DFKM ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay beenisay in Sarkaal ka tirsan Ciidamadeeda inuu ka goostay.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga DFKM ah oo la hadlaayay Warbaahinada Magaaladda Muqdisho ayaa kasoo horjeestay hadalkii kasoo yeeray Xarakadda Al-Shabaab oo ay kusoo bandhigeen Sarkaal ay ku sheegeen in uu ka tirsanaan jiray Ciidanka DFKM ah.
Sarkaalkaan oo lagu magacaabo C/xamiid Sheikh Cali oo ah Taliyaha Dugsiga Tababarka Xalane ayaa sheegay in uu aad ulla yaabay bandhigida Xarakada Al-Shabaab ay kusoo bandhigeen Shakhsi ay ku sheegeen in uu kasoo goostay Ciidanka DFKM ah.
Waxaa uu sidoo kale beeniyey hubkii ay sidoo kale soo bandhigeen oo gaaraya 50-qori oo nooca AK-47 oo ay ku sheegeen in ay ka qabsadeen Ciidanka DFKM ah oo ay dagaalo la galeen maalmihi lasoo dhaafay.
Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada Mitariga ee DFKMG Col.Aadan Ibraahin Kaalmooy ayaa beeniyey warkan ay shalay shaaciyeen Al Shabaab.
Hadalkaan kasoo yeeray Milateriga DFKM ah ayaa imaanaya xilli maalinimaddi shalay ay Xarakada Al-Shabaab ay magaaladda Muqdisho kusoo bandhigtay Hub iyo Sarkaal ay sheegtay in uu kasoo goostay DFKM ah.
Horseed Media
Tags: Al Shabab, Ciidanka DFKGS