dowladda ula shaqeeyeen.

    Ogaada cadow faro badan ayaad leedihiin haddii aad tihiin reer puntland-waxaana idiin cadaynaya sida wax u socdaan iyo waxii la soo maray- MARKA WAXAA LA IDIIN QUURI LA YAHAY WAA DOWLADNIMADA AAD HAYSATAAN!!!!!!!!!!!!!

    DADAALKA HALKAA KA SII WADA.

    ALLAAH HA IDIN GARAB-GALO.

  39. abdiaziz says:

    alxamdu lilaah illahii naga badbaadshay fidna walayaasha raba in dadka muslimka ah dhibaateeyo.waxaa madaxda iyo saraakiisha puntland leeyahay,nin lagu seexdow ha seexan xilbaa sidaa ha seexan. shacabka waxaan leeyahay gacmo wadajir bay ku gooyaan, ninwalbow dhankaaga ka illaali sidaas baa nada lagu helaaye.

  40. Dr. Mahamud says:

    marka hore waxaa mahad iska leh ilaahay, marka xigaa waxan aad iyo aad ugu mahadcelin Shacabka degan Xaafadda LAANTA HAWADA oo sida warbixintaanu sheegayso soo shegay Waxyaalahas qarxo waana XAAFADDA aan deganaan jiray ilaa hadana cailadaydu ku nooshahay, hadaba sida dadka XAAFADEENA degan u soo shegeen waa in XAAFAD walba feejignaadaan oo la shaqeeyaan CIIDANKA AMAANka si SUMCADA BOSASO loo ilaaliyo iyo guud ahaan AMAANKA PL oo looga badbaadsho waxa ay la damacsan yihiin Wuxuushtaan loo soo adeegsanaayo.

  41. alxamu dulilaahi mahada allaaaaaaah baa leh allaha naga qabto fidna wada waasha waa gaalo nin qof islam ah dilaya, shacabka rer puntland guuuuuuul baan ala weydisanay isagaa awooda wax walbee, waxaan qabaa ciidan badan oo shacabka ku dhax jiro hala sameeyo waa la heli mujrimiintaa dadka dilaya insha allah

  42. YOONIS says:

    Makra la leeyahay shacabka ha la shaqeeyo dowlada ayeey tusaale u tahay

    Su’aashu waxay tahay: Ilaa immisa qof ay dadkan qarax, geeri iyo burbur ka bad-baadiyeen?

    Yoonis

  43. YOONIS says:

    Makra la leeyahay shacabka ha la shaqeeyo dowlada ayeey tusaale u tahay

    Yoonis

  44. Maslah MOhamed says:

    Alle Ayaa Mahad leh Alxamdulilah wax kale oo aan oran karno ma jiraan

  45. yussuf says:

    mahadaas ilaah ayaa iskale marka kawaad
    bacdalaah shacabka xafdadegan ayaa leh iyo boliska waxaana loo bahanyahay in
    saas laysu kasahdo biloska keligiis wax maqabankaro hadaan dad waynuhu lashaqeen
    waxa dhibtaas wadana ilaah ahynka qabto
    isagaa qaadiru raxmaaneeeee