(Log in)

Waxgaradka Beesha Dhulbahante oo maanta Soo Saaray Bayaan(Sawirro).

February 8, 2010

Waxaa maanta lagu qabtay Tuuladda Buuro Wadal kulan balaaran oo ay kasoo qayb galeen Aqoonyahano, Waxgarad, Haween iyo Isimadda Beesha Dhulbahante oo in mudo ah Shir kulahaa Tuulada.

Kulankaas ayaa waxaa uu ku wajahnaa Soo bandhigida qodobada kasoo baxay kulanka Isimadda ay halkaas ku lahayeen, waxaana Bayaankooda maanta kasoo baxay kulanka goobtaas ka akhriyey Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare.

Garaad Mashqare ayaa inta uusan qodobada ay Isimadda isku raacayaan ku dhawaaqin sheegay in ay Isimadu si weyn uga xunyihin Xaaladda ka taagan Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,taasoo uu sheegay in Maamulka Somaliland ay duulaan kusoo qaadeen Magaaladaas iyagoo dadki halka deganaa ay Xeryaha qaxootiga dalalka Itoobiya,Kenya,Yemen iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya ku sugan yihiin.

Wuxuu kale sheegay in ay Beesha Caalamka ka jeesatay dhibaatada dadkaasi loo geystay oo ay uu geysteen waxaa uu ugu yeeray Jabhadda Soomaali diidka oo uu ku tilmaamay Maamulka Somaliland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Jabhadda Soomaali diidka ay bilowday 3-bilood ee ugu dambeysay in ay fursad uga hesho Caburinta dadka magaaladda Laascaanood.

Garaadka ayaa ugu dambeynti soo bandhigay 9-qodob oo ah kuwa ay soo saareen Isimada Beesha Dhulbahanta,waxaana qodobada ahaayeen sidaan;

1.Waxaa la dhisaaya gudi la yirahdo Qusuusi.

2.Qusuusigu waxaa ay ka koobnaanaysa 21-Xubnood, Saddex ka mid ah ay dumar yihiin.

3.Qusuusigu waxaa ay awood uu leeyihin hawlihii Hogaanki lagu soo dhisay Nairobi.

4.Quusuusiga waxaa soo xulaaya Beelaha.

5.Qusuusiga waxaa ay iska dhexdooranayaan Gudoomiye,Kuxigeen iyo Xogheyn.

6.Qusuusiga waxaa ay mudadoodu ku egtahay Sanad iyo Bar maalinta la Ansixiyo.

7.Qusuusiga waxaa lagu keenaya mudo dhan 10-casho laga bilaabo maalinta gudoonka soo baxo

8.Qusuusiga waxaa kala diri kara Isimadda saxiixay Cod dhan 3/2

9.Shuruudaha lagu soo xulaayo Qusuusiga waxaa qeexaya Xeer hoosaad uu gaar ah.

Bayaankaan maanta ay Isimada soo saaren ayaa lagu sheegay in Hogaanki lagu dhisay Nairobi ay Isimada Maamulka Puntland kala hadleen in ay soo galaan dalka si ay ula kulmaan Qusuusiga.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in uu jiro Wefdi isugu jira Isimo,Cuqaal iyo Xubno ka mid ah Qusuusiga ay tegi doonaan Degaamada Sool, Sanaag iyo Ceyn si ay dadka ugu baraarujiyaan Xaaladda adag ee ka jirta dalka iyo sidii looga bixi lahaa.

Dhinaca Dhaqaalaha howlahaan lagu samaynaayo ayay sheegeen in Jaaliyaddaha SSC ee ku sugan dalka dibaddisa ay gacan weyn ka geysanayaan.

Bayaankaan maanta kasoo baxay Isimadda Beesha Dhulbahante ee ku shiraayay maalmahaan Tuuladda Buuro Wadal ayaa waxaa lagu sheegay in 3-dii Maamul ee Puntland isaga dambeeyey in midba mida kale uga darnaa dadka dega degaanadda SSC.

Waxayna Maamulka Puntland ee iminka talada haya ay uu cadaatay in uusan usoo jeedi wax ka qabashada degaamada ay degaan qeybtood oo la haysto,taaso Bayaanka lagu sheegay in ay Isimadu degaanka ay garwaaqsadeen in ay isku tashadaan oo howsha ay uu wajahaan qaab Beeleed hormuudna ay ka noqdaan Isimadda SSC.

Waxaana ay Isimadu uga mahadceliyaan Shacabka Reer Puntland sida hiil iyo hoob ay ugu galeen in lasoo celiyo goboladda SSC oo qayb ka mid ah ay gacanta ku hayaan Maamulka Somaliland.

Xukuumada Talada hada haysa ee Puntland ayaa Bayaanka Isimadu lagu sheegay in ay ku qiimayn doonaan sidii ay go’aankaan kasoo baxay ka yeesho oo keliya.

Isimada go’aankaan ku saxiixna ayaa waxaa ay kala ahaayeen;

1.Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac

2.Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxmuud

3.Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

4.Garaad C/laahi Garaad Soofe

5.Suldaan Siciid Cismaan Cali

6.Garaad Abshir Saalax Maxamed

7.Ugaas C/laahi Ciise Nuur

8.Garaad Cali Buraale Xasan

9.Boqar C/laahi Axmed Cali

10.Garaad C/salaan Xasan Maxamed

11.Garaad Maxamuud Cismaan Maqshqare

12.Garaad Saleebaan Buraale Owaadan

13.Garaad C/laahi Maxamed Guuleed

14.Ugaas Faarax Maxamuud Cali

Shirkaan Isimada oo in Dhowaale ka socday Tuulada Buuro Wadal ayaa waxaa uu ahaa mid ay Shacabka Reer Puntland ay ka war sugaayeen Natiijada kasoo baxda.

Maxamed Siciid Yuusuf
Horseed Media
Buuro Wadal, Sool.

Tags: ,


Bookmark and Share
42 comments
  1. cali digir says:

    reer sool waxa ka sugaynaa guul aan garabka la taaganhay hiil iyo hoob maxa yeelay gacma wada jir bey wax ku gooyaan waxana rabnaa in aan dhibta laqaybsano

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. khadar says:

    Masha alaah waa talo wanaagsan

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Sahara says:

    Kuwa yiri gabar iyo wiilba igama dhimanayeen lascano waa inuu dhulbahante iska qabtaa,kadib ayey wax u hagagayen,saciid hartiyow iska dhiciya isaaq walalihina ayaa garab kahelaysan.inshalah guul iyo wacnan.

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. abdul says:

    waxaan taageerayaa go,aankan garaadada isla markaana waxaan ku boorinayaa anigoo ka soo jeeda beesha dubaays warsangeli in hiil iyo hooba laaysala dhinac taago mar haddii walaalaheen talo gaareen oon loo xoglin dawlada puntland ee shacabku qabto hawsha laanooga baahanyahay maanta iyo maalmo kaloo dhiman intaba wscr

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Luul says:

    Raganimada waa idinka sugaynay iyo in aad cadowga iska racdan masha alah

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. maxamed awle says:

    maanshaa allah waa wax lagufarxo hadii ay iswada raaceen dhaman wax garadkii dhulbahante waxaan aaminsanahay somaland in aysan haysan karin galin laascaanood hadii meel looga sooo waa jeensado waana mida kaliya ee ay waxaa ku noqon karaan

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. cilmi says:

    ilahay hala garab galo waa talo wacan qofkii wax ku qaadanaya waana midnimo laga rabo umada islamka ah inay sameeyaan oo isku wada daydaan wanaaga , cudurka somalia helayna daawadiisu waa in dadka la mideeyo walala ah

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. ssc says:

    mansha allha

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. omar says:

    ilaahay waxaan oga baryayaa in dadka ehelka ee daraawiisheed u ka xoreeyo cadawga haysta..las anod waxay ahayd magaalo koraysaa .maantana waa meel culimada, dumarka iyo dhalinyarada lagu xidhdixidho..amay u fiicanataahy inay dirta waqooyi ka baxaan gobolaadaas si nabad ah..

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. nuura says:

    Kulan khayr qaba oo natiijo Fiicani ka Dhalato Allaha ka Dhigo Kulanka Isimada Siciid Harti.

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Hersi says:

    Waa bilowgii midaynta soomaaliya,waa ka hortag kala qoqob iyo xudduudo iyo cadaawad la dhexdhigo dad walaal ah,waa ka hortag salladda tuugsashada hargeysa laga fidiyey oo aanay jirin iyada maahee wax ummaddaan wax walba wada wadaaga in lagu kala raro.
    Guul baan leeyahay Go’aanka taariikhiga ah ee hoggaanka dhaqanka goboladaas.

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Ka Raadi Wararkii u Danbeeyay

RADIO HORSEED MEDIA

RELATED ARTICLES

SUBSCRIBE

LATEST NEWS

Tags