Dowladda wadanka Faransiiska ayaa waxaa ay ogolaatay in ay Xukuumadda Ruushka ka iibiso Markab dagaal oo aad uu baaxad weyn.
Saraakiisha Milateriga ee dalka Faransiiska ayaa waxaa ay sheegeen in Markabkaas dagaal uu yahay mid casri isla markaana culeyskiisa uu dhanyahay 23,000-tan,waxaana ay dhowaan si rasmi ah ka iibsan doonaan Xukuumadda Ruushka.
Waxaana ay ku warameen in arintaas ay timi ka dib marki masuuliyinta labadaas dal ay kulamo ku aadan arimaha Gaashandhiga wada qaateen,iyadoo ay sheegeen in Xukuumadda Ruushka ay codsigaas soo gudbisay.
Wakiilka dalka Faransiiska ee arimaha Hubka Jacques de Lajugie ayaa sheegay in Xukuumadda Ruushka ay sidoo kale codsatay in laga iibiyo Maraakiib kale oo dagaal ah oo ay ku doonayso in ay ku xoojiso Ciidankeeda Badda ah.
Qorshahaan ayaa ah midki ugu horeeyey oo sidaan uu baaxadda weyn ee dhexmarta labada dal ayadoo arrintan ay imaaneyso xili dhawaan la qaboojiyey xiisadii ka dhaxeysay dalalka kamid ah NATO oo uu Faransiiska xubin ka yahay iyo dalka Ruushka.
Horseed Media
Tags: France
meegane says:
a/c/w/w/ salaan kadin dhalin yarada somaliyeed waxaan oran lahaa inta aad ku mashquul santihiin ruushku gor muu ku biiray iyo wax yaala kale wax horumar ah oo aad gaaray saan malahan …? waxaa mudan in aan is waydiino sidee baanu dhibkaan iyo bur burka uga bixi karnaa ………?
Rating:
0
0
QURBAAWI says:
SXB MARHORE AYUU KU BIIRAY RUUSHKU NATO,,
WAXUU KU BIIRAY INTII AY SOOMAALIYA AMASE SOOMAALIDU BURBURKA KUJIREE AYAA ADUUNKU HORUMAR DHANWALBALEH GAARAY,
MARKA SXB INTAA AAD TIIGSANAYSO GOORMUU RUUSHKA KU BIIRAY NATO,,
MAAD ISKU MASH QUULISAAN
GOORMAYNU HOTUMAR GAARAYNAA KANA BAXAYNAA DHIBKAN AAN DHAMAANAYN IYO BURBURTKA TAASAY AHAYD INAAN KA FALAN QAYNO DANAHEENA GAARKA AH EE MAAHAYN INAAN TIIGSANO WADAMADA HORUMARAY,
INAGA WAXAA INUGU FIICAN INAAN TIIGSANO WADAMADA NOLOSHA KADHACAY KUWAAS AYAAYNU ISKU LODNAHAYE SABABTOO AH INAGA HORUMARKEENII WAXUU NOQDAY INAYNU KOOXO FARABADAN WADANKII KASAMAYNO OO WAX MASLAXADA USOOWADIN WADANKA IYO SHACABKA OO DANAHOODA GAARKA AH WAXKASTA UGAWAYN YAHAY TAN DALKA IYO SAHACABKA. MARKA MAAHAYN INAAN TIIGSANO KUWA NOLOSHA IYO HORUMARKA KAFAA IIDAYSANAAYA DALALKOODA IYO SHACABKOODANA UDANAYNAYA.
ILAAH HAKA QABTO WAXA WADANKA IYO SHACABUBA NABADOODA HORTAAGAN OO DHIB IYO DHIIG DAATA MAAHEE WAXKALE AHAYN DANAHOODA AAMIIN AAMIIN AAMIIN.
Rating:
0
0
Osman Hassan Hagarla says:
(labada dal kuwaas oo kawada tirsan Ururada Midowga Yurub iyo NATO).
Warku waa wacanyahay laakiin intaan ayaan i galin.. goorma ayey russia ku biirtay NATO amaseba Midowga Yurub!!!!.
Rating:
0
0